Hargasya(Hubaal)Xuska 18ka May Oo Ku Beegnayd Maanta Oo Axda Ah Ayaa Guudaha Caalamka Iyo Gobolada Somaliland Si Wayn Looga Xusaya.
Magaalada Hargaysa Ee Caasimada Wadanka Somaliland Ayaa Isku Soo Baxa Balaadhan Lagu Qaabilay Maalinta 18ka May,Taas Oo Lasoo Buux Dhaafiyay Barxad Hore Ee Madaxtooyada Somaliland Oo Khudbada Tariikhi Ah Uu Ka Jeediyay Madaxwaynaha Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo
Ciidamada Kala Duwan Ee Somaliland Ayaa Iyana Gaado Ka Ciyaar Ku Maray Wada Halbolaha U Caasimada Iyaga Oo Soona Bandhigay Dhoola Tus Millatari,Shacabka Magaalada Hargaysa Ayaa Iyana Goobtaas Soo Buux Dhaafiyay Iyaga Oo Ku Dhawaaqay Erayo Ay Ku Waynaynayaa Maalinta 18ka May.
Hadaba Khudbadii Uu Madaxwaynaha Somaliland Mudane Axamed Maxamed Maxamuud Siilaanyo Ka Jeediyay Ayaa Waxa Uu Ka Maray Maalinta Waxa Ay Ugu Fadhido Shacabka Reer Somaliland,Waxaana Uu Bayaamiyay In Ay Dawlada Somaliland Ku Fadhido Dhigii Geesiyaasha.
Waxa Uu Fariin Dhanbiil Ah Ku Ganay Dawlada Somaliya Oo Usoo Jeediyay Inaanay Ku Habsaamin Go’ni Isugaa Somaliland Isla Markaas Tashadaan Sida Ay U Tashadeen Shacabka Reer Somaliland.
Madaxwaynaha somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo oo ugu horeyna ka hadlay qiimaha ay maalintani u leedahay shacabka reer somaliland ayaa waxa uu yidhi” “Waxaan Sigaar ah hambalyo ugu dirayaa geesiyaasha qaranka qaybahooda kala duwan ee hadh iyo habeen heeganka ugu jira Difaac Qaranimada somaliland,mudo dhawr iyo labaatan sanadood ah ayaa kasoo wareegtay markii qarankani lasoo noqday madax banaanidiisa taas oo lasoo galay halgan naf iyo maalba leh,halgankaasi maaha mid dhamaaday waana mid socon doona ilaa inta laga xaqiijinayo hadafka iyo himilada dhabta ah inta laga xaqiijinayo oo ah aqoonsi aynu ka helno caalamka kana mid noqono beesha caalamka,Xoriyada aynu neecawdeeda ku laydh-sanayno maaha mid ku Timid hanyari iyo hadyad toona,balse waxa u dhintay kumanaan waxaana u barakacay Boqolaal Qof,waxa la isku hawlay sidii looyagleeli lahaa qaran xor ah oo qol-qolkiisa laga qodax tiray Awood Dawladnimo oo la isku adeegsado,Digtaateerinimo,waxaanan ilaahay uga baryaynaa inuu naxariistii janno ka waraabiyo dadkii u geeriyooda Dibu Xoraynta dalka,inta ku dhaawacantayna iyo intii ku agoomow dayba waxaan u rajaynayaa nolol wacan.
Dhinac kale Madaxwaynaha somaliland mudane Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo ayaa waxa uu baaqa cod dheer ah kula hadlay somaliy waxaana uu yidhi”Hadii dadka qaar caad iyo ciiro ka saran tahay,waxaan u cadaynaynaa in goni isutaaga somaliland Baarka ka gooyay 23 Sannadood oo gow ah,isla markaasna aan lahayn wax cay iyo caadifada ah,Markaasn kani waxa uu yahay go’aan gaamuray oo ka turjumay go’aanka dhabta ah ee shacabkiisa,sidaas darteed qadiyada somaliland maaha mid gorgortan lala gali karo,mudo kasta oo ay qaadanayso meel marinteeda dadkani waxa ay diyaar u yihiih in ay u dhabar adaygaan dhiig horlena u daadiyaan,dhamaan waxa guulaystay shacabka somaliland oo dhan guushuna waa galada usoo wada hoyatay,inkasta oo ay nasoomareen duruufooyin adag hadana umada ahaan waynu guulaysanay.
Sidoo kale madaxwaynaha somaliland ayaa waxa uu ka waramay Siday ay somaliland madax dhaqmeedku usoo dhiseen iyo marxaladihii kala duwanaa ee ay soo martay waxaana uu yidhi” “Waxa aynu Dhidibada utaagnay dhaqan iyo dawladnimo ku dhisan dhaxalkii awow-yaasheen,nabad-galiyo ,Dhawirsta xuquuqda iyo nidaam soo jireen ah,doorashooyin xor oo xalaal ah duniduna inagu majiirato,waxaanan soo dhawaynayaa dhaliilaha xukuumadayda waxaanan balan qaadayaa inaan gufeeyo,waxaan Diyaar u ahay inaan dhug u yeesho Tix galiyana talooyinka taabagalka ah ee golayaasha asxaabta qaranka,waxaan shacabkayga sharafta leh usoo jeedinayaa in ay ilaashadaan nabad galiyadooda,waxaan beesha caalamka ugu baaqayaa intaanu wada shaqaynta leenahay in ay tageeraan go’aanka iyo gooni isutaaga shacabka reer somaliland,xukuumadaydu waxa ay sii xoojin doontaa wada shaqaynta ay la yeelan doonto beesha caalamka.
Sidoo kale madaxwaynaha somaliland waxa fariin adag udiray dawlada somaliya waxaana uu tusay in go’aanka shacabka reer somaliland yahay dawlada cagaheeda isku taagta,isla markaas somaliya aan kusoo noqon doonin haday boqol sanadood gaadho waxaana uu yidhi” “Walaalahay somaliya waxaan leeyahay Reer Dan ayuu guuraa waanu isku tashanay dadka iyo dalka aan madaxda u ahayn idiin-ma soo socdaan ee ilaawa idinkuna isku tashada Ayaan idin leeyahay,walaalayaa awrkii nabaada iyo dhibaad lahaa ee aanu 60kii idiin keenay isaga oo cadaysimo ah ayaanu lasoo noqonay ee aanu kala eedla’aano si gobeedna aanu waxa ukala gurano,waxaanu doonaynaa waa ay caday waxaanu ka digaynaa in dib loo abuuro cadaawadii iyo coladihii inasoo dhexe maray xukuumada aan gadhwadeenka ka ahay waxa ay diyaar markasta utahay inaan wada hadaladka u dhaxeeya somaliya somalilnad ay sii wado,si looga gaadho arin caam ah,waxaanan rabaa in aynu kuwada noolaano daris wanaag walaaltinimo iyo labada dawladood oo jaara ah.
Dhinac kale shacabka ku dhaqan caasimada somaliland ee hargaysa ayaa dareen shucuuri ku dheehan tahay ku soo bandhigay Waynanta Maalinta Qaran ee 18ka may,waxa ay wajiyadood kusoo xardheen astaanka Calanka somaliland ka kooban yahay waxaana ay ku dhawaaqayeen erayo ay ku dalbanayaa qaranimada somaliland in ay tahay lama taabtaan iyo go’aan shacab,ciidamada kala duwan ee qaranka somaliland ay ku faanto ayaa gaado ka ciyaar ku maray wada halbolaha u ah caasimada somaliland ee hargaysa waxaana ay salaam sharaf siiyeen madaxwaynaha somaliland mudane Axamed Maxamed Maxamuud siilaanyo,ciidanka qaranka ayaa goobta kusoo bandhigay dhoolatus millatari waxaana goobta soo mariyeen qoryaha kala duwan ee ciidanka somaliland.