Addis Ababa(Hubaal)-Shacabka Reer Ethiopia, ayaa maalintii shalay oo Axad ahayd u dareeray Doorashada Kuraasta Baarlamaanka Dalkaas, xilli aanay jirin cudud mucaarid ah oo dhaqdhaqaaqooda la dareemayaa. Mucaaradku waxa ay haystaan hada hal kursi oo kaliya, waxaana si niyad jab ah u muujinayaan inay iska cadahay in Xisbiga tallada dalka Ethiopia haya ay guuleysanayaan.
Dhamaan Magaalooyinka dalka Ethiopia ayaa doorashadaan looga dareeray, waxaana codeynaya dad gaadhaya 36-Milyan sida Dowladdu ay sheegtay.
Kuraasta Baarlamaanka ee loo tar tamaayo, ayaa waxaa ay gaadhayaan 547 Kursi oo laga soo kala dooran doono deeganada dalka Ethiopia.
Meelaha Doorashada shalay looga dareeray waxaa ka mid ah dhulka Ismaamulka Soomaalida ee dalka Ethiopia oo dhankooda ka qayb qaadanaya doorashooyinka guud ee dalka Ethiopia ka dhacay maalintii shalay.
Waxaa si weyn loo adkeeyay ammaanka dalkaasi Ethiopia, waxaana ciidamada gaashaaman ka sokoow la dhigay goobaha cod bixinta ciidamo dhar cad oo sheedda kala soconaya xaalada ammaanka.
Xisbiga talada dalka haya ee EPRDF, ayaa si weyn loogu saadaalaaniyaa inay ku guuleysanayaan doorashooyinka, maadaama Kuraas badan ay ku leeyihiin Baarlamaanka, inkastoo aan la ogeyn in isbedel uu iman karo doorashada.
Natiijada doorashada ayaa la sheegay in lagaga dhawaaqi doono Goobaha Codbixintu ka dhacday, waxana iska yar xiisaha loo hayo Natiijadaas, maadaama ay muuqato in Muxaafidku guulo waaweyn soo hoyn doonaan.