Gudaha Ka Akhri Tirada Diyaaradahan, Goobta ay Kasoo Duulaan, Ujeeddadooda iyo Cabashada Shacabka
Hargeysa:(Hubaal)-Deegaanka God’aalo ee katirsan Degmada Taleex ee Gobolka Xaysimo, ayaa Lagu arkay Diyaarado Joog hoose ku duulaya oo lagu tuhunsan yahay inay wasaaradda Macdantu Wadato, kuwaas oo maalmihii ugu dambeeyey kusoo noqnoqnayey Deegaankaas.
Sida dadka deegaanku u sheegeen Wargeyska Hubaal, waxa Tirada diyaaradahani dhan yihiin ilaa saddex diyaaradood, waxana ay ka duulaan kuna soo noqdaan Magaalada Burco, halkaas oo ay kusoo celiyaan Macluumaadka ay halkaas kasoo qaadaan.
Dhaqdhaqaaqyada ay diyaaradahani ka wadaan Deegaannadaas, ayaa waxa si gaar ah u wadata Wasaaradda Macdanta iyo tamarta, iyadoo haba yaraatee aad dadka deegaanka waxba lagala socodsiinin.
Dadka deegaanku waxa ay intaas ku dareen in Deegaanadaas la geeyey ciidamo tiro badan, isla-markaana ay deggen tahay shirkad aan si rasmi ah loo aqoonsan oo Wasaradda Macdanta ka amar qaadata, isla-markaana wadata qalab kooban oo si fudud loosoo qaadi karo.
Ma jiro wax warbixin ah oo Wasaaradda Macdantu mashruuca ay halkaas ka wadato ka siisay Dadka Deegaanka, waxana shakiga dadkaasi galay sababay inay Dhawaaq dheer u diraan Madaxweynaha, isla-markaan ay ku wargeliyaan in wax loo qabto, lana socod siiyo tallaabooyinka deegaankooda laga wado, gaar ahaan kuwan haatan ee gaadhay heer diyaarado la geeyo Deegaan aan dadkiisu wacyi gashanayn.
Dadku waxa ay intaas ku dareen in diyaaradahani ugu yaraan Saddexdii maalmood ee ugu dambeeyey kusoo noqnoqanayeen, isla-markaana muddo kooban kadib ay Dib ugu soo noqonayeen Goobta ay ka duulayeen oo Burco ah.
Shirkaddan Wasaaradda Macdantu wadato oo aan weli magaceeda iyo sida ay sida ay u hawlgeli doonto midna la aqoonin, ayaa waxa cabasho xoog leh ka muujinaya Dadka deegaanka oo ku andacoonaya inaan la wargelinin, iyadoo dhinaca kalena ay jiraan Faro-gelin qaawan oo Maamulka Puntland ku hayaan Deegaankaa, iyagoo ku marmarsoonaya Macdan sahaminta la bilaabay ee Aan dadka deegaanka loo gudbin.
Oday waayeel ah oo Deegaanka Taleex kala soo xidhiidhay Wargeyska Hubaal, ayaa wax-qabad la’aan baahsan ka sheegtay xukuumadda, waxana uu si weyn u dhaliilay Hadal uu Wasiirka Macdantu dhawaan Idaacadda BBC-da sheegay oo uu Arrinta Sahaminta Deegaanadaas kaga hadlay,
“Wasiirkii lahaa Dhulkayaga ayaanu sidaanu doono ugu takri falaynaa waxan leeyahay laguuma diidana, laakiin dad aanad wax allah iyo wax aad u qabatay aanay jirin oo Arrimaha aad wadato aanad waxba kala socodsiinini ma ma caawin karaan Arrimahaaga, Hadalka Wasiirku waxa uu Dadka Deegaanka Taleex dib ugu celinayaa Kuwii ay ka yimaadeen. dadkuna waxa ay xaq u leeyihiin inay ogaadaan Dhaqdhaqaaqyada deegaankooda ka socda, laakiin Diyaarado iska duulaya oo Dadka iyo xoolahaba argagax gelinaya inaad meel iskaga dirtaa caqliga wax gala ma ah, Toddobadii Sanadood ee ugu dambeeyey Ciidan mooyaane wax kale oo aanu Somaliland ka aragnay ma jirtee waxqabad baanu u baahanahay.” Ayuu yidhi Oday ku nool deegaanka Taleex oo Khadka telefoonka Nagula soo xidhiidhay.
Diyaaradaha Wasiirka Macdantu Deegaanka God’aalo u diray, ayaa sida dadka deegaanku sheegayaan khal-khal geliyey Duunyada iyo dadka xoolo dhaqatada ah ee Halkaasi ku nool, waxana waxgaradaka Deegaanku Wasaaradda Macdanta ka codsadeen inay Doorka Dadkaas Muujiso oo aanay Iska indho tirin.
Dhinaca Kale wasaaradda Macdanta iyo Tamarta Somaliland oo la hubo inay dhaqdhaqaaqyada Deegaankaas diyaaraduhu ka wadaan hoggaaminayso, ayaa u muuqata mid aan dheg jalaq u siinaynin dhawaaqyada dadka deegaankaas, iyadoo ay xusid mudan tahay in Horraantii sanadkii 2014-kii Shirkaddii Genal Energy oo sahamin ballaadhan ka wadday Goobo Somaliland ahi dalka uga baxday Maamul-xumo dhinaca Wasiirka Macdanta ah, kadib markii ay Dadka Deegaanaddi shirkaddu ku sugnayd iyo shirkaddu isku baxsadeen, isla-markaana Ammaan-darro badani halkaasi ka dhalatay.
Wasiirka Macdanta Xuseen Gurey oo aanu isku daynay inaanu arrintan wax ka weydiino ayaanay noo suurtogelin kadib markii uu ka jawaabi waayey Telefoonkiisa gacanta oo aanu garaacnay.