Saraakiisha Bileyska Somaliland Oo Sababeeyey Xadhiga Aadan-Sunne Iyo Koox Taabacsan Oo Iska Caabin Hubaysan Kala Hor-Timi Qabashadiisa

0
107

Qabashada Aadan-sunne Ayaa Ka Dembeysay Hadal Uu Subaxdii Ciidda KaJeediyey Garoonka Hargeysa Stadium

 

Bilaysku Wuxuu Sheegay In Sh. Aadan Sunne Ka Badheedhay Taageeridda Wadaado Ciidanku Qabqabtay Iyaga Oo Tobabar Dab Rid Ah Ku Samaynayay  Deeganka Uubaale

 

Hargeysa (Hubaal)- Saraakiisha Taliska ciidanka Booliska Somaliland, ayaa sheegay in ay qabten Sheekh Aadan Sune oo  ka tirsan Culimada Somaliland Iyo Koox dhalinyaro ah oo hubaysan. Afhayeenka Booliska Somaliland Gaashanle Sare Faysal Xiis oo warbaahinta la hadlay, ayaa  sheegay in kooxdaas ay maleegayeen falal amniga dalka. Sidoo kale wuxuu sheegay in tobabar dab rid ah ay ku samaynayeen deeganka Uubaale oo dhinaca  koonfurta kaga beegan magaalada Hargeysa . Afhayeenka Booliska Somaliland  Faysal Xiis, ayaa sidoo  sheegay  in  ciidamada Boolisku habeen hore hawl gal ay sameeyeen ku soo qabteen Sheekh Aadan Sune oo ka mid ah culimada ugu caansan magaalada Hargeysa, wuxuuna  ku tilmaamay qabashada Sheekh Aadan Sune in ay ka danbaysay markii sida uu  sheegay Boolisku ka war heleen inuu ku hawlanyay falal  khatar ku ah amniga Somaliland, Isla markaana taageero  u muujiyey kooxda dablayda ah ee ciidamada Boolisku qabteen. Sidoo kale Afhayeenka,  ayaa sheegay in  markii la qabanayay Sheekh Aadan Sune uu kala hor yimi Booliska iska caabin xooggan, isagoo sida uu sheegay diyaarsaday dhalinyaro doonayay in ay difaacaan. Dadweynaha Magaalada Hargeysa, ayaa habeen hore qaarkood maqlayay sanqadha rasaasta oo dhawaaqeeda laga maqlayay xaaafada qaarkood, waxayna arrinta qabashada wadaadka iyo kooxda boolisku sheegeen in hawlgabkaa lagu qabteen noqotay ta ugu hadalhaynta badan goobaha ay bulshadu ku kulanto ee magaalada hargeysa.

Sidee Loo Qabtay Aadan-sunne?.

Waxaa habeen hore saacaddu markay ahayd 12:15 daqiiqo ay Ciidamada RRU-da xoog ku galeen guriga Sheekh Aadan Cabdi Warsame (Sune) oo ku yaalla degmada Axmed Dhagax ee magaalada Hargeysa halkaas oo Rasaas Xoogan laga Maqlayey Gudaha Caasimada   Gaar ahaan Xaafadan uu Sheekhu Degan yahay oo Cabsi galisay Bulshada. Waxaana Ciidanka Ka horyimid Dhalinyaro Ka gadooday Xadhiga Sheekha.   Arrinta Sababatay xadhiga Sheekh Aadan Sune Ayaa ka Danbaysay kadib Markii Ciidamada Booliska Somaliland Toddobaadkii hore magaalada Hargeysa ka fuliyeen hawlgalo ay ku xidheen dhallinyaro wadaado ah oo ciidanku ku eedeeyeen in ay   qorshaynayeen falal liddi ku ah ammaanka guud ee qaranka Somaliland.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here