Sayid-Maxamed iyo Axmed-Godane: Taariikho isku eg! – W/Q. Maxamed Cabdillaahi Ibraahin

0
106

Al-shabaab-13Godane ayaa mar yidhi: “Sayidku waa tusaalahayga aan ku daydo waxaanan iska shabbahnaa meelo badan oo ay ka mid tahay inaan gumaysi iyo murtaddiin la wada dagaallamayno” bal inay

run tahay aan eegno:

– SAYIDku waxa u kuso beegmay xilli soomaalidu aanay gacan ku haysan taladooda dadyow kalena haystaan! GODANE isna waxa u kuso beegmay xilli soomaalidu liicday taladuna farahooda ka haaday oo dadyow kale u arrimiyaan!

– SAYIDku waxa uu ka yimid dibadda asago xambaarsan dariiqada saalixiyada iyo fikir siyaasi ah oo gumaysi diid ah oo u ka kasbaday dhaqdhaqaayo diineed o guumaysi diid sida Mahdigii Suudaan! GODANE waxa u isna ka yimid dibada isagoo xambaarsan dariiqada Wahaabiyada iyo fikir diineed guumaysi diid ah oo uu ka kasbaday dhaqdhaqaaqyo sida Al Qaacida!

– SAYIDka waxay iska hor yimaaddeen dawladahii soomaalida u talinayey iyo soomaalidii la shaqaynaysay! GODANE isna waxay iska hor yimaaddeen dawladaha soomaalida gacanta kula jira iyo soomaalida la shaqaysata!

– Daraawiishtii SAYIDku waxay dagaalo badan la galeen guumaysigii Britain iyo kuwi kale ee boobka u yimi dhulkeena! GODANE waxa uu dagaallo badan la galay wadamadii maroorsaday talada soomaalida sida Ethiopia, Kenya iyo kuwa kale ee ciidamadu ka joogaan (ka hor intaanay iman waxay waddanka ku maamuli jireen Warlordskii ay is dileen Godane iyo kooxdiisa)!

– SAYIDka waxa u dheera in uu laayey dad badan oo soomaali ah oon waxba galabsan, waxa uu ku duuli jiray qabiillo soomaaliyeed oo u soo duugi jiray xeryahooda dhiiggoodana qubi jiray! GODANE waxa uu isna galaaftay soomaali badan o shacab ah waxna galabsan, qarax iyo qoriba waxa u ku laayey maato iyo dad birimagaydo ah!

– SAYIDka waxay iska hor yimaadeen WADAADDADii soomaaliyeed kuwaas oo uu midkoodba kale dhiigiisa banaystay (Qaadiriya) waxanu kuu eedeeyey inay gumaysiga gacan saar la leeyihiin! GODANE isna waa iska hor yimaaddeen WADAADADI soomaalida haday suufiyo yihiin iyo Wahaabiyaba waxaanu ku eedeeyey inay guumaysiga gacan saar la leeyihiin, midba kan kale dhiiggiisa wuu bannaystay (Ahlu Sunna Waljamaaca)!

– SAYIDku dad badan ayuu ku shaabbadayn jiray inay gaaloobeen oo xataa qaar ka tirsanaayeen taageerayaashiisa iyo waliba qabaa’il dhan isaga oo adeegsan jiray (waa uu xujoobay)! GODANE dad badan ayu ku shaabbadeeyay inay gaaloobeen oo xataa qaar ka tirsanaayeen taageerayaashi iyo soomaali badan waxaanu adeegsan jiray (waa uu riddoobay)!

– SAYIDku waxa uu ahaa aftahan gabyaa ah! GODANE waxa isna lagu tilmaama inuu ahaa aftahan gabyaa ah oo hadal wax ku goyn kara!

– SAYIDka waxa raadinayey Britain oo ahayd awooddii adduunka! GODANE waxa aad u raadinaysay America oo ah quwaddii adduunka aakhirkiina dishay!

– SAYIDku waxa u noqday ugu dambeyntii nin loo aqoonsado inu gar lahaa kol haddii uu ka gadooday guumaysi nagu habsaday gafkiisiinu yahay xalay dhalay uu tirtirayo hankiisii dheeraa iyo ragannimadii uu ugu badheeday gumaysiga! GODANE ma laga yaaba in mustaqbalka loo aqoonsado geesi qaayibi waayey duruufta xun iyo talo ka qaad laynagu sameeyey, qaadan waayay dabadhilifnimo iyo in dusha lagaa xukumo, dadkii uu galaaftayna lagu illaawo hankiisi dheeraa iyo himiladii uu lahaa? (waa haddii ay dhalato soomaali oo taladeeda gacanta ku haysata oo xor u ah qaraarkeeda)!

F.G.Waxa aan ka mid ahay dadka aad uga soo hor jeeda GODANE iyo Afkaartiisa se SAYIDkuba sidan waa u eekaa e bal aan taariikhda sugno waxay qorto Nus qarniga soo socda ama inta ay bogsanayaan nabaradii uuu gaystay Ina GODANE!

Maxamed Cabdillaahi Ibraahi

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here