Hargeysa(Hubaal)- Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo ay weheliso Marwadiisu, ayaa Safar kedis ah oo Xumad-jebin u muuqda galabta ugu ambabaxay magaalada Berbera ee xarunta gobolka Saaxil.
Ma jiro War rasmi ah oo ay Madaxtooyadu ka soo saartay ujeeddada socdaalka kediska ah ee uu Madaxweyne Siilaanyo galabta ku tegay magaalada Berbera, hase-yeeshee, ila-wareedyo ka agdhaw Madaxtooyada Somaliland, ayaa Aftahannews u xaqiijiyey in Madaxweynaha oo ay weheliso Marwadiisa Aamina-waris Sheekh Muxumed Jirde, galabta u kicitimeen magaalada Berbera.
Safarkan kediska ah ee Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed-Siilaanyo galabta ugu baxay Berbera, ayaa u muuqda mid xumad-jebin u ah is-faham-waa iyo khilaaf kooban oo ka dhashay kulan gelinkii hore ee maanta uu la yeeshay Guddoomiyeyaasha Xisbiyada Mucaaridka ah ee WADDANI iyo UCID Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) iyo Eng. Faysal Cali Waraabe.
Hadaba Halkan Hoose ka daawo Sawirro khaas ah oo bahda HUBAAL Media Idiinka soo qaaday safarkaasi Madaxweynaha oo ay Si kedis ah ula kulmeen Isaga oo Maraya Jidka Isku xidha Hargeysa iyo Berbera gaar ahaan Deegaanka Abdaal, halkaas oo ay ku sugayeen badiba madaxda maamulka gobolka SAAXIL.
Tifaftiraha HUBAAL Oo isaga safar gaar ah oo uu kaga soo laabtay magaalada Burco ee Xarunta gobolka TOgdheer ayaa si kedis ah ula kulmay Weftiga Madaxweynaha oo xubnaha wehelinayay ay koobnaayeen kuwaas oo ay isku weydaarteen degmada ABDAAL.