Saleebaan-gaal Oo Farta Ku Fiiqay Aragtida Uu Ka Qabo Shirka Beellaha GARXAJIS & Natiijada Uu Ka Filayo Inuu Ku Dhammaado

0
12

“Shir-beelleedkii Buurta Gaan Libaax Wuu Dhammaaday Maan Maqale Weli Wuu Socdaa,  Waxaanan Leeyahay Reer Dhan Oo Isu Tagay…”

“Waynu Soo [Hadal] Qaadaynaa Uune Gole Ahaan Koley Wax Hawl Ah Oo Innagu Aynu Ka Galaynaa Ma Jiro, Wax Hadda Innoo Diraya [Inaynu Ka Hadalnaana] Ma Jiro’e Illaahay Ha Ka Qaboojiyo Waayo…..”

 

Hargeysa (Hubaal)- Guddoomiyaha golaha guurtida Somaliland Md. Saleebaan Maxamuud Aadan (Saleebaan Gaal) oo shalay hadal ka jeediyey fadhigii caadiga ahaa ee mudanayaasha aqalkaasi ku yeesheen xaruntooda ayaa ka xog-warramay qoddobo saamayn ku leh xaallada guud ee dalku jiro xilligan iyo doorka gole ahaan ay ku leeyihiin. Guddoomiye Saleebaan khudbada uu u jeediyey mudanayaasha golahaasi ee shalay ka soo xaadiray fadhiga ay yeesheen waxaa kamid ahaa Xaallada difaac ee ay ciidammada qaranka Somaliland kaga jiraan jiida bari ee dalka, halka ay marayso waanwaanta dirirtii beellaha Ceel afweyn dhex martay oo uu sheegay in ay maanta   ku began tahay xilligii madaxweynuhu u qabtay in la gudo galo arrinteeda. Sidoo kale waxaa uu guddoomiye Saleebaan Gaal ka hadlay saamaynta uu isbedelka ka dhacay dalka Itoobiya ku leeyahay Somaliland isaga oo soo qaatay qaraxii lala beegsaday fagaarihii uu raysal wasaaraha cusub ee dalkaasi kala hadlayay taageerayaashiisa, waxaanu sheegay in inkastoo aanay gole ahaan arrintaasi meel uga banaannayn haddanay ay u ducaynayaan. Guddoomiyaha golaha guurtidu waxaa gebogabadii hadalkiisa uu sidoo kale ka hadlay shirka beellaha Garxajis uga socda deegaanka Buurta Gacan Libaax.  Ugu horeyn Md. Saleebaan Gaal waa kan isaga oo ka hadlay xaallada wadanka Itoobiya iyo saamaynta ay Somaliland ku yeelanayso  “koley waynu soo [hadal] qaadaynaa uune wax hawl ah oo innagu aynu ka galaynaa ma jiree Dawladdii ugu weynayd [mandaqada] ee deriska inala ahayd ee Itoobiya waa tan uu isbedelku ka dhacay, raysal wasaarihii waa la badalay oo mid cusub baa yimi”. Ayuu yidhi guddoomiye Saleebaan, waxana uu intaa ku daray “khalkhal baa isbedelkaasi geliyey iyo khilaafaad, bambooyin la tuuro iyo wax baanay arrintaasi keentay, illaahay ha ka qaboojiyo iyagana ayaanu leennahay waayo way ina saamaynaysaa, wax hadda innoo diraya [inaynu ka hadalnaa] ma jiro laakiin duco ayay inagu leeyihin”. Ayuu guddoomiyaha golaha guurtidu yidhi.

Geesta kale khudbadda uu Md. Saleebaan Maxamuud Aadan ka jeediyey fadhigii shalay ee golaha guurtida waxyaabaha uu ku soo qaatay ee uu ka hadlay waxaa ka mid ahaa shirka Tol-wanaaje 2 ee Beellaha Garxajis uga socda Buurta Gacan Libaax, waxaana isaga oo is dhawraya uu si kooban u dulmaray filashada uu ka qabo natiijada shirkaas. “Shir-beelleedkii Buurta Gaan Libaax weli wuu socdaa, wuu dhammaadayna maan maqale waxaan leeyahay reer dhan oo isu tagay wax xumaan ah ka fili mayno’e illaahay ha ka dhigo [go’aamada ay soo saaraan] wax qarankan anfaca ha ka dhigo”. Sidaa ayuu guddoomiyaha guurtidu yidhi.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here