“Sarraaxaddu Waa Wax Wanaagsane Annagu Ummada Maanu Rahmin, Ilaahayna Nama Badin, Dalkana Maanu Xaraashayn Ee Inaanu Ummadda Wax U Kordhinno Ayay Ahayd”

0
188

“Jaalliyad Xoog Leh Ayaad Tihiinn Aqoon Iyo Waayo-Aragnimona Waad Leedihiinne Haddii Intiinan Iyo Inta Idinka Maqani Aad Wada Shaqaysaan Wax Weyn Ayaynu Meesha (Sucuudiga) Ka Helaynaa Ee Tabaabushaha Iyo Tawfiiqda, Ilaahay Ha Idin Waafajiyo”

“Waad La Socotaan Inaanu Dekedda Berbera Ku Wareejinay DP World, Laakiin Buuqa Laga Soo Sheegayaa Waa Dacaayad” – Jaalliyada Somaliland Ee Jeddah/Sucuudi Carabiya Oo Xog-warran La YeeshayWasiirka Madaxtooyada

Jeddah (Hubaal)- Wasiirka Wasaaradda Madaxtooyada Somaliland Maxamuud Xaashi Cabdi oo isaga iyo wefti uu xubin ka yahay oo ka tirsan golaha wasiirrada ee xukuumaddu socdaal ku joogaan wadanka Sacuudiga ayaa kadib markii ay soo guteen waajibaadka Xajka waxaa ay kulamo xog warran iyo kala war qaadasho ah oo ay la yeesheen jaalliyada reer Somaliland ee dalkaasi ku dhaqan waxaa ay kaga warrameen geedi socodka siyaasadeed ee dalku ku suggan yahay iyo siyaasadda ay xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo ku hagayso dalka. Waxaa kale oo wasiirku uu jaalliyada u sheegay sababaha dhalinaya muranka kasoo noqday dekedda Berbera kadib markii ay xukuumaddu ku wareejisay shirkadda DP world oo iyadu maamulkeeda gacanta ku haysa, taasoo awaamiir ay ku soorogtay hawl wadeennada iyo ganacsatada ay dantu kaga xidhanto dekedda, waxaanu wasiirku sheegay in arrmahaasi aanay sala iyo baar toona lahayn balse ay xukuumad ahaan u arkaan decaayad raqiis ah oo lagu mucaaridayo horumarka laga filayo in ay qaranka u horseeddo shirkaddaasi.  Kulanka uu wasiirku la qaatay jaalliyada waxaa sidoo  kale uu ku dhiirigeliyey in ay jaalliyad ahaan xil iska saaraan sidiilooga midho dhalin lahaa isku xidhka siyaasaddeed iyoo dhaqan-dhaqaalle ee dhexmaraya labada dal oouu sheegay in ka hor xukuumadda  uu Axmed siilaanyo gadh wadeenka ka yahay aanay jirin siyaasad iyo qorshe cad oo xidhiidh ah oo u dhexeeyey labada dhinac. Wasiirka Madaxtooyadda JSL, Md. Maxamuud Xaashi Cabdi waxaa uu sheegay in jaalliyadu ay horumar balaadhan gaadhsiin karaan horumarinta xidhiidhka labada wadan, taageerooyin badana ku heli karo dalkeena, hadii ay wadajir ugu hawlgalaan. “Xukuumada Madaxweyne Axmed Siilanyo markii ay xilka qabatay ma jirin xidhiidh Somaliland la lahayd wadamadda Carabta. Xidhiidhkii dawladaha Carabta ayaan kor u qaadnay. Xidhiidhkii dawladaha Afrikaanka waan sii kordhinay ee jiray iyo kuwii Yurub iyo Waqooyiga Ameerika”. Wasiir Xaashi ayaa ugu baaqay Jaaliyadda Reer Somaliland ee ku nool dalka Sacuudiga inay u midoobaan horumarinta noloshooda iyo danta dalkooda, waxaanu yidhi, “Halkan Jaaliyad xoog-leh ayaad tihiin, hadii intiinan wada shaqeysaan iyo inta idinka maqan, wax weyn ayeynu meesha ka helaynaa. Mucaawinooyinka ha noqoto, Ururada Samo-falka ha noqoto, Cilaaqaadka siyaasiga ha noqoto, kuwa Ganacsiga ha noqoto, waxaan odhan lahaa isku-biira aqoon iyo waaya-aragnimo waad leedahiine, waxa idinka maqan keliya, sidaan u malaynayno, ururka, tabantaabada, tabaabushaha iyo Tawfiiqda, Ilaahay ha idin waafajiyo”. Wasiirka Madaxtooyada ayaa u caddeeyey Jaaliyadda Sacuudiga in buuqa laga soo sheego hawlaha Dekeda Berbera yihiin dacaayado, waxaanu yidhi, “Arrinka Dekeda Berbera ood la socotaan in lagu wareejiyey shirkada DP World, buuqa laga soo sheego dacaayad bay ahayd waad u jeedaan iyo warkaasi aanu war sax ah ahayn, dad Muslimiin ah ayeynu nahay, saraaxada iyo runtu waa wax wanaagsan, DP World waxaan dekeda ugu wareeginay inaan wax korodhsano, dalkana maanu xaraashayn, ummadana maanu rahmin, Ilaahayna nama badin, inaan ummadan wax u kordhino ayey ahayd” Ayuu sheegay. Isagoo hadalkiisa sii wata waxuu raaciyey. “Qarankan Somaliland saddex sannadood gudahii inuu noqdo Qaran ganacsi weyn la leh wadamadda Itoobiya kow ka tahay, wax geyn kara, oo ka ganacsada oo adeegyadii soo celiya, hoos-u-dhaca ganacsi (trade deficit)-ka aynu ku jirno, aragtidaa mid sax ah ayaan u aragnay. Wasiir Maxamuud Xaashi ayaa hoosta ka xariiqay in heshiiska Somaliland la gashay shirkada DP World yahay mid anfaci doona dalka iyo dalka, waxaanu yidhi, “Heshiiska aynu la galay shirkada DP World, waxaan u aragna oo aaminsan nahay inuu yahay heshiis taariikhi ah oo lafta, qodaxda iyo shillinta laga idleeyey”.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here