Hargeysa (Hubaal)- Buug ka hadlaya Xuquuqda Islaamku siiyey haweenka iyo ololeyaasha reer Galbeedku hormoodka ka yihiin ee haweenka loogu doodo, ayaa daah-furkiisa xalay lagu soo bandhigay magaalada Hargeysa.
Buuggan oo uu qoray Sheekh Ismaaciil Dheeg oo ka mid culimada waaweyn ee magaalada Hargeysa, isla markaana ciwaankiisu yahay ‘Xoreynta Haweenka iyo Xuquuqda Islaamka’, ayaa lagu soo bandhigay munaasibad xalay ku qabsoontay Hotel Maansoor ee magaalada Hargeysa, waxaana munaasibadda ka qayb-galay Wasiirka Diinta iyo Aw-Qaafta Sheekh Khaliil Cabdilaahi, Wasiirka Dhalinyarada & Ciyaaraha Cali Raygal, Wasiirka Deegaanka Marwo Shukri X. Ismaaciil Baandare, Culimo-aw-Diin iyo Marti-sharaf kale.
Ugu horeyn waxa munaasibadda ka hadlay Sheekh Ismaaciil Cabdi Hurre (Ismaaciil-Dheeg) oo sharraxay Qiimaha haweenku ku leeyihiin bulshada Islaamka ah iyo xuquuqaha Diinta Islaamku siisay. Sheekhu waxa uu ku dheeraaday sifooyin khaldan oo waddamada Caalamka gaar ahaan reer Galbeedku u marin habaabiyeen Xuquuqda Haweenka.
“Ilaalinta xuquuqda haweenku waa eray ay si weyn u soo cel-celiso warbaahinta Caalamka. Arrintan waxa laga qoray buugaag, baaqyo iyo axdiyo caalami ah ayaa laga soo saaro si loogu kaabo ama taageero hirgelintooda. Fikraddani kumay koobnaan xuquuqda haweenka ee waxay soo gaadhay in la yidhaahdo Xoreynta Haweenka,” ayuu yidhi Sheekh Ismaaciil.
Sheekha oo ka hadlayey afkaarta uu xambaar yahay Buuggu, waxa uu sheegay inuu ka kooban yahay isla markaana uu ku ururiyey masooyin jawaabo u ah farqiga u dhexeeya Oleleyaasha Caalamiga ah ee Xuquuqda Haweenka iyo Xuquuqda Shareecada Islaamku u jidaysay.
Wasiirka Wasaaradda Diinta iyo Aw-qaafta Somaliland Sheekh Khaliil Cabdilaahi oo munaasibadda ka hadlay, ayaa Qoraaga buugga ku bogaadiyey dedaalka uu geliyey soo-saarista buugga oo uu tilmaamay inuu xambaarsan yahay mowduuc muhiimad u leh bulshada.
“Sheekhu wuxuu buuggiisa ku soo qaatay mowduuc muran badani ka taagan yahay marka caalamka loo eego, hase ahaatee, innagu muslimiin ahaan, waxaynu qaadanaynaa aragtida Islaamku uu ka leeyahay lammaanaha ee dheddig iyo lab,” ayuu yidhi Sheekh Khaliil Cabdilaahi.
Waxa kale oo munaasibadda ka hadlay Wasiirka Wasaaradda Deegaanka Marwo Shukri Xaaji Ismaaciil Baandare, ayaa tilmaantay qiimaha buuggani u leeyahay haweenka. Wasiirku waxa ay xustay inaanay haweenku raadinayn xuquuq kale oo ka maqan, balse ay raadinayaan xuquuqahooda aasaasiga ah isla markaana aanay bannaanka u soo baxeen haddii ay heli lahaayeen xuquuqahooda qoyska.
Himilomedia.com