Muqdisho (Hubaal)- Mooshinta ka dhanka ah Madaxweynaha Somalia ee baarlamaanka hor yaala ayaa Muqdisho ka abuuray xumad siyaasadeed oo ku aadan fulinta mooshinkaasi iyo sidii loo dambabasi lahaa ee madaxweynaha looga baajin lahaa xilka xayuubinta. Farshaxanka Aamin Camir, ayaa sawir kartoon ku muujiyay qorshe cusub oo hogaanka golaha wasiirada iyo golihiisu wadaan oo ku aadan sidii lacagta lagu dambabasayo mooshinka ee la siin lahaa xildhibaannada Madaxweynaha diidan aanay wasiirada u dhaafi lahayn. Ku dhawaad boqol ka mid ah xildhibaannada baarlamaanka ayaa todobaadadii la soo dhaafay golaha u gudbiyay mooshin xilka lagaga xayuubinayo Xasan Sheekh kadib markii lagu eedeeyay hogaan xumo iyo musuqmaasuq. Mooshinka oo beesha caalamka iyo xukumadda Muqdisho ka soo hor jeedsatay balse shir gudoonku aqbalay ayaan wali la muddayn xilliga golaha loo waydiin doono Madaxweynaha codka kasloonida.
Guriga WARAR UGU XIISAHA BADAN SAWIR WAR AH: Farshaxanka Aamiin Camir Iyo Qorshaha Wasiirrada Muqdisho