SARYAN MUSEUM Oo Lagu Qabtay Xuska Sanad Guurada 26-aad Ee Qaranimada Somaliland Iyo Maalinta Mad-Xafyadda Aduunka Ee 18-ka May

0
165

Hargeysa,  (Hubaal) – Xuska Sanad Guurada 26aad ee Maalinta Qaranimada Somaliland ee 18-ka May ayaa lagu qabtay xarunta Kaydka Taariikhda Somaliland ee SARYAN MUSEUM  ee magaalada Hargeysa, kaas oo ay ka soo qaybgaleen Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye isla markaana Ah Murashaxa Madaxwaynaha ee xisbigaas Muuse Biixi Cabdi, Wasiiradda Wasaaradda Maaliyadda Marwo Samsam Cabdi Aadan, Dhaqanka iyo Dalxiiska Md. Khadar Xaaji Cabdilaahi Yuusuf, Muhaahidiin ka tirsan Ururkii Xaq-u-dirirka ee SNM, Xildhbaano, Aqoonyahan.

IMG_2084

Ugu horayn Gudoomiyaha xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi ayaa ka waramay muhiimada ay Qarankan u leedahay 18-ka May oo ah maalintii Somaliland ay Xornimadeeda kala soo noqotay Somaliland 1991-kii, waxaanu sidoo kale Mujaahidku tilmaamay muhiimada ay leedahay in la qoro sooyaalkii Taariikheed ee Jamhuuriyadan 26 jirsatay ee Somaliland ay soo martay, halgankii qadhaadhaa ee loo soo maray in cadawga la xoreeyo dalka iyo talooyin lagaga bixiyo dhibaatooyinka Caafimaad iyo dhaqaale ee ka jira dalka in la qoro.

Muuse Biixi, Musharaxa xisbiga Kulmiye waxa uu usoo jeediyey dhalinyaradii iyo odayaashii dalkan usoo halgamay ee ka damqaday dhibtii dalkan taalay sideetamaadkii inay qoraan ama ay dubaan taariikhdaasi wixii ay usoo joogeen si jiilka dambe wax badan uga ogaado.

IMG_2083

Mujaahid Muuse oo arintaasi ka hadlayaana waxa uu yidhi “Dhibaatooyinka xasaasiga ah ee ina haysta waxa ka mid ah kuwii Maxamed Warsame ka waramayey ee, Caafimaadka iyo Cusbitaaladeedna oo cidina aanay u maqnayn. Waliba inta cirada leh ee aan anigu ugu horeeyo ee halkan fadhida ee halgankii ka soo gudubtay dee dadka qaarna xoogbay ku taliyaan dadka qaarna caqlibay ku taliyaan, markaa raga cirada leh ee halgankii soo maray ee dhibtii ka damqaday waxa laga rabaa inay qoraan talooyin iyo waxay la tahay ee dalka lagu horumarinayo, dee Abshir oo kale oo aniga macalin ii ahaa (raalina iga ahowoo), maanta waxa loo baahan yahay in waxa kugu jira la qoro oo taariikhda oo kaliya maaha xataa dhibaatooyinka sida looga baxayo in wax laga qoro weeyaan.” Ayuu yidhi Mujaahid Muuse Biixi Cabdi, Musharaxa Madaxweyne ee Xisbiga Kulmiye.

Sidoo kale waxa isaguna halkaasi ka hadlay Wasiirka Dhaqanka Iyo Dalxiiska Somaliland, Khadar Xaaji Yuusuf, waxaana ka mid ahaa hadaladiisii oo uu yidhi “Taariikho hore waxa inooga sheekaynayey dadkii iga horeeyey, laakiin qoraalkii ayaa inagu yar, hadal uunbaa laga wadaa oo taariikh uunbaa laga sheekeeyaa oo qoraal baan jirin, anigu waxaan arkay nin wax qora oo aan ku taageeraa waa ninka la yidhaa Cali Cabdi Coomay oo isagu mar walba xooga saara inuu taariikhda qoro, waanan hambalyeynayaa, oo waliba waxa uu jecel yahay inuu dad badan oo taariikhdooda wax ka qoro.

Markaa anigu waxaan odhan lahaa taariikhdan lala dhimanayo oo marba qofi inaga baxayo ee aan cidi hayn in boodhka laga tumo oo qofku xataa uu qoraal taariikhdiisa ah uu sameeyo, kolay qaar badan oo sameeyaa way jiraan, waxaanan odhan lahaa taariikhdaasi xooga ha la saaro” Wasiirka Dhaqanka Iyo Dalxiiska Somaliland, Khadar Xaaji Yuusuf.

Xildhibaan Mataan Hoori ayaa isaguna halkaasi ka hadlay waxaanu xildhibaanku si qoto dheer uga sheekeeyey Taariikhdii iyo Halgankii SNM uu ku xoreeyey dalkan Somaliland, kaas oo Mulkiilaha Madxafkaas Mujaahid Siciid Shugri ku amaanay dadaalka uu galiyey Inuu Somaliland hirgaliyey Madxaf lagu kaydiyo taariikhda Somaliland.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here