“Qacda kamaradaydiyo,
Buug xusuusta qaadiyo,
Qabashada rikoodhkiyo,
Qalinkiyo dawaaddiyo,
Qoraalkaygu way wehel,”
Tuduc aan ka dheegay maansada Dhayalsi,
Qalinka: Boobe Yuusuf Ducaale – cankaabo@hotmail.com, www.dharaaro.com
Qormadii: 2aad
Gabayadii iyo Geeraarradii uu ku soo dhaweeyay Ra’iisal Wasaare Cabdirashiid Cali Sharma’arke oo ahaa:
“Dugsigii Baarlamaankiyo,
Dekeddii Xamar baa leh,
Berbera daadku ha qaado,
Doonniyi yaanay ku leexan,
Ha daadduumo dadkeedu,
Duqaydii Baarlamaankay,
Danteennaa laba diiddaye,
Labadaa kala daaya,
Oo yaan loo daymo-la’aan,”
Tabashada iyo cabashadii reer woqooyiga ee Jamhuuriyadda Somaliland ku dhalatay halkaas ayay ka bilaabantay. Sidaas ayuu ku imanayaa inqilaabkii milleteriga ahaa ee uu qaybta libaax ka qaatay Mujaahid Siciid Cali Giir.
6/4/1981kii, ayaa London lagaga dhawaaqay SNM. Muddo sannad ku dhow ka dib hoggaankii Ururka waxa loo soo wareejiyay jiidihii hore ee dagaalka iyo magaalooyin ka mid ah dalka Itoobiya. Hilaaddii waa 1982kii. Siciid Cali Giir, bartaas ayuu kaga soo biirayaa halgankii hubeysna ee dibuxoreynta Qaran ee ay SNM horseedka ka ahayd. Keligi ma uu ahayn bal se rag badan oo kale ayaa iyaguna ka soo digo-rogtay Muqdisho iyo meelo kale oo qurbaha ka mid ah. Asxaabtiisii faraha badnayd ee ay ujeeddooyinka ka mideysnaayeen ka-sokow, gobolka Sool intii ka timid ee madaxda ahayd waxaan ka sii xusuustaa:
- Axmed Siciid Nalleeye,
- Siciid Cali Giir,
- Ciise Soofe,
- Yaasiin Axmed Xaaji Nuur,
- Siddiiq,
- Iyo qaar kale oo badnaa,
Sidaas ayuu Siciid Cali Giir xubin fir-fircoon uga noqday ururkii SNM. Muddo aad u kooban markii la joogayba waxa loo dhiibay Dugsigii Tababarka ee Baabbili ee lagu carbin jiray dhallinyaradii ku soo qulqulaysay halgankii hubeysnaa ee dibuxoreynta qaran ee ay SNM horseedka ka ahayd.
Siciid Cali Giir waxa kale oo uu xubin fir-fircoon oo talo iyo tusaaleba laga qaato ka ahaa saraakiishii SNM, isaga oo gaar ahaan xilliyadii uu Koosar Taliyaha Ciidanka ahaa ka tirsanaaba Taliska Guud ee ciidammada SNM isaga oo isla markaana hormuud ka ahaa xidiidhadii dhex maray SNM iyo SSDF. Xilliyadaa Siciid Cali Giir wuxu la socon jiray Damal Cabdilqaadir Koosaar Cabdi oo ay booqashooyin iyo kormeerro ku soo wada mareen jiidaha hore dagaalka, gaar ahaan xarumihii SSDF ee Gallaaddi, Wardheer iyo xarumo kaleba.
Waa meelahan meelaha laga dheehanayaa mowhibaddi qoraannimo ee SiciidCali Giir. Halkan aan ku yar hakado, maxaa yeelay waa meelaha uu Siciid qiimaha iyo qaayahaba ku lahaa. Waa meelaha uu ku noqonayo suxufiga iyo qoraaga. Weliba suxufi iyo qoraa aan kibir badnayn oo aan mucaqad ahayn e’ mutawaadic ahaa. Siciid wuxu dhaqan u lahaa in aanu marnaba dhigin qalinka iyo buugga. Marka ay buugaagta noqoto wuxu adeegsan jiray kuwan yar-yar ee jeebka lagu rito. Wuxu caado u lahaa oo in badan oo aan ka mid ahay kaga dayan jirtay in uu xilliyada uu firaaqada leeyahay xusuustiisa qoro. Badanaa xusuus-maalmeedkiisa wuxu qori jiray galabnimadii inta uu qayilayo. Qaadka wax badan kama cuni jirin oo qaad-qamax ma ahayn, isla markaana ma deyn jirin.
Galabtii mararka aad wada fadhidaan ayuu hadba buug yar kuu dhiibi jiray inta dadka uu ku kalsoon yahay. Wuxu soo raacin jiray warqad yar oo ay ku qoran tahay: “Akhri boggaa ilaa boggaas.” Wuxu inta badan ku ladhi jiray weedhaas gaaban oo bogagga lambarradoodu ku qoran yihiin: “For your eyes only.” Ma uu jeclaan jirin qof aanu u idmini in uu xogtiisa akhriyo. Buugaagta noocaas ah ee uu mowduucyada badan ku keydin jiray aad ayay u badnaayeen. In badan oo uu ii dhibi jiray ayaan akhriyay oo aanan maanta halkan ku soo wada qaadi karayn.
Illeyn waa kan dhareerkii idin ka soo daatay e’, aan mid qoraalladaa ka mid ah godollo idiin ka soo qaado. Meeshu waxaan is-leeyahay waa meel u dhow Gallaaddi. Siciid wuxu la socdaa ciidan SSDF ah. Damal Koosaar ayay wada socdeen oo hawl-gallo wada-jir ah ayaa la is-lahaa wada qorsheeyo oo markii suuroobi waayay oo Cabdillaahi Yuusuf Axmed, Guddoomiyihii SSDF hor joogsaday. Iyada oo baabuurtii la saaran yahay ayaa lagu soo baxay xawaallo ama xabaalo ood lagu wareejiyay. Baabuurtii SSDF-tu saarnayd ayaa saddex goor ku wareegtay. Xabbadaa cirka loo riday. Ninkii Siciid Cali Giir ayaa yaabay.
Markii baabuurtii laga degay ayuu buuggiisii yaraa la soo baxayaa oo ku xardhayaa dhacdadaas la yaabka ku lahayd. Maalintaas intii uu ku qoray buug-yarihiisii waxaan ka sii xusuustaa: “The Majerteen’s in their desperate search for a Sheikh…..”. Caadi ahaan Siciid Cali Giir afka Ingiriisiga ayuu inta badan wax ku qori jiray. Carabiga, Ingiriisiga iyo Soomaaliguba isugu mid ayay ahaayeen. Tusaalahan aan idiin soo qaaday ayaa wuxu ahaa: Majeerteenku, baadi-doonka quusta ah ee baahida ay u qabaan Sheekh, waxay ku wareegaan oo rasaas ka dul ridaan qabriga Korneyl Cirro aabbihii. Garo’ oo Korneyl Cirro wuxu ahaa ninkii Inqilaabkii 1978kii hor kacayay. Sidaas kaftan xariirada leh ayuu Siciid Cali Giir wax u qori jiray.
Siciid Cali Giir, waxyaabaha kale ee uu sida aadka ah u jeclaa waxa ka mid ahaa kamiradan wax lagu sawiro. Si aad ah ayuu u jeclaa in uu dhacdooyinka iyo taariikhdaba ku sawiro kuna diiwaan-geliyo kamirada. Wuxu caado u lahaa mararka uu sawirrada soo sifeeyo in uu qofki uu ka qaaday u geeyo oo sawirka dushiisa saxeexiisa ku soo dhigo. Tusaalayaal nool oo badan ayaynu dhacdooyinkan u haynaa inta aynaan gaadhin ama helinba keydkiisii hodanka ahaa.
Siciid Cali Giir, keliya kama qayb-gelin halgankii hubeysnaa ee dibuxoreynta qaran oo keliya, bal se door la yaab leh oo aan la illoobi karin ayuu ka soo qaatay nabadaynta dadka intii ay dagaalladu socdeenba. Qormada qormadeennan xigtaa waa Ergadii Nabadda ee Garaad Cabdiqani ee Balli-gubadle noogu timid ee Siciid Cali Giirna la socday.
(La soco maalinta Sabtida haddii Eebbe idmo)