Sida lawada ugsoonyahay warbaahintu waa curiyaha nabada iyo isu soo jiidaha Araahaha kal fog ee dadka.waxaana marka laqiimeeyo lagu tilmaamaa in ay kaalin mugleh ka ciyaartaa dajinta khilaafaadka kala duwan ee bulshada ka dhex dhaca Waa Marka Ay Dariiqada Saxda Ah U martee Waana mid Ahmiyad Gaar Ahaaneed iyo Mid Guudba u ah dhinacyadaa khilaafaadkaasi ka dhexeeyey .Waxaana loo aqoonsan yahay in ay tahay tiirka afraad ee haykalka dawladnimo Ee Dalkasta isla markaana qayb ka ah dhismaha iyo ka qaybqaadashada orumarada dalkaas ka jira.
hadaba hadaan usoo laabto dulucda iyo ujeedka qormadan oo aan diirada ku saarayo,kuna socota intabada saxaafada somaalida,khaasatan kuwa ka howl-gala gobolada ay kajiraan khilaafaadka siyaasiga ah iyo kuwa deegaanba ee bulshooyinka u dhexeeya.
mudi inagagama jiro in warbaahinta somalida ay dadkeeda la qabto dib udhaca ku yimid 23 sano ee dowlad la aanta,laakiinse waxaa jira deegaamo ama gobolo ka bad baaday dhibaatooyinka wali taagan,sida somaaliland iyo puntland oo nabad-galyo iyo dagaanaanshiyo kajireen mudadii ka danbaysay xiligii burburka.
kuwaas oo la rabay in ay warbaahinta ka howl-gashaa ka horumarsanaato gobolada qulqulatooyinku daashadeen ee konfurta laakin se waxaa muuqata inaaaney waxbadani isdhaamin qaabka tabinta wararka oo aad moodo in ay dhamaantood ka siman yihiin xataa hadii ay isdhaamaana aan waxbadan ku kala duwaneeyn,marka la eego doorka ay ku leeyihiin Hurinta ismaan dhaafyada xaasaasiga ah oo ay intabadan buun buuniyaan,kuna dhiiri galiyaan dhinacyada is haya in ay colaadaha ka dhexeeya sii xoogaysato.
Tusaale ahaan anigu waxaan joogaa hargaysa waxaana deegaan ahaan kasoo jeedaa buuhoodle,anigoo ah suxufi ka howl-gala warbaahinta afka somaliga ku hadasha.waxaan inta badan lakulmaa afkaaro bulsho oo kal duwan iyo ismaan dhaafyo u dhexeeya deegaano kuwaas oo intooda badan 90% salka ku haya arimo siyaasadeed,oo ay saxaafadu kalin muuqata ku leedahay kala qaybsanaanta jirta.
waxaan inta badan aan arkaa ama aan la kulmaa siyaasiyiin iyo dadka caadiga ah ee labada dhinac oo ay hadhaysay xanafta iyo xurgufta siyaasadeed ee ka kala dhex aloosan dhinacyada is maan dhaafka siyaasadeed ka dhexeeyo,kuwaas oo markaad daraasadayso afkaartoodu aysan kala fogaanshiiyo qoto dheer oo udhexeeya balse aad dareemayso in ay jirto is fahandaro ka dhalatay rabitaanka labada dhinac oo kala duwan taas oo aanay jirin cid ka garsooraty ama isu soo dhawaysay , waxsii kala durkiya mooyaane.
saxaafada ka howul gasha deegaanadaasi waa kuwo udarban sii xumaynta xaalada jirta,halkii ay baadhis qoto-dheer ku samayn lahaayeen xaqiiqada meesha ay ku aroorto arinta laysku hayo.
isticmaalka erayadani waxa ay ka qayb qaataan sii hurinta iyo sii xoojinta khilaafyada laysku hayo ee labada dhinac
1.Kooxda SNM
2.Kooxda Nabad Diidka Khaatumo
3.Beesha Isaaq
4.Maamulka Majeer-teeniya
5.Maamulka Hargaysa
6.Dagaal Ooge
7.Dhiigya Cab
8.Horgal
9.Jamhada
10.Ciidamada Hebel Oo Cagta Mariyey Nabad Diidka Ama Jamhada Heblaayo
11.Huwan
IWM
Hadaba isticmaalka Erayadan oo intooda badan ay adeegsadaan warbaahinta labada dhinacba waxa ay qayb ka yihiin sii xoojinta xananuunka ka dhashay xurgufta u dhaxaysa siyaasiyiinta labada dhinaca iyo bulshooyinka labada dhanba waana erayo ka baxsan anshaxa saxaafada iyo akhlaaqiyaadka aasaasiga ah halka ay halku dhigyo u noqdeen iminka warbaahinta ka howl-gasha deegaanada labada dhinac.
waxana arintan si guud ugu dhaliilan saxafiga garan waayey masuuliyada culus ee uu bulshada u hayo iyo siyaa siyiinta u adeegsada abaabulada dhibaatoyinka keena .
Geesta kale waxaa iyana dhankooda ku dhaliilan ururada udhaq dhaqaaq horumarinta saxaafda sida ururka saxafiyiinta somaliland ee Solja oo ay ahayd in ay ka wacyi galiyaan saxafiyiinta ka howl-gala dalka isticmaalada erayada sii kala fogaynaya bulshada ay ismaandhaafayadu hadheeyeen dhankay doontaba ha ahaate waxa ayna illa muuqata in ururada loo igmaday ka shaqaynta arimahan aan kor ku soo xusay in ay qayb ka yihiin iyaga qudhoodu.
Wabilaahi Tawfiiq
Qore By Najiib Cabdi Wali Cabdi Xiis
Hargeysa