Sarkaal Katirsan Dawladda Hoose Ee Hargeysa Oo Xil Looga Magacaabay Xisbiga WADDANI Dhexdiisa

0
30

Sarkaalkan, ayaa lacag  laba Milyan oo Shilinka Somaliland ah bilkasta ka qaata Dawladda Hoose.

 xasan waraabe cadde

Hargeysa:(Hubaal)-Guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI Md Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi(cirro), ayaa xisbigiisa dhexdiisa xil uga magacaabay sarkaal sare oo katirsan dawladda Hoose ee Hargeysa, kaas ooh ore ugu magacownaa degreeto ay ku wada saxeexan yihiin guddida fulinta ee dawladda Hoose oo kala ah, Maayarka, ku-xigeenkiisa iyo waliba xoghayaha guud.

Masuulkan uu guddoomiye Cirro xilka xisbigiisa ah u magacaabay, ayaa ah Xasan Maxamed Cabdalle(Xasan waraabe-cadde) oo ku magacaabay la-taliyihiisa arrimaha Dhallinyarada iyo Ciyaaraha,  ayaa sidoo kale hore u ahaa  La-taliyaha arrimaha Ciyaaraha ee Dawladda Hoose ee Hargeysa, kaas oo xataa qaata mushahar go’an oo uu bishii u xaadiro.

Xasan Waraabe-cadde oo booska  hore booska la taliyaha ah ee dhinaca Dawladda Hoose ah ku helay colaad u dhaxaysay wasaaradda Ciyaaraha iyo Dawladda hoose oo uu qayb ka ahaa, ayaa haatanna kamid noqday la-taliyayaasha guddoomiye Cirro ee dhinaca Ciyaaraha.

La-taliye Xasan oo horeba loogu ogaa inuu xisbiga WADDNI katirsanaa, ayaa haatanna si cad loo daliishaday taas, waxana la sugayaa tallaabada ay saraakiisha Dawladda Hoose ka qaadi doonaan, maadaama uu shaqaale yahay, isla-markaana xubin sare ka noqday xisbi mucaarid ah.

Xasan Waraab-cadde, ayaa  lacag dhan 2000,000(laba  bilyan) oo shilinka Somaliland ah si joogto ah bil kasta uga qaadda Dawladda Hoose ee Hargeysa, waxase haatan wixii ka dambeeya la sugayaa sida uu xilkan usii hayn doono, maadaama uu xil kale oo la mid ah ka qabtay xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here