Hargeysa(Hubaal)-Madaxweyne xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Saylici, oo Maanta ka hadlay Munaasibad xisbiga kulmiye ku qabsaday Magaalada Hargeysa, ayaa ku sababbeeyey Muddo-kordhin loo sameeyo Xukuumadda uu Madaxda ka yahay, arrin ka dhalatay caqabado farsamo oo la soo dersay howsha doorashada aan wali wakhtigeedii la gaadhin ee ku beegan 26 bisha June ee sanadkan, taasoo ay Xisbiyada Mucaaridku ay dawladda ka dalbadeen inaan muddadeeda dib looga ridin ee la qabto.
Saylici, ayaa sidoo kale ku doodday, inay diyaar u yihiin inay Xisbiyada Mucaaridka kala hadlaan arrimaha Doorashooyinka, balse aanay kala doodi Karin arrintaas cid ka baxsan xayndaabka Sharciyada ku dhisan ee Xisbiyada iyo Golleyaasha. Ma uu carrab-baabin Saylici goorta ay Xukuumad ahaan la fadhiisan doonaan Mucaaridka, hase ahaatee wuxuu tilmaamay inay u dhego-nugul-yihiin wada-xaajood kasta oo loo soo jeediyo.
“Iyadoo aynu ku jiro wakhti kala guur ah, doorashadu way qabsoomaysaa laakiin, arrimo farsamo ayay dib ugu dhacaysaa. Haddaynu nahay umadda Somaliland waxaynu halkan ku soo gaadhnay isku tashi iyo isku tanaasul, marna inagamay sal guurin inay wax inaga qaloocdaan, haddii ay qaloocdaana inagumay dheeraan, maantana wax inaga xumaanayaa ma jiro” ayuu yidhi.
Sidoo kale waxa uu dhaleecayn weerar-celis ah u jeediyey Is-bahaysiga Xisbiyada Mucaaridka iyo Madasha Wada-tashiga, isagoo carrabka ku balaadhiyey eeddeymo uu si gaar ah ugu jeediyey xubno ka mida gabboodka Mucaaridka ee saddex geesoodka ah.
“Sida Mucaaradka iyo inta soo raacdaa u hadlaan runtii mid anshaxa,islaamnimada iyo dadnimada ka baxsan weeye”. “Dalka sharci ahaan waxaa jira saddex Xisbi Qaran, cidda aanu wax ka dhegaysanayno ee aanu la fadhiisanaynaa, ee doorashada ka wada hadlaynaa waa labada Xisbi Qaran iyo goleyaasha Qaranka,”ayuu sii yidhi.
Ma jirto wax jawaab ah oo ay Isbahaysiga mucaaridku ka bixiyeen hadalka ka soo yeedhay Madaxweyne ku-xigeenka dalka, kaasoo warka ka soo yeedhay Kaaf iyo kala dheeri uga dhiganyahay mowqifka Mucaaridku ka taaganyahay arrimaha uu ka hadlay.