‘Shacbka Somaliland Cidna Marti Ugama Aha Xaqa Go’aan Ka Gaadhista Aayahooda’ – Madaxweyne Siilaanyo oo sheegay in Somaliland tahay dal xor ah oo aan ka mid ahayn Soomaaliya

0
29

 

Hargeysa (Hubaal)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa caddeeyey in shacabka Somaliland aanay cidna marti uga ahayn go’aan ka gaadhista aayahooda mustaqbal iyo madaxbannaanida ay haystaan.

 

Warsaxaafadeed ka soo baxay madaxtooyada, ayaa lagu sheegay in madaxweyne Siilaanyo shacabka reer Somaliland ku hambalyeeyey munaasibadda sannad-guuradda 54aad ee ka soo wareegtay markii madaxbannaanida laga qaatay Boqortooyada Ingiriiska 26 June 1960-kii.

 

“Shacbka Somaliland cidna marti ugama aha xaqa  go’aan ka gaadhista aayahooda, dedaalka ay  ku xaqiijinayaan qarannimadooduna  waa tii ay ku soo dhiseen  nabadgelyadda, nidaamkooda dawladnimo, kaasoo ay saldhig adag ay u  tahay  nidaam  dastuur ah oo  waajibinaya  jidhka dawladnimada loo marayo oo ah   nidaam dimuqaraadi ah,” ayuu yidhi madaxweyne Siilaanyo.

 

Waxa kaloo madaxweynuhu tilmaamay gobonimadii dadka reer Somaliland ay heleen sannadkii 1960-kii ay noqon wayday wixii laga filayay, isla markaana ay marin habawday., wanaaga iyo jacaylkii shacabka Somaliland u qabeen walalahooda Soomaaliya loogu beddelay dhibaatooyin iyo burbur gayeysiiyay, aakhirkiina keenay in dalkooda gabi ahaanba ay dibadda uga baxaan, kana qaxaan   caddaadiskii, dilkii iyo dhacii lagu hayay darteed.

 Madaxweyne-Siilaanyo1

Sida warsaxaafadeedka lagu sheegay, waxa kaloo madaxweynuhu xusay in khaladkii siyaasadeed ee reer Somaliland galeen sannadkii 1960-kii markii ay xoriyadda ka qaateen Boqortooyada Ingiriiska dib loo saxay 18 May 1991-kii, waxaannu yidhi; “Khaladkaas  dhacay sannadkii 1960-kii, waxa dib loo saxay  1991-kii  markaasoo guddoon lagu gaadhay  qarannimada Somaliland inay gaarkeeda ahaato,  lana abuuro  dawladnimo  dadkeeda u dhigta  mustaqbal  iyo aayatiin wacan, waxayna dawladda Somaliland iyo shacabkeeduba u quus goynayaan  kuwa quudaraynaya wixii la odhan jiray Somaaliweyn, weligeedna dhici mayso in shacabka Somaliland dib uga laabtaan go’aankooda ay ku gaadheen inay madaxbannaanaadaan.”

 

Waxa madaxweyne Siilaanyo shacabka ugu baaqay inay feejignaan dheeraad ah u yeeshaan adkaynta nabadgelyadooda iyo difaaca qarankooda Jamhuuriyadda Somaliland, isagoo shacabka Jamhuuriyadda Somaliland meel kasta oo ay joogaan ku hambalyeeyey munaasibadda 26-ka June.

 

Dhinaca kale, madaxweynaha Somaliland oo hadal ka jeediyey xaflad lagu xusayey munaasibadda 26-ka June oo qasriga madaxtooyada ka dhacday xalay, ayaa sheegay in Somaliland tahay dal xor ah oo aan ka mid ahayn Soomaaliya.

 

“Walaalayaga Soomaaliya waxay inta badan yidhaahdaan, ama noogu yeedhaan in aannu ka mid nahay Soomaaliya, isla markaanna Soomaaliya tahay mid qudha. Waxaannu leenahay Somaliland maaha dal ka mid ah Soomaaliya, waana dal xor ah oo aan ku jirin Soomaaliya,” ayuu yidhi madaxweyne Siilaanyo.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here