Hargeysa (Hubaal) – Wasiirkii hore ee Caafimaadka Xukuumadii Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa ka dib xil wareejintii Wasaaradiisa dib ugu soo laabtay Magaaladda Hargeysa. Saleebaan Ciise Axmed (Xaglatoosiye) oo in muddo ah fadhigiisu ahaa Imaaraadka Carabta ayaa markii uu soo gaadhay Hargeysa waxa uu kulan gaar ah la yeeshay Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi oo uu ugu tegey xarunta Madaxtooyadda. In kasta oo aan kulankaasi la ogeyn waxyaabaha ay ka wada hadleen, hadana waxa jiray dhaliilo badan oo uu Xagltoosiye u soo jeediyay Xukuumadda uu uu hogaaminayo Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi. Kulanka labada dhinac oo ku soo beegmaya xilli xiisad adagi ay ka jirto Deegaanka Tukeraq, taas oo u dhaxaysa labada dhinac ee Somaliland iyo Puntland ayaa waxa ay wararka qaar sheegayaan in uu madaxweynuhu kala hadlay sidii uu Saleebaan Ciise Axmed Dhinaciisa wax ugala qaban lahaa.
Guriga WARAR UGU XIISAHA BADAN Saleebaan-xaglotoosiye Oo Dalka Kusoo Laabtay Iyo Kulan Albaabadu U xidhan Yahay Oo...