Sanaag Barri Miyaa La Hagraday!!!

0
206

WQ:  Maxamed Xuseen  Jaamac(M.somaali)

 

Iyada oo aanay wali afartan bixin xukuumadii dhawaan dhalatay ee uu soo dhisay Muuse Biixi waxa ay la kulantay qorshayaal dhagaraysan oo laga soo maleegay Koonfur kuwaas oo lala soo eegtay isbadalka maamul ee ka dhacay Somaaliland.

Maahmaah guunaa ahayd “ gal dad liqa ushaadaa lagu dayaa“waxa ay u muuqataa in maamulka taagta daran ee ku tukubaaya ulaha boocda ah ee isku tashan kari waayey tahlina waayey in ay is afgartaan oo hadimada ka daayaan shacabkooda mudda nus qarniga ah in uu maanta daandaasi ku bilaabo xukuumada cusub ee ka dhalatay gayigeen kadib markii uu ku kacay laba qorshe oo si weyn looga soo shaqeeyey waxa ayna kala yihiin

 

  1. Waxa ay sheegeen in ay la wareegeen maamulkii hawada oo ka mid ahaa qodabadii wada hadalka uugu muhiimsanaa iyaga oo jabiyey heshiiskaa .
  2. waxa si cad oo aan geed ku gabasho lahayn u yimid mudo ku siman 26sanno ku yimid socod gaala bixin ah sanaag bari(Badhan).

 

Uugu horayn qaranka Somaaliland baa ay tahay in uu gaadhsiiyo maamulkiisa deegaanada aan wali uu gaadhin isla markaana uu sugo dhamaan xuduudihii uu qarankani lahaa( hawo .badd iyo barriba).

 

Waxa la gudboon xukuumadan cusub in ay indho gaar ah u lahaato tabashooyinka deegaanadaas oo ay adeegyadii dawlada ay gaadhsiiso.

 

Dhamaystirka wadahadaladii Khaatumo

 

In la eego tabashooyinka ay qabaan gobaladi barri ( Sool ,Sanaag iyo Cayn)a awaa waxyaabaha muhiimka u ah qaran wakhtigan aynu joogno xukuumada waxa aan ku boorin lahaa in ay dhamays tirto wada_hadaladii u socday Khaatumo iyo Somaaliland saamiga ay qaranka ku leeyihiina in lasiiyo iyaguna ay qaranka dhinac k raacaan oo aan mar danbe la maqlin maamul gobaleed ka jira halkaa.

 

Gaadhsiinta adeegyada dawlada ay u baahanyihiin

 

Shacabka Sanaag barri waxa ay ku jireen jahawareer muddo dheer maamulo ayaa koonayaasha ka xiga may helin adeegyo hufan oo dawladi u fidiso baahidoodu waa taa keentay in ay qaylo dhaan u dirtaan maamulka fedaraalka Somaaliya  oo waliba sidii uu joogo Kismaayo sida diiran loogu soo dhaweeyey.

Waxa muuqata in adeeg dawladeed arligan aanu ka taabo galin ilaa burburkii dawladii kacaanka.

 

Maxaa la gudboon Somaalilan?

 

  1. Ugu horayn in ay gaadho deegaanada aan wali maamulku gaadhin
  2. in si degdeg ah loo fuliyo heshiiskaa aan kor ku soo xusnay.

3.in miisaaniyada sanadkan cusub odaraskeeda loogu daro hurumarin deegaankaa la gaadhsiiyo

  1. in maanka lagu hayo in deegaankani uu ka dib dhacay deegaanada kale ee Somaliland.

 

Maxaa ay ahayd fariintii uu siday wasiirka qorshaynta S       Somaaliya ee ka soo gudbay soohdimaha Somalilaland.

 

Socodka uu hada ku yimid wasiirku waxa uu u muuqdaa in yahay daandaasi waxa ay tahay in Jamhuuriaetyada Somaaliland ay talaabo adag ka qaado cid kasta oo soo fara gashata xuduudaheeda ,

Socodka uu hada ku yimid wasiirku waxa uu u muuqdaa in yahay daandaasi waxa ay tahay in Jamhuuriaetyada Somaaliland ay talaabo adag ka qaado cid kasta oo soo fara gashata xuduudaheeda , ,,o iskaashada oo walaalo ah. haddii se ay ay idinla xumaatay macaankiina idin soliwaayey kuna darsateen in aad afkii aad nagu hayseen ku darsataan adin oo aad timaadaan deegaanadayada waxa aad ka heshaan waxba ha naga siinina.

 

.

Gardarada sokeeye ragbaa gees biciid u leh.

 

Puntland waa deegaan aynu jaarnahay ,ood wadaagnahay mar kastana ma daayaan juqa juqaynta jaarka qori dable ayaa ay sidaa uu la wareegaan marka ay nabada ceel ku ridaana waxba iskama caabiyaan saaxiibayaal nabadu waa danteena waa jaarnimadeena inaga ayaa cid iskugu xigna naga daaya juqa juqaynta waa aynu is naqaan xuduudaheenu halka ay yihiin waad taqaanaan hadii ayna indhaha bakooro idinkaga dhicin in aad maanta fedeaalkiina aad tidhaahdaan kaalaya halkan waa idiin nasiib daro geesiyaasha cidamada qaranku waxa ay ilaalinayaan in uu daato dhiig sokeeye ha nagu kalifina in aanu talaabo idinka qaadno.

 

Gunaanadka faalada.

 

Waxa aan ku soo afmeeri lahaa faladan aadka u kooban in aynu  wada jir ahaan u ilaashano shacab iyo dawladba qarankeena kuna garab galno xukuumadeena in ay inagu hogaamiso samo iyo barwaaqo, waxii tabasho ah ee ay qabaan deegaanada qaarka mid ahina in hoos loo eego wada hadalna lagu dhameeyo ,la iskuna turxaan bixiyo wada jirka qarankana meel loooga soo wad jeedsado.

 

Qalinkii: Maxamed Soomaali

Ababiye11@ gmail.com

4410447

Hargaysa -Somaaliland

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here