Saynisyahanno Sameeyay Kaneeco Aan Tarmin

0
89

Saynisyahanno u dhashay UK ayaa qaaday tallaabo aan caadi ahayn oo lagula dagaalamayo xannuunka malaaryada iyaga oo sameeyay nooc kaneeco ah oo aan tarmin.

Qorshuhu wuxuu yahay in meesha laga saaro nooca kaneecada ee faafisa xannuunka Malaaryada marka ay dadka qaniinto, sida ay ku warrantay jariidadda Nature Biotechnology.

Labo nooc oo ka mid ah hidosideyaal la dhalan rogay oo ah malaaryada dhadig ee xannuunka faafisa ayaa laga dhigay kuwo aan tarmin.

Laakiin nooc ka mid ah kaneecada hooyada ama aabaha ah ayaa awoodi doona in uu dhashiisa u gudbiyo hiddesidehaas.

Arrintaa ayaa sababi doonta in ay bulshada ku dhex fafaan nooca kaneecada aan tarmin, arrintaas oo aakhir keeni doonta in ay tirada kaneecadu aad u yaraato ama u dhimato.

Si kastaba ha ahaatee koox ka socota jaamacadda Imperial College London ayaa sheegtay in loo baahan yahay in la qaado arrimo badan oo dhanka ammaanka ah.

Arrintaas ayaa ka dhigan in ay toban sano qaadan karto wakhtiga la fasaxayo kaneecada noocan ah.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here