Hargeysa (Hubaal) Guddoomiyaha Golaha Guurtida somaliland Saleebaan Maxamuud Aadan, ayaa u magacaabay Golaha inuu afhayeen u ahaado Xildhibaan Cabdiqaadir Maxamed Xasan (Indho-indho) oo ah Xildhibaanka Ka tirsan golaha Guurtida. Magacaabista Afhayeenka Golaha Guurtida ayaa u dhignayd sidan:-
Ku:- Dhamaan Mudanayaasha Golaha Guurtida Jamuuriyada somaliland
ku:- Dhamaan Saxaafadda Somaliland
Ku:-Magacaabis
Waxaan La socod Siinaynaa Dhamaan Mudanayaasha Golaha Guurtida Jamuuriyadda somaliland,Saxaafada iyo Cidkasta oo ay khusayso,in laga bilaabo maanta oo bishu tahay 07/6/2015 loo Magacaabay Afhayeenka Golaha Xildhibaan Cabdi Qaadir Maxamed Xassan indho-indho oo ah Guddoomiyaha Guddida Arrimaha Bulshada ee Golaha Guurtida Somaliland
Allaa Mahad Leh
Guddoomiyaha Golaha Guurtida Somaliland
Saleebaan Maxamuud Aadan