Sarkaal Xil Ka Haya Xisbiga WADDANI Oo Hadallo Aan Maanka Soo Marin Ku Tilmaamay Weedhihii Naxliga Ahaa Ee Guddoomiye Cirro

0
29

Mataan

Hargeysa:(Hubaal)-Xogyaha warfaafinta ee xisbiga WADDANI Md. Cabdirashiid Xasan Mataan, ayaa dhaliilay qaabkii ka fiirsashada iyo masuuliyaddu ka maqnayd ee uu guddoomiye Cirro dhawaan u weeraray guddoomiyaha xisbiga KULMIYE ahna murrashaxa xisbiga Md Muuse Biixi Cabdi, waxana uu si cad u sheegay inaanu dhaqankaasi ahayn kii lagu yaqaanay masuul doonaya inuu dalka madax ka noqdo.

Xoghaye Cabdirashiid Xasa Mataan oo warbaahinta magaalada Hargeysa kula hadlay, ayaa qaabkii uu guddoomiye Cirro u hadlay ku tilmaamay cid cadho iyo xamaasad badan huwanaa oo loo odhanin hannaan masuuliyadi ku ijrto, waxana uu yidhi,“Murrashax Cirro shalay farriin baa kasoo baxday, farriintaasina waxa ay u ekayd mid uu cadho ku yidhi, masuulna cadho waa looga roon yahay.”

Xoghayuhu waxa uu soo guddoomiyihiisa xasuusiyey inuu guddoomiye Muuse Biixi yahay murrashaxa kula loollami doona doorashooyinka soo socda, isla markaana muhiimaddu tahay in la ilaaliyo wada-jirka iyo isku duubnimada bulshada reer Somaliland,“Cabdiraxmaan waxan leeyahay waxad xaqiiqsataa Muuse Biixi sidii uu doono haku soo baxee inuu yahay murrashaxa kala tartamaya, waxa aynu ku tartamaynaana waa shacabka Somaliland oo wada jira oo aan qaybsanayn, waxana aynu u baahanay inaynu iska ilaalino wax kasta oo shacabka qaybinaya ama xanaf keenaya” ayuu yidhi Cabdirashiid Xasan Mataan.

Cabdirashiid Xasan Mataan, ayaa noqonaya masuulkii ugu horreeyey ee si cad u naqdiya weedhihii xanafta lahaa ee kasoo yeedhay guddoomiyaha xisbiga WADDANI, waxana ay taasi markhaati ka tahay in xataa hoggaanka xisbigaasi ku kala qaybsan yihiin qaabkii uu masuulkaasi ugu tiraabay hadallada naxliga xambaarsan ee bulshada kala geynaya.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here