Shacab Duruufeysan Oo Cabasho Xooggan Ka Muujiyey Bixinta Fiisayaasha Ethiopia ee Xafiiska Hargeysa Iyo Cudur-daarka Xukuumadda

0
27

“….Bil Dhan Ayaanu Soo Noq-Noqnoqonayaaa oo Inta Ay Safaaraddu Kuu Aamusto Ayey Marka Ay Duhurka Gaadho Odhanayaan Yaaca Waxba Majiraane,” Hooyo  Fiise La’aani Hayso

cabasho ka dhan ah fiisaha itoobiyaHargeysa (Hubaal) – Dadweyne si weyn uga Biyo diiday Gaabis soo galay Hannaanka Fiisayaasha Dal-ku-gal looga bixiyo Safaaradda Ethiopia ku leedahay Magaalada Hargeysa, ayaa cabasho la hortegay Wasaarada Arrimaha Dibada Somaliland, halkaasoo ay u gudbiyeen Ashkato ka dhan ah Safaarada Itoobiyaanka. Dadkan oo muraaddo kala gedisan  doonayay inay u tagaan dalka Itoobiya, isla-markaana qaarkood deris la yihiin xaaladdo caafimaad oo hooseeya,ayaa sheegay inay muddo shan iyo toban maalmooda ugu soo noqnoqonayeen Safaarada in la siiyo Fiiseyaasha Dal ku galka Itoobiya,  balse ilaa iyo haatan ay la yihiin wixii ay dalbadeen.  Faadumo Cabdilaahi waa gabadh Qabta Xanuunka Kansalka waxaana ay dhakhatiirta Gudahu u qabteen hadii Aanay toddobaad ku gaadhin dalka Ethiopia inuu jidhkeeda ku faafin Doono iyada oo baaq u dirtay Xukuumada.   “Halkan waxaanu kaga cabanaynaa Safaarada Ethiopia waxaanu Sidanaa Basabooro oo dhakhatar ayaan tagayay waxaanan ka imi caasimada itoobiya kansal ayaa I haya walaal waxaana laygu yidhi Laba Toddobaad ka dib hadaad isku dayso Jidhkaaga ayuu gaadhaya,fiise ayaanu u baahanay dad ayaa gacmaha lagu Sidaa oo ila mid Ah dadbaa fiise ka dhacayaa dadbaa arday Ah,waxaanan Dawlada ka Codsanaynaa in Ay saafaarada Noola Hadlaan.”ayey tidhi marwo Maadumo. Faadumo waxa ay intaas ku dartay in ay aad uga Xuntahay Xannibadaas ay la Kulantay, iyadoo aad uga dayrisay Caafimaadkeeda waxaana ay baaq u dirtay Xukuumadda kana Codsatay in sida ugu dhakhsaha badan wax looga qabto.  “inta ay safaaraddu kuu Aamusto ayay marka ay duhurka gaadho odhanayaan yaaca waxba majiraane,Bil dhan ayaanu soo noq-noqoynaa waa dhibaato naga haysata safaarada waxaanad arkaysaan inaan dhagba jaqal Naloo Siinayna.” ayey tidhi faadumo. Ismaaciil Diiriye Jaamac ayaa ka waramay dhibaatada uu kala Kulmay safaarada, sheegayna inuu hortuban yahay muddo hada ku siman shan iyo toban cisho isaga oo ka waramay sida loola dhaqmay.  “dawladu Basabooradii lacagtii ayay naga qaaday meel Aanu ku tagnana waanu Garan waynay, Ethiopia safaradeedii way xidhatay cid ka hadlaysa majirto Cid masuuliyiin ah oo dadka shacabka u hadlaya maanu arag,maalin walba sidaanu bacadka u taagan nahay ayaanu rawaxnaa,Xabashidu marka ay ka yimadaan dalkooda lug ayay ku maraan hargaysa anaguna lacagtaydii ayaanu labaryaynaa Tan Safaarada Ah.” Agaasimaha wasaarada Arimaha Dibada somaliland  Maxamed Siciid, ayaa ka jawaabay  dadkii cabashada muujinayey, waxana uu cudurdaar uga dhigay inay dhammaadeen Waraaqihii fiisayaaha ahaa ee Baasaboorrada lagu dhejin jirey.  “Ethiopia Waa dalka kaliya ee Somaliland Safaarada ku leh safaraadooda ku bixisa Fiisayaasha,waanu u yeedhnay waxaanan waydiinaya sababta keentay in ay fiisayaashu hakadka galaan,Maaha Arin ay safaaradu joojisay waanad ka war qabtaane istiikaro ayuu fiisahu ahaa markaas istiikaradii ayaa kakala go’ay,markaas maalmahanba way sugayeen waxaana ay nooshegeen inuu Xafiis Qaabilsan yahay markaas istiikaradaas ayaa maqane fiise lajoojiyay majiraan.” Ayuu yidhi Agaasimuhu, waxana uu Intaas  ku daray agaasimaha arimaha  dibada somaliland.”Safaaradu waanu kawada hadalnay in Fiisayaasha ladadajiyo baahida ay dadku u qabaan awgood runtii  iyaga dhankoodana hagrasho kuma jirto waa nidaam dawli Ah, nidaamnka dawliga ahina dib u dhaciisa waa uu leeyahay,bari in ay dalka yimadaan waanu ku rajo waynahay.” Inta Badan dhibaatada shacabka somaliland kala kulanta Safaaradda Ethiopia, ayaa soo noqnoqda, waxana hore u dhacday inay dadku cabashooyin badan ka muujiyaan Arrimahaas, balse waxa laga qabto, ayaa iska kooban.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here