Saraakiisha Ciidanka Qaranka Somaliland Oo Ka Hadlay Hawl-galka Ay Ku Qabsadeen Taleex

0
58

Hargeysa(Hubaal)-Taliyaha Hawl-gelinta Ciidanka Qaranka Somaliland Maxamed Aadan Saqadhi (Dabagale) iyo Af-hayeenka Ciidanka qaranka Somaliland Cismaan C/laahi Siciid ayaa si rasmi ah u xaqiijiyey inay gacanta ku dhigeen magaaladda Taleex iyaga oo aan kala kulmin wax iska cabin ah.

taleexTaliyaha Hawl-gelinta Ciidanka qaranka Maxamed Aadan Saqadhi (Dabagale), oo aanu Telefoonka kula xidhiidhnay isagoo ku sugan gudaha Taleex ayaa Waaheen u sheegay in magaaladda Taleex degan tahay kooxihii shirka khaatumo ka wadayna ka carareen.

qaranka

Taliye Dabagale waxa uu sheegay hawl-galka ay Ciidanku qaadeen in uu yahay mid wax lagaga qabanayey kooxda Khaatumo ka waday magaaladda, kaasoo uu ku tilmaamay in uu ahaa mid sharci darro ah, imikana shirkaasi uu burburay.

Dabagale waxa uu sheegay Odayaashii iyo Siyaasiyiintii shirkaas waday inay ku daba jiraan si ay gacanta ugu soo dhigaan, isagoo sheegay dadka magaaladdu in ay si fiican ugu soo dhaweeyeen magaaladda, isla markaana ay kaga hor yimaadeemn meel labaatan Km u jirta.

Dhinaca kale, Af-hayeenka Ciidanka Qaranka Somaliland Cismaan C/laahi Siciid oo u waramay Idaacada VOA-da ayaa sheegay inay ciidanka Somaliland si nabad ah ku tageen Taleex iyo Xiin-galool kuwaas oo uu sheegay inay Cali Khaliif iyo Cali Ciise ka wadeen xasilooni darro aanay Somaliland u dul-qaadan doonin.

Cismaan Dheere waxa uu sheegay Ciidanka Qaranka Somaliland ay si rasmi ah u dagi doonaan goobaha ay qabsadeen, isagoo ku Eedeeyey Cali Khaliif iyo Cali Ciise inay beelaha deegaanka Dad ka laayeen isla markaana ay khilaafaad dhex dhigeen

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here