Saleebaan Gaal markuu Ilaahay iyo Gar xaqa ka xishoon waayey ee Siilanyo qabyaalad ugu hiiliyey ma waanu ka dhignayn Wadaadkii Kaadida ku weysaystey ee….

0
48

SALEEBAAN GAAL MARKUU ILAAHAY IYO GAR XAQ AH KA XISHOONWAAYAY, EE SIIRAANYO QABYAALAD UGU HIILIYAY, MA WAANU KA DHIGNAYN WADAADKII KAADIDA KU WEYSEYSTAY, EE GUURTIDA TUJIYAY.
Ilaahay dadka aanu aakhiro xagooda eegin ayuu ku daray ruux eex iyo xaqdarro garnaqa. Rabbi ha inaga ilaaliyo inaynu kuwaa noqone eh, waxaa cid waliba argagax ka qaadday, gartii saleebaangaal golaha keenay, ee weliba 16 oday, oo ku raacsan uu watay.
weligeed saddex xaalo may dhicin, saddex kalena may dhicin.
saddex may dhicin, oo
1. guurti horilaahay ayaanu u soconnaa, ee aannu idiin garqaadno, wejiga ilaahayna nagu aamina, oo iyagu wejiga ilaahay ka xishoonwaayay, may dhicin.
2. guddoomiyihii xisbiga arrinkiisu ka go’ayay, waanu diidnay waxuu garnaqsaday, oo niman gole ka fuula ayaanu intii qodob ee ay sheegteen garwaaqsanay. Oo warqad aan sharci kaga soo bixin xafiiska kulmiye, saxeexii guddoomiyahana aan wadan, ee siiraanyo soo qortay, ayaanu ku raacnay guddi doorasho oon sharci ahayn, inay waraaqda sidaas ah sharci ahaan u aqbaleen, waa mid subxaanala.
3. waa guddoon xaqa, oonaan cidna ku dulmiyin ee hala guddoomona, waa waayeel cawradiisa bannaanka dhigay. Oo ninna mas laba jeer isla god kama wada qaniino.
saddex kalena may dhicin madal guurti wada socotaa ka sheegto.

 

gal
1. Eraygii Saleebaangaal:. waxaanu idiin sidnaa go’aankii aanu isku qancinay, ee caddaaladda ahaa.
2. Eraygii Xaaji cabdikariim:. waxaanu golaha keenay midhkii madaxweynaha,oo meel aanu ka marno waynay, waana awlulamrigeena, in laraaco ay tahay.

3.Eraygii ina aw yuusuf:. weliba arrintaa go’aankeeda markaanu rogrognay in badan oo madaxweynuhu ku dooday ayaanaan waxba ka soo qaadin.
Dadka qaarkii waxay isweydiiyaan saleebaangaal maxuu uga jeeday, inuu garnaq sidaasa u badheedo, isagoo guurtida guddoomiye u ah.
dadka waxaa ka maqan in saleebaangaal farriin iyo tusaale uga dhigayay reer hargaysa.
Maantana uu Hargaysa dhexdeeda nin ku toogto, aan ceebi ka raacaynin.
way dhacday in xilli ay juujuule nin la odhan jiray(AHN) iyo Boqor buurmadow xisaabi dhex martay. buurmadaw si kastaba ha ka ahaatee, juujuule ayuu u fadhiistay dagaankooda, nimanreekooda ahna wuu u kaxaystay, waxaa warka lagu keenay, in juujuule u xidhanyay buurmadow, lana soo dayndoonin ilaa waxa buurmadawi xoolo sheegtay la keeno. arrintii yaab ayay ku noqotay cid walba in buurmadow uu taa sameeyo, juujuule dagaankiisana nabad ku dhex maro. cid fardaamisa waa la waayay. weliba ay ku hanjabeen in la dilidoono ninka juujuule (AHN), haddaan si dhakhso ah loo siin xoolaha buurmadow sheeganayo.
Wiilal juujuule reerkooda ah, ayaa saleebaangaal meel u galay, oo kaxaystay, waxaanay sheegeen, inaan saleebaangaal juujuule ka duwanayn, inta buurmadow uu gaadhsiiyona saleebaangaal laga gudi doono.
saleebaangaal waa nin aan siyaasadda, qabyaaladda, iyo odaynimadu u kala soocnayn.
tan uu maanta kaga dhawaaqay madaxtooyada, ee intuu inaadeerkii siiraanyo war uu ka sii dhargiyay, golaha hortooda ka sheegayna maaha mid khusaysa, muuse biixi, ama arrin xusbi, ama siyaasad.
waa arrin aargudasho, ah, iyo maanta inuu tuso inuu hargaysa nin intuu ku dilo, weliba uu ku caano maalayo.
Uma eka ruux iyo labo ayaan dulmi ka galayaa, waxayse daarran tahay in saleebaangaal u arkay inuu Hargaysa ka samaynkaro waxa uu rabo.
waynu ognay saleebaangaal inaan taas oo kale maanta burco ka samaynkarin, ee waa hore ayaa maryo dhiigleh lakala furan lahaa.
Waxaa taariikh xumo ah, in maanta suldaan maxamed suldaan guuleed, fagaare ka yidhaahdo waxaan ku jihaadayaa, oo sida gaalada ku jano tagayaa, MUUSE BIIXI, MAXAMED KAAHIN, isaga oo labadoodaba suldaan u ahaa, karayna inuu soo gole fadhiisiyo, haddiiba uu u filaayay inay baadil wadaan.waa laba nin oo uu abti, iyo awoowba u yahay, waa rag uu aqoon badan u leeyahay, ee may hayn raggii uu caawa ku janno tegi lahaa. Ilaahay ha ka raali noqdee, mujaahid Xasan Guure ayaa afka biyo uga buuxiyay, inbadan oo suldaan guuleed malaha aflagaadayn lahayd.
Waxaa iyadu yaab kale ah, xildhibaan nacnac oo kolayba dadku ku tilmaamaan nin macaamilkiisa laga quruxbadan yahay, marka uu hadal rabo, maaha nin arrin iskii maskaxdiisa uga soo go’ay sheega, waase nin qof hadlay uun warkiisu daba socdo. mararka qaarna waxaabu ku dhaartaa siiraanyo qof ka afgaaban, oo ka aaminsan, oo ka daacadsan maan arag.
La yaab maaha, waxaase iyadu isweydiin ah, waxaa la yidhaa dameerta teeda dhalataa, reerkana hawl uma gasho, nafteedana rubadgo’ kama dayso, waa arrin iyada ku kooban, oo dhaanka wayraacdaa, sufurad biyo ahna reerka ma keento. waa yaab inuu dad milgo, iyo xishoodba ku leh, uu dhuuni la collaysiiyo, oo niman toban iyo labaatanba ka badan uu mar iyo laba iyo saddex kaga waantoobi waayay inuu caayo, oo hadba rag aanu kolayba meeqaan la joogin, uu meelahaa carruur iyo haween isdhextaago, oo lagu sawiro.
In uu odayaasha madasha wadatashiga ceeb iyo cay ula fadhiisto.
waxaa hubaal ah maalinta siiraanyo tagona haddii rabbi nafta inagu simo, inaynu arkidoono isaga oo siiraanyo tuug buu ahaa leh.
Waxaa yaabka yaabkiisa ah, inanka sida ishinka qabyaaladda ku godlada, ee Xasan la yidhaa, waa ruuxii ku tookhayay, inuu aqoonsaday waraaqihii aan saxeex iyo shaabbaddii xusbiga kulmiye ku oollin, ee siiraanyo soo qoraye, ee ku hadlaayay magaca guddida diiwaan gelinta ee aan sharciyadda haysan jiritaankiisu. Isna waa Bissaddii Madaxweyne Daahir Riyaale caanaha ka dhargiyay, ee habeenkii ka dambaysayna yidhi wallee reerkayga ayaanan ku wacad furin. Ee madaxweynihii uu wasiirka u ahaa cay u quudhay, ee milgo iyo xishood midna xidhi waayay. Waa ruuxa caynkaasa ka sharci iyo siiraanyo ayaan raacsanay ummadda war uga dhigaya.
Lala yaabi mayo waxay intaas oo dulmi iyo xaaraan ah ay uga aamusan yihiin, raggii Ina cigaal, iyo Daahir Riyaaleba duhurada ku muddaharaadi jiray, ee aan u aabbo yeeli jirin hadalkooda, ee odhan jiray waa maamul macangag ah, oo keli talis, oo xaqdarro ku dhisan.
Hadday raggii manta arki waayeen caddaalad darrada Somaliland ku habsatay, waa mid la garankaro, waxay ka daarran tahay, iyagayse u taallaa, maalin ay cid wax ka sheegi doonaan, iyo inay suuldhabaalo ku socdeen.
Waa mid aan la filayn in Saleebaangaal iyo Siiraanyo beeshoodu iska dhaga mariso, waxa ay saleebaan gaal, iyo siiraanyo isku raaceen. Waxaase la filayay inay si fiican u yidhaahdaan waanu raacsanay arrinta, ama ay sida dad badani ka filayeen eed iska duwaan aan hadhaw laga gilgilan doonin, oo maalinteeda la isla sugi doono.
Beelaha subeer awal waxa lala yaabban yahay waxay uga aamusan yihiin, ciidan beeleedka RRU ee siiraanyo samaystay, ee carruurtooda iyo dhallinyaradooda habeenkii guryaha kala baxaya, sidii siyaad barre, ee siiraanyo ayaad sacabka u tumi waydeen, iyo arrin qabyaalad dabada ku haysa loo xidhxidhaayo. waana mid iyaga sugaysa, haddii kale saqda dhexe ubadka yaryar ee biyaha ah qawlaysatada aan xishoonaynini baynaad oofaha ha ka geliyaan. siiraanyo kuwii hore oo ugu xidhan muuse biixi sawirkiisa, inuu qaarkale fallaago usoo diro, oon cidi ka daba hadal waa arrin loo noqondoono.caddaalad haddii la waayona kuwa hantida qaran ku sariiganaya ayaa wax ku waayaya.
waxaa magabxumo weyn leh, niman yidhi reerka subeer awal ayaanu odayaal u nahay, oo waxaanu sheegaynaa inaanu raacsanahay gartii saleebaan oo isaguba Rabbiga abuuray kala xishoon waayay wixii afkiisa ka soo baxayay, ee qofkii maqlaaba subxaanala uu lahaa.
waxay garan waayeen, ma cid baa ku khasbaysay, may ahayn arrin awal ugaara oo wax laga sugayay, may ahayn arrin baqe u geeyay, oo cid ay iskaga furfurayeen may jirin. nimanka noocaasa ee dulmi aanay iyagu gelin, xaqdarro aanay dambigeeda lahayn, iyo saleebaangaalkaa inuu Ilaahay ka xishoodo, oo xaq taliyo, ay kala adkaatay inuu qabyaalad siiraanyo ugu hiiliyo, aakhiro haba iska joogtee, intii la odhan lahaa, tolnimadii xageed ku ilawday.
kolayba mid ayaa cad, in siiraanyo oo masacagalay noqday inuu wanaag ka sugo, nimuu yidhi wax weligayo naga dhexeeyay may jirin. Dhici mayso in looga tago, waxuu hanti qaranka ka dhacay, iyo xaqa agoonta ee uu bililiqaystay, isaga iyo afarta uu reerkooda ka keenay, ee sida haawayda qarankii dhammaa u dajiyay. Siiraanyo iyo xawaaladdiisa dahabshiil ee uu xaaraanta oo dhan ku urursadona waa lala xisaabtami. hanti qaranna ma lunto, shinkastoy dheeraato doonisteedu, ee taa maanka ha geliyo.
Ilaahay ayaa inoo sheegay in xaqa iyo caddaaladdu isaga ka timaaddo, cidda xaq iyo caddaaladi u dhadhami waydaana ay Ilaahay ka dheeraadeen.
Eng. Youssuf Ahmed

 

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here