New York:(Hubaal)-Qaramada Midoobay ayaa shaqadii ka cadhisay sarkaal sare oo ka tirsanaa xafiiska Qaramada Midoobay ee dalka Soomaaliya UNSOM sababo la xidhiidha wax is daba marin iyo musuqmaasuq.
Amadu Kamara oo ahaa agaasimaha xafiiska UNSOM iyo weliba UNSOA kadib markii lagu eedeeyay inuu heshiis kontaraad ah siiyey dad uu la wadaagi lahaa faa’idada laga helo mashaariic.
Sida ay daabacday Alleastafrica.com Mr kamara oo u dhashay dalka Sierra Leone ayaa lagu eedeeyay in uu si qalad ah u isticmaalay dhaqaale lagu caawinayay dib u dhiska ciidamada dalka Soomaaliya.
Sarkaal ka tirsan ciidamada dowlada Soomaaliya ayuu wargeyska Alleastafrica ka soo xigtey inaanay waxba u tareyn ciidamada Soomaaliya eryida Amadu Kamara oo kaliya balse dhibaatadu ay intaa ka sii baaxad weyn tahay.
Dalka Soomaaliya ayaa sanad walba waxaa ay dalalka caalamku sheegaan inay ku tabarucaan dhaqaale lagu horumarinayo ciidamada balse ciidamada dowlada Soomaaliya ayaan si joogta ah uhelin mushaaraadkooda iyo dhaqaalihii kale oo ay u baahnaayeen.