Saxaafaddu, Balaayo Dayday Maaha!!-W/Q: Akram Cabdalla

0
34

Sida badanaa muuqata baryahan dambe amaba la dareemayo waxa saxaafadii hadheeyey dad aan ood wadaag la lahayn suxufinimada oo afka ka sheegta oo aan aqoon iyo xirfad iyo waaya aragnimo toona u lahayn saxaafada.

sida ay tahay saxaafadu waa seef laba af leh oo marba dhan loo adeegsado wanaag iyo samaanba.

11063252_915505298470673_1134362800_n

Suxufinimadu waa cilmi loo soo maro aqoon, tababar iyo waayo aragnimo oo  ka madax banaan in loo gaas dhagooleeyo, kana madax banaan qalin lala doonto buug khibrad la’aan.

Suxufinimadu waa kaalin aad ugu saraysa bulshada dhexdeeda, waxayna leedahay nidaam (Xeerar) ama qodobo loo adeegsado marka war la baahinayo, sida: Sugnaan , Cadaalad , DHeelitirnaan , run sheeg , DHexdhexaadnimo.

Suxufinimadu waa xil wayn oo ku wanaagsan in sidiisa loo guto adoo tixgalinaya nidaamkeega.

Suxufinimadu waa ta aad ku kasban karto bulsho markaad wadadeeda soo marto , waana ta aad ku heli karto ajar marka aad wanaag ka farto xumaantana aad ka reebto.

Suxufinimadu waa ta adhaxda ka jabin karta ummad dhan ama wanaag u horseedi karta bulshada.

Hadaba hadii dadka qaar ka dhigteen “Qor waxaad doonto” oo aan ceeb la asturayn oo dadka la isku dirayo oo inta xun uun la daydayayo inta wanaagsana la dadayo taasi maaha saxaafad ee waa dambi iyo khaatumo xumaan inteeda leeg iyo munaafaqad cadaan ah.

Diinteenu waxay ina faraysaa in wararka la iska hubsado lana tix galiyo dadka xil umadeed u haya muslimka waxa kale oo ay ina faraysaa in la asturo ceebaha dadka iyo inaan bani aadamka laga sheegin wuxuuna odhon.

Karaamada iyo sharaftu waxay ku jirtaa adoo ka run sheega waaqaca siday runtu tahayna warbaahintu maaha in balaayo la daydayo barkhadana la garab maro.

Suxufi saxaafadu maaha fitmo huruda toosi mana aha balaayo dayday ee waa war gaadhsiin sax ah runtana ku salaysan.

“Warbaahintu, waa sawirka iyo sawraca weriyaha oo car iyo bey la” –Hadraawi

Qalinkii: Akram Rashiid

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here