Saleebaan-Gaal iyo Cabdi-waraabe oo Aragtiyo Kala Duwan Ka Bixiyey Qaabka Ay Dhaqdhaqaaqa Ay Axsaabtu Ku Bellaysimeen Kaadh-qaybinta Todheer & Maroodijeex

0
69

Guddoomiye Saleebaan Oo Sheegay In Socdaalka Xisbiyadu Ku Joogaan Burco  Uu Yahay shaqo-tag Siyaasadeed iyo Cabdi-waraabe oo Hoggaamiyeyaasha Axsaabta Ugu Baaqay Inay Qadaf Ku Sifoobaan

“Xisbiyadu Waxba Olole May Bilaabin Ee Waa Kuwaa Shaqo Tagay Oo Way Isu Muuqdeen’e Aynu……” –  Saleebaan-Gaal

“Waxaan Leeyahay Nin Walowba Ninka Aad Doonto Raac Laakiin Is Jeclaada Oo Wax Hadal Ah Oo Dhibaato Lihi Yaanay Idinka Soo Bixin”   – Cabdi-Waraabe

10649

Hargeysa (Hubaal)- Guddoomiyaha Golaha Guurtida Somaliland Saleebaan Maxamuud Aadan iyo Xaaji Cabdikariin Xuseen Yuusuf (Cabdi Waraabe) oo shalay si gooni gooni ah wax looga weydiiyey sida ay u arkaan bilowda kaadh qaybinta diiwaangelinta codbixiyeyaasha ee ka bilaabantay gobollada Hargeysa iyo Togdhgeer ayaa baaq dheer u diray guud ahaan shacbiga reer Somaliland  iyaga oo ku guubaabiyey in ay nabadgalyadana ilaaliyaan. Sidoo kale waxaa ay ka hadleen sida ay u arkaan madaxda axsaabta ee gobollka togdheer ku sugan. ugu horeyn guddoomiyaha golaha guurtida oo ka hadlay qaadashada kaadhka codbixinta ayaa ku tilmaamay inay tahay waajib muwaadin kasta saaran sidii uu u qaadan lahaa  “qaadashada kaadhka diiwanagelintu muwaadin walba waa ku waajib in uu codeeyaana waa ku waajib, loomana baahna guubaabo iyo talo ee waajibkeenna aan gudanno”. Sidaas ayuu yidhi guddoomiyaha golaha guurtida Somaliland Saleebaan Maxamuud Aadan oo maalintii shalay war fidiyeennada qaarkood kula hadlay magaallada Hargeysa, waxaanu intaa ku daray “Hadaynu doonayno qaran inaynu noqono tiradeenu halkaasay ka muuqanaysaaee waa inaynu codka bixinnaa, wax kale oo aynu ummada faraynaana ma jiree waxa weeye inaynu waajibkeena  gudano”. Intaas ka dib ayaa weriyeyaasha oo guddoomiye Saleebaan wax ka weydiiyey sida uu u arko hoggaamiyeyaasha axsaabta qaranka ee isugu tagay magaallada Burco iyo in socdaalkooda iyo dhaqdhaqaaqooda loo qaadan karo olole, waxaa uu si kooban ugaga jawaabay isaga oo difaacaya ujeedada Socdaalka xisbiyada “Xisbiyadu waxba olole may bilaabin ee waa kuwaa shaqo tagay oo Burco ayay isugutageen  oo way isu muuqdeenne  dee intaa waynu ugu dul qaadanaynaa”. Ayuu yidhi Saleebaan Gaal.

Geesta kale Xaaji Cabdikariin Xuseen Yuusuf (Cabdi-waraabe) ooisna ay shalay warbaahintu wax ka weydiisay dareenkiisa diiwaangelinta la xidhiidha iyo farriinta uu shacbiga u dirayo waxaa uu yidhi “Diiwaangelintu waa dawladnimada kowdeedii weeye ee halloo dadaalo ayaan leeyahay oo si wanaagsan oo nabad galyo ah halloo qaato kaadhka, iyada oo midna mucaarid iyo muxaafid aan hadal xun iyo qadaf tooni kasoo bixin”. Sidaas ayuu Xaaji Cabdi Waraabe yidhi, waxaanu intaa ku daray “Nabadgalyadana halagu xigsiiyo oo hala ilaaliyo, tirada iyo sharafta ayaa lagu miisaamayaa diiwaangelinta oo sida aynu u qaadanaa la eegayaa ee shicibku ha dadaalo meel uu joogaba, qofkii aan qaadanina wwaa dawladnimo ka bax, xukuumadduna waa ay dadaalaysaa ee halkaa  ha ka sii waddo, waxaanse leeyahay dadweynoow  ninwalowba ninka aad doonto raac laakiin is jeclaada laakiin wax hadal ah oo dhibaato lihi yaanay idinka soo bixin”. Ayuu yidhi Xaaji Cabdi Xuseen.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here