Daaraha quruxda badan ee Hargeysa waqtigan ay sida fiican u dhisantay
Hargeysa (Hubaal/Maankaab)- Suxufi madaxbannaan oo wax ka qora waddamada Geeska Afrika, ayaa ka diyaariyey caasimadda Somaliland ee Hargeysa warbixin taabatay , xiisayaal gaar ah oo ku duugan, ganacsiga iyo dhaqanka dadka ku nool. Warbixintan oo logu daabacay mareegta caalamiga ah ee CNN oo Maankaab soo xigtay, waxa lagu iftiimiyey in beesha caalamku hilmaantay aqoonsiga madaxbannaanida Somaliland, taasina ay dhaqaalaha dalka hoos u dhigtay. Suxufi James Jeffrey oo ah ka hawlgala magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya si, waxa uu warbixintiisa ku sheegay in Hargeysi tahay caasimad soo dhawayn fiican oo aan siyaasadda caalamku saamayn ku yeelan, si fiicana iftay. Dadka Hargeysa ku dhaqan oo tiro ahaan warbixintu ku tilmaantay 800,000 qof oo meelo kala duwan ka yimi, waxa saameeyey is-gaadhsiinta oo aad ugu badan, baabuurta iyo darriiqyada oo cidhiidhi ah, halka diinta islaamka iyo cibaadadeedu aad ugu xoogan tahay. Warbixintu waxa ay iftiimisay in saboolnimada baahsan ee ka jirta Somaliland ay caasimada laf ahaanteeda saamaysay oo 75% dhallinyaradu shaqo la’aan waddooyinka la tuban yihiin. “Gaadhi-ximaarka waxa uu dul socda waddooyinka, riyaha, idaha, haweenka Somaliland ee ku labisan dharka kafanta u eeg ee cadcad, cuqaasha, ganacsatada, dhallinyarada qurbaha ka timi waxa ay wadagaan waddooyinka,” ayaa ka mid ahayd erayada warbixintan lagu isticmaalay, dadkuna meel adag bay ka taagan yihiin,” ayuu yidhi Mark Rowlatt oo 56 jir ah, safar booqasho ahna ku yimi Somaliland, una warramay suxufi Jeffrey.
Geesta kale, waxa warbixinta ku xusnayd in dhaqanka islaamku si fiican uga shaqeeyo Somaliland, haweenka badankoodu xijaaban yihiin, maandooriyayaashuna mabnuuc ka yihiin, balse laga helo xafiisyo aad u qurux badan oo casri ah, maqaaxiyo iyo goobo lagu jimicsado oo qaboojiyayaal fiican ku xidhan yihiin. Sidoo kale, waxa la xusay in caasimada Hargeysa aanay lahayn goobo taariikhi ah oo la booqdo amma dalxiis ahaan loo tego, balse waddooyinka lagu ay ku teedsan yihiin goobo cadarka, dharka, elaktarooniga iyo cuntooyinka kala duwan lagu iibiyo. Cuntooyin aad u daray ah laga helo, halka suuqyada lagu iibiyo hilibka boqolaal geela iyo adhi ah oo kuwaanada markaas uun lagu qalay. Suxufigan waxa uu si gaar ah u xusay in shah caanoole macaan laga helo Somaliland oo aad ay ula dhacaan dadka ajenebiga ah, halka dadkuna caado u leeyihiin in 1:30 duhurnimo ay qadeeyaan, waddooyinka caasimadu haawanayaan waqtigaas oo cidi aanay dhex lugayn ilaa inta laga gadhaayo 4:30 galabnimo oo sawaxanka gaadiidka iyo dadku is qabsadaan.. “Guud ahaan caasimadan way burburtay, waxaanad akraysay wasakhda iyo qashinka oo dhex daadsan meel kasta,” ayuu yidhi Siciid Maxamuud oo ka shaqeeya mac-hadka Horizon Institute oo bulshada ka caawiya horumarka iyo xasilooniada. Dhinaca kale, waxa uu suxufigan xusay in Hargeysa dadka ajenebiga ah u fiican tahay, ammaankooduna uu ku sugan yahay, qurba-jooga reer Somaliland si fiican u dhisteen caasimada. “Dadku aad bay kuu soo dhawaynayaan, waana dad niyad fiican, qaranka waaxihiisu si fiican buu u shaqeeya, dadkana waxa uu u saamaxay in ganacsigooda ay wataan,” ayuu yidhi Rowlatt oo mar kale u warramay suxufigan.
xigasho: CNN