Hargeysa (Hubaal)-Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye Md Muuse Biixi Cabdi, ayaa ka Hadlay Khilaafka iyo Buuqa siyaasadeed ee ka taagan wareejinta Keydka Haamaha SHidaalka ee Magaalada Berbera oo xukuumaddu ku hawllan tahay wareejintooda, waxana uu tilmaamay in wareejintu tahay arrin u taalla xukuumadda Talada Haysa.
Muuse Biixi oo maanta warbaahinta kula Hadlay Xarunta Madaxtooyada Somaliland, ayaa waxa uu tilmaamay in heshiiska Wareejinta Keydka Haamaha Shidaalka Berbera aanu wali xukuumadda kasoo dhammaanin, isla-markaana ay tahay arrin taladeeda iyo go’aankeeduba xukuumadda u taallo,“Marka hore waa in la ogaadaa in haamaha arrintoodu tahay arrin maaamul, xukuumadda Ayaana maamusha qaranka oo dhan. Xukuumadda ayaana maamusha qaranka oo dhan, sida distooku sheegayo, hase yeeshee waxa isweydiin leh, iyadoo aynaan arag heshiis xukuumadda kasoo dhammaaday oo arrintu aanay xukuumadda kasoo dhammaan in arrintaasi ay ka dhalato qaylada siyaasadeed ee intaas le’egi.” Ayuu yidhi Muuse Biixi Cabdi.
Guddoomiye Muuse oo hadalkiisa sii wata, ayaa waxa uu sheegay in xukuumaddu diyaar u tahay inay talo ka qaadato cid kasta oo wax la bidayaba, waxana uu Si gaar ah Xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani ugaga digay inay arrintaas ku qayliyaan, isagoo dhawaaqyada mucaaridka ee arrintaas ka dhanka ahna ku tilmaamay Goolaaftan siyasadeed oo aan loo joojin doonin, waxana uu yidhi,
“Waxaynu leenahay inta ay Arrintu ku jirto gacanta xukuumadda, xukuumaddu way u talo badsanaysaa, gole, xisbi iyo aqoonyahan ciddii ay doontaba ha ahaatee waxa wanaagsan in talo nasteexo la keeno, dad is waayana ma nihin. Waxanuse caddaynaynaa sawaxanka hadda baxaya ee Haamaha laga samaynaa ee Mucaaridku gaar ahaan Waddani horboodayaa waa Goolaaftan siyaasadeed, taasin xukuumadda ka leexin mayso wixii sharci ah ama maamul ah.”