Waxa Lala Xidhiidhinayaa Inuu Saraakiisha Al-shabaab Kamid yahay
“Halkan Aan Ku Noolahay Dawladda Ka Talisaa Waa Mid U Carbisan Dabagalka Arrimaha Argagaxisada, aniguna.aa.”
Hargeysa:(Hubaal)-Cabdinaasir Muxumed Xasan Buuni oo Dawladda Federal-ka Somalia Madaxiisa Duldhigtay Lacag dhan shan kun oo dollar [$5000], kadib markii ay ku dartay Liiska Madaxda Sare ee Al-shabaab, ayaa shaaciyey inuu ku nool yahay Magaalada Borama ee Gobolka Awdal, waxana uu cabasho xooggan ka muujiyey warkaas laga faafiyey. Md Cabdinaasir Muxumed Xasan Buuni oo dhalasho ahaan kasoo jeedo qoys Siyaasadda caan ku ah oo Reer Borama ah, ayaa si weyn uga biyo diiday liiska Dawladda Federal-ka Somalia ku dartay, waxana uu intaas ku daray in meel lagaga dhacay xuquuqdiisii aasaasiga ahayd. Muwaadinkan u dhashay somaliland oo u warramay Idaacadda BBC-da, ayaa lagu daray Liis ay ku qoran yihiin 12-sarkaal oo kooxda Al-shabaab katirsan, kuwaas oo madaxooda la dul dhigay Boqolaal kun oo Dollarka Maraykanka ah, isla-markaana laga codsaday cid kasta oo Xog ka hesha inay macluumaadkooda keenaan. Cabdinaasir Muxumed Xasan Buuni, ayaa Warbixintaasi si gaar ah ugu eedaysay inuu Al-shabaab u qaabilsan yahay soo ururinta Lacagaha iyo Qaadhaanka kooxdu hesho, isagoo ka qaada, shirkaddo, shakhisyaad, Hay’addo iyo taageerayaal kale oo Hantidooda geliya Ururkaas. Isagoo ka Hadlay Eedaha loo jeediyey iyo halka uu ku sugan yahay ayaa waxa uu yidhi,“Waxan ku Noolahay Magaalada Borama, Dawladda halkan ka talisaana waa mid u carbisan dabagalka arrimaha Argagixisada oo caalamka la mid ah, aniguna arrimahaa wax aan kala socdaa ma jiraan.” Cabdinaasir oo hadalkiisa sii wata, ayaa sheegay inaanu arrintaas ka hadhi doonin, isagoo qiray inuu xidhiidh la sameeyey Madaxda Gobolka Awdal, isla-markaana ku wargeliyey inaanu arrimahaas ku lug lahayn, “waa wax u baahan in la baadho oo adduunka aan la kaashan doona anigoo la kaashan doona dawladda aan haatan la joogo, mana aqaanna meel dawladda federalka lagalala xidhiidho, xalay markii ay arrintani soo baxdayna waxan la hadlay guddomiyaha Awdal iyo Taliska Ciidankaba, waxana aan ahay nin dawladiisa ku xidhan oo arrimahaas bari ka ah.” Ayuu yidhi Cabdinaasir. Mar uu ka Hadlayey Ha’yadaha Dawladda Federal-ku ku xidhiidhisay inuu lacago ka qaado oo ku xidhan yahay ayuu arrintaas si weyn u beeniyey, waxana uu wax sheegay in magaciisa iyo sawirkiisa la isticmaalay, waxana uu yidhi,“Kuwa ay iyagu sheegayaan waa hay’addo ay igu eedeeyeen, laakiin anigu wax xidhiidh ah lama lihi, nin dhuumanayana ma ihi oo madaxiisa lacag lagu doonayo. Laakiin inta qof magaciisa iyo sawirkiisa la iska shaaciyo nin ka hadho ma ihi.” Wasiirka Warfaafinta u qaabilsan Dawladda Federal-ka Somaliland Mudane Xayir oo idaacadda BBC-da la hadlay, ayaa kiiska ninkan ku sheegay mid xogtiisa ay gudbiyeen Nabad-sugidda Somalia, waxana uu intaas ku daray haddii aanu dambi lahayn inuu xidhiidh la sameeyo cidda eedaynaysa. Xukuumadda Somaliland wali wax jawaab ah kama ay bixin Hadalka Ninkan iyo Dawladda Federal-ku is dhaafsadeen, waxase warar keeni karta in Gobolka Awdal laga helo Shakhsi Eedo intaas le’eg loo jeediyo oo lala xidhiidhiyo arrimo Argagixiso.