Sarkaal Ka Tirsan Ciidanka Uganda Oo Dilay Afar Qof Oo Shacab Ah,Isna Is Dilay.

0
35

Ciidmada Ugandha, ayaa xaqiijiyay wararka sheegaya in mid ka mid ah saraakiishooda uu dilay sedex qof oo shacab ah, uuna dhaawacay todobo qof oo kale, ka hor inta aanu isagu is dilin habeenimadii Khamiista. Dhacdadan ayaa ka dhacday degmada Kaabong, ee gobalka waqooyiga ku yaala ee dalka Ugandha. Kiisaska ciidamada dilaya shacabka, ayaa waxaa walaac ka muujinaya dadka reer Ugandha.

ugandan soldierWaxaana jira dhowr dhacdo oo la mid ah tan oo kale, oo marar badan ka dhacay baararka dalkaasi.

Tii u darneyd waxay dhacday sanadkii 2013-kii, kaddib markii nin sarkaal ah uu dilay 10-qof. Waxaana lagu xukumay 90-sano oo xabsi ah.

Dadka arrimhan ka faalooda, ayaa ku eedeeyay dowladda dalkaasi, in aysan siinin la talin ku filan ciidamadooda, markii ay dib uga soo laabtaan dalalka ay dagaalada ka dhacaan.

Ciidamada Ugandha, ayaa waxay ku lug leeyihiin dagaalada ka socda dalalaka Soomaliya, South Sudan, Jamhuuriyada Dimuqraadiga ee Congo iyo jamhuuriyada bartamaha Afrika

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here