SANCA: Nin Meydkiisa Laga Soo Laallaadiyey Wiish Dheer Kadib Markii Uu Geystay Fal Waxshinimo Ah

0
234

Sanca (Hubaal) – Qaska iyo rabshadaha ka taagan Dalka Yeman ayaa waxa weheliya falal aad u fool xun oo ay ka mid yihiin Kufsiga lagula kaco gabdhaha yaryar ee u dhashay Dalkaasi. Magaalada Sanca ee Dalkaasi Yeman ayaa waxa goob fagaare ah lagu fuliyay Xukun lagu xukumay nin u dhashay Dalkaasi ninka oo sida la sheegay caadaystay Kufsiga gabdhaha aadka u yaryar, waxaana markan lagu soo eedeeyay isla markaana ku cadaatay inuu kufsaday gabadh yar oo da’deedu ahayd 5 jir, ninkan ayaa lagu xukumay dil toogasho ah waxaana xukunkaasi lagu fuliyay goob fagaare ah oo dad aad u tiro badani ku sugnaayeen, xukunkan ayaa waxa lagu fuliyay suuqa caanka ah ee loo yaqaan Maydaan Al-taxriir oo dad badani isugu soo baxeen sidii ay u daawan lahaayeen xukunka ninkan lagu fulinayo, arrinta aadka u layaabka badan ayaa waxay noqotay in markii ninkan lagu fuliyay xukunkii dilka ahaa ee la toogtay. Intaasi kadibna meydkiisii laga soo laadlaadiyay wiishka lagu dhiso guryaha, ninka xukunkaasi lagu fuliyay ayaa waxa magaciisa la odhan jiray Xuseen Al-saakit waxaana marar badan lagu soo eedeeyay inuu geystay falal kufsi sida lagu soo bandhigay Wargeyska Express ee ka soo baxa Dalkaasi Britain oo Wargeyska Himilo ka soo xigtay. Ninkan oo Da’diisu ahayd 22 jir ayaa gabadha yare ee uu kufsaday magaceeda la odhan jiray Safaa Al-Mudairi, kadib markii uu falkaasi kula kacayna qudha ayuu ka jaray si aan loo ogaan arrintaasi, sidoo kale nin maga ciisa la yidhaahdo Cali Caydaa oo ah gabadha yar adeerkeed ayaa waxa uu yidhi “Ninkani markii ay gabadha yar la waayay waxa uu nala baadi goobayay meydkeeda, laakiin muddo yar kadib ayaanu ogaanay”, sidoo kale isla goobtaasi ayaa dhawr bilood ka hor lagu toogtay nin geystay falkan oo kale lagu soo eedeeyay arrimaha noocan oo kale ah ayaa ah kuwa had iyo jeer Dalkaasi Yeman aad ugu badan tan iyo burburkii xukuumadii Madaxwayne Saalix waana arrin ay  Waalidiinta ku dhaqan Dalkaasi ay aad uga cawdaan.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here