Gabiley(Hubaal) Madaxweyne ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland iyo wefti ballaadhan oo uu hogaaminaayo ayaa si weyn loogu soo dhaweeyay gobolka Gebilay, soo dhaweynta Madaxweyne ku-xigeenka oo kulmisay kumanaan shacabka ayaa si weyn waxa ay taageero ugu muujinayeen Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland mudane Eng: Cabdiraxmaan Cabdilaahi Cabdilaahi Saylici iyo Musharaxa xisbiga KULMIYE Mudane Muuse Biixi Cabdi.
Mawjado dad ayaa weftiga Madaxweyne ku-xigeenka kusoo dhaweeyay degmooyinka kala-baydh iyo gebilay halkaasi oo ay weftigu khudbado miisaan culus leh uga jeediyeen shacabka Afhayeenka Madaxweynaha Somaliland Eng: Xuseen Aadan Cige Deyr oo khudbad dheer u jeediyay shacabka reer gebilaya ayaa uga mahad naqay soo dhaweynta qiimaha leh ee ay ku maamuseen weftiga madaxweyne ku-xigeenka.
Guddomiyaha ahna Musharaxa xisbiga KULMIYE Muj: Muuse biixi Cabdi ayaa uga mahadceliyay dadweynaha ku dhaqan deegaanada kalabaydh iyo gebilay taageerada xoogan ee ay xisbigiisa u muujiyeen waxaanu kula dardaarmay musharaxu inay codkoodana muujiyaan 13 November “Walaalayaal wxaan aad iyo aad idiinkaga mahad celinayaa soo dhaweynta qiimaha leh ee aad nagu maamuusteen codkiinuna sidaa uu maanta yahay waa inuu ka dhex muuqdaa doorashada 13 November “ayuu yidhi Musharaxa KULMIYE .
Madaxweyne ku-xigeenka JSL mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil oo isna khudbad dheer u jeediyay shacabka deegaanadaas ayaa uga mahad celiyay sida qiiradu ku jirto ee ay usoo dhaweeyeen isagoo madaxweyne ku-xigeenkuna ku dhiiri geliyay ilaalinta amniga iyo xasiloonida “Waxaan halkan aad iyo aad uga mahad celinayaa dadweynaha ku dhaqan degmooyinka kala-baydh iyo gebilay, taageeradaas waan idinka guddoonay maanta waxaan xasuustay waagii uu KULMIYE mucaaridka ahaa aad baan ugu faraxsanahay”ayuu yidhi Madaxweyneku-xigeenka JSL Eng: Saylici.