Saylac: Dadaalka Wasaarada Maaliyada iyo Boobka Gudoomiye Kuxigeenka gobolka Salal Labo Kala Fog By Axmed Cabdilahi

0
50

Iyadoo ay magaalada saylac kamidtahay kastamada somaliland ee lagu qaado cashuuraha badeecooyinka kasoo dega dekeda jabuuti iyo kuwa kasoo dega dekeda kooban ee saylac ayaa dhawaan waxa uu Wasiirka Maaliyada Somaliland Cabdicasiis Maxamed Samaale U Magacaabay Maamule Cusub loo soo magacaabay Cabdirisaaq Aadan Yuusuf horena u ahaa sarkaalkii kastamka berbera ugu magacownaa Barxada Dekeda Berbera.

gudomiye kuxigenmka salal1

Masuulkan ayaa siweyn wax uga qabtay dakhli la lunsan jiray oo ka baaqan jiray Wasaarada Maaliyada gaar ahaan Kastamka Saylac, markiiba waxa qeyliyey guud ahaan dadkii ay saameynaysay lunsiga dakhligaasi waxaanu kor usoo qaaday dakhliga kastamkaasi kasoo baxay oo uu gaadhsiiyey meel aanu hore u gaadhin.

qeylada iyo saska ka dhashay maamulaha shaqadiisa gudanaya ayaa waxa ka hadlay oo ay kaso yeedhay cabasho weyni oo cambaareeyey Xisbiyada Mucaaridka ah oo dakhliga la lunsadaa gaadhi jiray balse dadka indhahoodu caafimaadka qabaan ayaa wasiirka Maaliyada Somaliland Samaale ku hambalyeeyey isku badelada iyo isku shaandheynta uu kor u qadayo tayada shaqaaalaha wasaarada iyo waliba maamulayaasha dhalinyarada ah ee majaraha u qabtay wasaaradaasi.

Maqaalkan waxa igu kalifay Dagaalka la sheegey inuu dhexmaray Maamulaha aan waxqabadkiisa kor kusoo sheegay iyo Gudoomiye kuxigeenka gobolka salal Cabdiqaadir Aadan Yuusuf oo wasaarada maaliyada ka doonaya luuluush iyo baad laga siiyo dakhliga laga uruurinayo ganacsatada danyarta ah ee mushaharkisa lagu beegayo taasi oo keentay inay iksu difaaco dagaal been abuur ah iyo gacan aan waxba kaga dhicin oo uu isa soo duubay waxana xusid mudan in dad goob joogayaal ahi cadeeyeen inaanu jirin dagaal dhexmaray gudoomiye kuxigeenka iyo Maamulaha Kastamka saylac balse ay afka ka wada hadleen isla markaana uu maamuluhu u sheegay gudoomiye kuxigeenka inuu ka hayo fariimo uu ku dalbanayo lacaga kala duwan oo aanu jirin sharci u baneynayaa.

Wasaaradaha Dawlada iyo Masuuliyiinta Gobolka Waxa ka dhexeeya nidaam shaqo oo aan waafaqsanayn wax isdaba marin iyo laaluush doon gudoomiye kuxigeenka gobolka salal waxa uu u muuqday shakhsi ka faaiideysanaya xili gudoomiyihii gobolka ka maqanyahay shaqada oo uu isaga sii yahay ku sime waxaana xusid mudan in maamulaha kastamka saylac iyo Gudoomiyaha Gobolka Salal ay ka dhexeyso wada shaqeyn fiican iyo wada ilaalin dakhli uruurineed halka ku xigeenkiisu kamid yahay kuwa laga ilaalinayo dakhliga dawlada ee kasoo baxa kastamka saylac.

Ugudanbeyntii waxaanu usoo jeedinayaa Wasiirka Arimaha gudaha Somaliland inuu wax ka qabto Masuulkan looga taag waayay dakhligii mushaharkiisa ahaa ee la uruurinayay taas oo samcad daro ku ah xilka uu hayo iyo been abuurka uu yidhi gacanta makala garanayo inay jabantahay iyo inay diaalcsantahay waxna ma qabto.

 

Axmed Cabdilahi Jaamac

Saylac Somaliland.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here