Shacabka Oo U Riyaaqay Go’aamadii Wax Ku Oolka Ahaa Ee Uu Madaxweynuhu Sicir-Bararka Kasoo Saaray

0
61

Waxa ay Shacabku Hay’adaha Kala Duwan Ee Dawladda Ka Codsadeen Inay xil iska saaraan Fulinta Awaamiirtaas, si Midhaha Go’aankaas Loo helohambalyo good

Hargeysa:(Hubaal)-Shacabka reer Somaliland, ayaa si weyn u bogaadiyey, una riyaaqay go’aankii wax ku oolka ahaa ee uu dhawaan madaxweyne Siilaanyo kasoo saaray sicir-bararka iyo qiime dhaca ku yimi shillinkii dalka, waxana ay muujiyeen inay tallaabadaas si buuxda u garab istaagi doonaan.

Dadweynaha, ayaa muujiyey inay la dhacsan yihiin awaamiirtaas madaxtooyada kasoo baxday, isla markaana u arkaan qaar wax weyn ka tari doona masiibada dhinaca sicirka lacagaha iyo maciishaddaba soo foodsaartay, iyaga oo isku raacay inay muujinayso sida uu madaxweynuhu ugu damqanayo madaxdiisa.

Goobaha maqaaxiyaha, huteellada iyo goobaha kale ee bulshadu ku caweyso oo lagu daray baraha bulshadu ku kulanto, ayaa lagu muujiyey inay bulshadu go’aamadaas u riyaaqsan tahay, isla-markaana haddii sidooda loo fuliyo ay noqon doonaan qaar muddo kooban wax weyn kaga beddela dhibaatada dhinaca maciishada iyo cidhiidhiga haysta lacagtii qarankani lahaa.

Qaar kamid ah shacabka arrintan aragtidooda ka dhiibtay, ayaa go’aanka madaxweynaha ku sheegay mid dhaxal-gal ah, isla-markaana nolosha bulshada wax weyn ka tari doona,”go’aanka madaxweynaha waxan u arkaa mid taariikhi ah oo  danta bulshada ku qotoma, isla-markaana dheellitiran oo xaaladdan lagu jiro dadka ka saari kara, waxana aan xukuumadda iyo hay’adaha kale ee dawladda usoo jeedinayaa in dhaqangelintiisa xil weyn la iska saaro” ayuu yidhi Mustafe Cabdiraxmaan oo kamid ah dadkii aragtidooda ka dhiibtay go’aanka madaxweynaha.

Qaybo badan oo bulshada kamid ah ayaan qarsanin taageeradooda la xidhiidha go’aamada madaxweynaha kasoo baxay ee sicir-bararka lagula dagaallamayo, waxana ay sheegeen in qarranimada dalku ku jirto in la qiimeeyo oo la xoojiyo shilinka dalkani leeyahay, isla-markana la yareeyo isticmaalka lacagaha qalaad.

Hambalyada iyo tahniyadeynta go’aanka madaxweynaha, ayaa ahayd mid ay bulshadu si weyn iskugu raacsanayd, waxana xataa meesha ka maqan can-jarafayntii iyo ciidayntii mucaaridku kala hortegi jireen go’aamada soo baxa, waxana ay taasi muujinaysaa in go’aankani yahay mid danta bulshada si weyn looga wada dhex arko.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here