Kulbiyoow (Hubaal/W.wararka) Ururka Al Shabaab ayaa weeraray xero milateri oo ciidammada Kenya ay dagan yihiin oo ku taalla magaalada Kulbiyoow. Al Shabaab ayaa sheegay in ay qabsadeen xeradaas ayna waxyeello wayn u gaysteen ciidammada dalka Kenya oo ay ka dileen 57 askeri. Afhayeen u hadlay ciidammada Kenya Paul Njuguna ayaa diiday sheegashada Al shabaab laakiin ma aanu sheegin baaaxadda ay la egtahay dhibaatada soo gaadhay. Wuxuu intaas ku daray in uu hawlgalku wali socdo. Al Shabaab ayaase sheegay in ay xayndaabkii xerada ku jabiyeen baabuur ay qaraxyo ku soo rakibeen ka dibna ay weerar ku ekeeyeen. Ciidammada Kenya ee ku jira gudaha Soomaaliya ayaa ka mid ah ciidammada Midawga Afrika ee AMISOM. Muddo sanad ah ayaa laga joogaa markii weerar noocan ah ay Al shababa ku qaaday xeradii milatariga ay ciidammada Kenya ku lahaayeen Ceel Cadde.
Dhinaca kale Dowladda Kenya ayaa xaqiijisay in dagaalamayaal ka tirsan Al-shabaab weerar safmar ah subaxnimadii hore ee shalay ku qaadeen saldhig militari oo ay ciidamadooda ku lahaayeen deegaanka Kulbiyoow oo ka tirsan gobolka Jubbada hoose. Laakiin dhinaca kale dowlada Kenya waxaa ay beenisay sheegashada Al-shabaab ee ah in weerarka ku dileen tiro ka badan 50 askari oo ka mid ahaa ciidamada Kenya ee saldhiga ku sugnaa.
Afhayeenka ciidamada Kenya Lieutenant Colonel Paul Njuguna ayaa u sheegay wakaalada wararka ee Reuters in ay jiraan ciidamo lagaga dilay weerarka, laakiin waxa uu meesha ka saaray in askarta goobta ku dhimatay gaadhayaan 50 askari. Waxaa uu sheegay in ay wadaan baadhitaano ku aadan sidii loo xaqiijin lahaa khasaaraha ka dhashay weerarka iyo sidoo kale qaraxyada, waxaana uu intaa ku darray in ay iska caabiyeen Al-Shabaab laakiin ay jiraan khasaare soo gaadhay ciidamadooda. Sanadkii ina dhaafay ayey Al-shabaab sidan oo kale weerar culus ku qaadeen saldhig militari oo ay ciidamada Kenya ku lahaayeen deegaanka Ceel cadde ee gobolka Gedo, waxaana weerarkaa lagu dilay tiro ku dhawaad 200 oo askari oo ka tirsanaa ciidamada Kenya. Xarrakada Al-shabaab ayaa sheegatay in weerarkii shalay ku qabasadeen hub iyo saanad ciidan, sidoo kalana la wareegeen gacan ku heyta xerrada militari. Ugu danbeyntii, ilaa iyo hada ma jiraan warar ka madaxbnaan labada dhinac oo xaqiijinaya khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay weerarka Kulbiyoow oo noqonaya kii labaad khasaare ballaadhan lagu gaadhsiiyo ciidamada Kenya ee qeybta ka ah howlgalka midowga Africa AMISOM.