Hargeysa(Hubaal) – Madaxweyne xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil Saylici, oo salaaddii ciidal fidriga kumanaan qof kula tukaday Garoonka kubadda cagta Hargeysa Stadium, ayaa walaac xooggan ka muujiyay heerka qabyaaladdu Somaliland ka marayso. Madaxweyne xigeenka oo ka hor Salaadda la siiyay fursad uu bulshada Farriin ugu diro ayaa ku dhaartay inaanay Somaliland siday maanta tahay aanay ku soconayn, islamarkaana ay jirto kala qaybsanaan ku timid qabyaalad dadka kala irdhaysay iyo Nin Jeclaysi. Waxa uu sheegay in xaalku marayo in qof walba Ninkay isku reerka yihiin sax iyo khaladba ku barbar istaagayo.
Waxa uu sheegay in dadkii aqoonta iyo waayo aragnimada lahaa ee dibaddaha joogay islamarkaana arkay siday dunidu u shaqayso ee qabyaaladda uga kortay haatan yihiin kuwo qabyaaladdi ragaadisay oo ku kala qaybsamay arrimo qabyaaladeed iyo nin jeclaysi.
Mudane Saylici, waxa uu ku baaqay in laga waantoobo arrimahaas oo uu tilmaamay inaanay Somaliland sii jiri doonin hadday sii xoogaystaan. Waxa uu soo jeediyay bulshadu danta iyo guud iyo horumarka Somaliland u midawdo si hore loogu socdo.
Dhinaca kale waxa uu Mucaaradka ugu baaqay in mucaaradnimadooda ay ku saleeyaan Islaam-nimada islamarkaana noqdaan kuwo wax toosin ay tahay dhaliishoodu. Waxa uu ku booriyay inay wanaajiyaan siday xukumadda wax ugu sheegayaan.