Hargeysa (Hubaal)-Siyaasiyiinta Madasha Wada-tashiga iyo toosinta qaranka, ayaa si adag uga hadlay falkii ay xukuumadu kula kacday Golaha wakiilada, isla markaana ay dadka shacabka ah ee Mudaharaadayay u adeegsatay rasaasta nool ay noqon doonta mid ay dhabarka xukuumadu dhabarka u ridan doonto hadii la ilaalin waayo sharciga iyo kala dambaynta.
Madasha Wadatashigu sidaa waxay ku sheegeen shir jaraa’iid oo ay ku qabteen Guriga Xasan Ciise.
Ugu horayn Shirkaas jaraa’iid waxa ka hadlay Guddoomiyaha Madasha Wada-tashiga Somaliland Xasan Guure Jaamac waxaanu yidhi “Sida la sheegayo waxa aynu ognahay in Barlamaanka ka bilaamay Muran, kicitaan badan oo Dadka ah inuu Hargeysa, Berbera iyo Burco uu ka dhacay, waxa la sheegaya inuu dad ku dhintay, dadna ku dhaawacmay, waxa aanu tacsiyadaynaynaa dadka la sheegayo inay ku dhinteen Mudaharaadaas, oo Burco laga soo sheegayo, kuwii ku dhaawacmayna waxa aanu ILLAAHAY uga baryaynaa inuu Caafimaad deg deg ah siiyo’.
Mujaahid Ibraahim Cabdilaahi Xuseen (Dhego-weyne) oo isna ka mid ah Madasha Wada-tashiga Somaliland oo halkaas ka hadlay ayaa yidhi “Xaalada Maanta dalka ka taagani muran badan iyo qas ayaad mooda inay gashay,oo Dawladdu galisay waxa dhacay oo xukumaan ah, looma sinee cid ayaa ka masuul ah, cidii ay Umaddu u diratay Nabadgeliyada, dejinta iyo wanaaga ay doonto, ayaa waxa ay ku qiyaasaysaa Golaheedii shaqsiga ahaa, waxaasina waxa macquul ah oo la qaadan karo maaha, waxa Burco ka dhacaya iyo Maatida lagu toogtay iyo Mudaharaadkan ka dhacay waa gardaro, in Ciidankii Qaranka ee Cashuurtooda lagu masruufayey, ee iyaga u shaqaynaayey in Xabad ay la dhacaan, waa wax aan la qaadan Karin, oo golahan la baabinayo waa in la karaamaya madaxdooda, Siilaanyo iyo Saleebaan kaligood dalka Sharci kama noqonayaan, kama noqonayaan labadoodu madax kaliya marka ay inta kale tirtiraan, inay labadoodu ka noqdaan oo ay sharci daro ku haystaan.”
Mujaahid Xasan Ciise Jaamac oo isna halkaas ka hadlay, ayaa Xukuumadda Somaliland uu baaqay inay ku dadaasho ilaalinta Nabadgeliyada “Waxa aanu doonaynaa in aanu dadweynaha reer Somaliland gaadhsiino talo iyo waanadayda ah in Nabadgeliyadeena la ilaashano, waxaanu soo jeedinaynaa in Nabadgeliyada ilayn Xukuumaddu iyada ayaa ka masuul ah Umaddan oo ILLAAHAY ka sakaw, ay gacantooda ku jirtaa, inay Xukuumaddu ilaaliso dadka, inay Xukuumaddu xakamayso Ciidaman BIlayska ah oo imika uu maahe hore Xabadu ugu soo horeeysay”.