Shakhsi Qaran Inta Uu Ifka Joogo Mas’uuliyaddiisa Waxa Damaanad-qaaday Qaranka!!! W/Q: Aqoonyahan Maxamed Cali Bile

0
34

1998 waxan la shaqeyn jirey fanaaniin iyo abwaano diyaariya barnaamijyo dadweynaha lagu dhiirigelinayo iney caruurta kula dedaalaan tacliinta. Galabtii ayey fanaaniintu isugu iman jirney gurigeyga Hargeisa si loo baroobeeyo heesaha barnaamijka. Fiidkiina waxa fanaaniinta la siin jirey woxoogaa guno ah oo hey’adda UNICEF bixiso.

Habeen habeenada ka mida ayay fanaanadda Sahra Axmed igu tidhi “manta fanaaniinta gunadooda qofkiiba $5 doolar ka goo, waanu ku heshiinee. Markaan lacagtii laga jaray ururiney ayaan Sahra isasoo raacney. Waxay I geysey guri u dhow jeelka Hargeisa oo ay jiifto fanaanaddii Shamis Abokor “Guduudo Carwo”. Makhsin aqalkii ka mida ayaan galney oo ay Guduudo sariir ku jiifto. Intey Sahri salaantey ayay anigana iskaaya bartey.

Maxamed Cali BileLacagtii ayay u dhiibtey oo ay tidhi fanaaniintaa manta intan kuu soo direy. Guduudo wey duceysey, gaar ahaan Sahra Ahmed ayay u sii duceysey oo ay tidhi aad ayay iiga warheysaa, maadama aan halkaa jiifo oo aanan ka kici Karin. Markaan soo baxney ayay Sahra Ahmed igu tidhi, “Guduudo Ilaahey cimrigeeda ha dheereeyee, haddii ay caawa teedii noqoto, maxaad u maleyn?. Hargeisa iyo Boorama iyo Burco waa laga soo gurman, aas qaran ayaa loo dhigi, baroor diiq ayaa idaacadaha iyo TV ga laga sii deyn. Balse manta, qofkaa 50 sanadood qaranka u soo halgamey cidi kama warheyso. Gurigaa ay iminka jiiftana waxa leh inan ay eddo u tahay”. Maalin kasta oo an maqlo marxuum ayaa aas qaran loo sameeyey, waxa madaxeyga ku soo dhaca sheekada habeenkaa an la kulmey. Qof 50 sanadood qaranka u soo shaqeynayey ayaa maalinta uu u baahdo qarankii aan cidi isasoo barbar taageyn.

2 sanadood ka hor ayaan la kulmey mid ka mid ah abwaaniinta dalka kuwa uugu magaca weyn. Wuxu fadhiyey xafiis ganacsi oo Hargeisa ah oo uu ku sugayey ganacsadihii oo uu islaha wax weydiiso. Wuxu igu yidhi inankeygii ayaa dal shisheeye budhcad ku qafaalatey. Waxa la iga rabaa $1,500 si loo sii daayo. 2 biloodba waan warwareegayey oo lacagtaasaan ururinaya, balse weli wax badan ayaa iga dhiman. Ninkii sheekeysaney, qaadhaankiina waxbaan ku darsadey, waxaanan weydiiyey, qolyahan dawladda ma u tagtey, ileyn waxad tahay nin loo soo joogsanayo oo haddii ad arinkan u sharaxdo laga yaabee iney wax kaala qabtaane. Intu qosley ayuu yidhi “Waar anagu Qaranka aakhiro ayaanu ka tissanahay”. Wuxu raaciyey, “ina calow haddii aad iga danbeyso waad arki sida qaranka aakhiro la iigu calkeema saaro”. Maalintaasaa taariikhdeyda meel kasta laga sii deyn, maantana inankeygii oo labaatan jir ah ayaa maafyo ku heysata dal shisheeye oo loo dilayaa $1,500, Hargeysa ayaan dhex taaganahay oo an qarankii an waxba ka la’ahay.

Dadka qaran wey badanyihiin, balse waxa an tusaalaha fanaaniinta u soo qaatey, waa kuwa u jilicsan marka ay timaado daryeelka naftooda. Fanaaniintu waa shamac ay dadka kale iftiinsadaan oo marka danbena dhamaada. Maaha dad ay meel wax u yaalaan, gaar ahaan kuwii waaweynaa ee gobanimada iyo halgankaba ka soo qeyb qaatey. Xuquuq ayey qaranka ku leeyihiin oo ay umadda ku leeyihiin, waana waajib in xuquuqdooda loo aqoonsado oo wax lagu taro inta ay noolyihiin.

Allaa Mahad Leh

Maxamed Cali Bile

https://www.facebook.com/dhafta

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here