Noloshii Sirta Ahayd Ee Mullaha Cumar
Taariikhda Hoggaamiyihii Hal-xidhaalaha Ku Noqday reer Galbeedka ee Madaxiisa La Dul Dhigay Lacagta Adag
Q: 1aad W/Q: Ibraahim Kh. Siciid
Waqtiba waqtiga ka dambeeya waxa la sheegaya geerida hoggaamiye ka aragti duwan inta badan ee adduunka, gaar ahaan reer galbeedka iyo inta ay cagaha ku wataan. Hoggaamiyihii Al Qaacida ee Osama Bin Laden baa Maraykan dhimashadiisa ku mano sheegtay, hoggaamiyihii Al Shabaab Axmed Cabdi Godana la sheegay in gandaal Maraykan leeyahay sahayday, haddana Taalibaan hoggaamiyayeedii ‘Mullah Maxamed Cumar’ baa lagu andacoonaya inuu laba ilaa saddex sanno ka hor naftu ka dhacday.
Inkastoo warar aan si toos ah loo xaqiijin oo warbaahinta caalamku daabacday warbixino tilmamaaya in Mullah Maxamed Maxamed Cumar uu geeriyooday laba ilaa saddex sanno ka hor, kadib markii April 4 kooxda Taalibaan daabacday taariikh-nololeedka hoggaamiyahooda oo ay si farshaxinnimo leh u diyaariyeen, haddana waxa jira dad ku doodaya in ilaa inta la ansixinaayo dhimashadiisa uu yahay hoggaamiyaha dhabta ah ee Taalibaan, halka Afganistan laf ahaanteedu sheegtay in ay baadhayso wararka sheegaaya dhimashadiisa. Haddaba, waxa aynu si kooban oo ururis ah uga hadli doona taariikhda dhabta ah ee hoggaamiyaha Taaliban, gaar ahaan noloshiisii sirta ahayd ee muddada 20 sanno ku dhaw lagu baadi goobaayey lacagta aadka u badan (10 milyan oo doollar) geeri iyo nolol iyo sida uu u hoggaamin jiray Taalibaan.
Sooyaalka Qoys ahaaneed iyo Barbaarinta Mulla Maxamed Cumar
Mulla Maxamed Cumar waxa uu asal ahaan ka soo jeeda qoys caan ku ah culima’udiin diinta islaamka ku xeel-dheer. Qoyskiisu waxa ay ka mid ahaayeen dadka caan ku ah barashada iyo barista diinta Islaamka. Magaciisa oo dhammaystiran (Abtirsin) waxa ay tahay Maxamed Cumar Mujahid bin Mualwi Ghulam Nabi Akhwand bin Mulla Maxamed Rasool Akhwand bin Mulla Maxamed Ayaz Akhwand. Waxa uu ka soo jeeda jilib aad uga caan ah qabiilka la yidhaa Hootak oo degaan ahaan dega magaalada Kandahar, waxay degaankan ku noolaayeen boqolaal sannadood sida taariikhdu xusto. Mulla Maxamed Cumar waxa uu sannadkii 1960kii (1339 AH) badhtankiisii ku dhashay tuulada Noori oo ku taal Gobolka Kandahar. Kandahar asal ahaan waxa loo yaqaanay in ay tahay caasimada Indo- Subcontinent (Gobollada koonfureed ee Qaarada Eeshiya), gaar ahaan markii uu maamulaayey Afganistan hoggaamiyihii la odhan jiray Axmed Shah Abdali. Aabbaha dhalay hoggaamiyaah Taaliban oo la ydihaa Maulwai GhulamNabi waxa uu ahaa sheekh diinta aad u yaqaan, waxaannu Imaam ka ahaa masaajid ku yaala tuulada Noori, halka qayb ka mid ah eheliyadiisa amma tafiirtiisa laga helo Gobolka Zabul, gaa rahaan degaannada Shakay iyo Beirtu, iyadoo ilaa maanta deegannadaas aad looga xusuusto awoowayaasha qoyskani ka unkamay. Qoyska Mulla Cumar waxa uu fac ka fac, jiil ka jiil u soo gudbiyeen barista diinta islaamka, iyagoo adeegyo badan iyo faa’iidooyin aad u tiro badan soo gaadhsiiyey MuslimiintaAfganistan qarniyadii kala dambeeyey ee qoyskan aadmoodaysay in diintaba ay dhaxal isugu gudbinaayeen, gaar ahaan gobollada Kandahar, Zabul iyo Uruzgan waa goobaha aadka looga yaqaan, ilaa haddana laga ixtiraamo. Dadka reerAfganistanwaxa ay la tashan jireen cuqaasha qoyskan, iyagoo si gaar ah ugala tashan jiray arrimaha diiniga ah, dhaqaalaha amma arrimaha bulsho ee u baahan talada gaarkaah in laga go’aamiyo. Waxa uu Mullah Maxamed Cumar, inkastoo Taalibaan ugu darto ‘Mujahid’, waxa uu tacliintiisa aasaasiga ah ku qaatay tuulada degaanka Khakre oo isla Kandahar ka mid ah, gaar ahaan waxa uu bartay diinta islaamka, maadaama uu ka soo jeeday qoys dhaqan u leh diinta, deegaannada ku xeeran oo dhanamac-hidka ka dhisan aahyeen qaar diinta islamka lagu barto. Muddo laba sanno ah kadib, markii Mullah Maxamed Cumar dhashay, aabbhiii waxa uu u haajiray oo ka tegay tuuladii uu degenaa ee Khakrez, waxaannu tegay tuulo la yidhaa Noday oo ka mid ah degmada Dand ee isla Gobolka Kandahar, halkaasnawaxa uu degenaa ilaa intuu ka geeriyoonaayey,walibawaxa uu ka ahaa daaci iyomacallin dadka degaanka bara diinta islaamka. Mullah aabbihii waxa uu geeriyooday 1965 (1344 AH), waxaana lagu aasay xabaal aad caan u ah oo Kandahar ku taal. Kadib, markii uu aabbihii adduunka ka tegay ee uu 5 jir gaadhay, waxa uu qoyskoodu u guuray magaalo kale oo la yidhaa Deh-Rawud oo ka tirsan Gobolka Uruzgan, halkaas oo uu ka bilaabay hayaanka noloshiisa, isla markaana ay gacanta ku hayeen labo nin oo adeer u ah oo kala ah Moulavi Maxamed Anwr iyo Moulavi Maxamed Jumma. Waxa uu 8 jirkiisii dugsiga hoose ka bilaabay Malcaamad lagu barto shareecada (Madarrasa Shar-i- Kohna), waxa malcaamadaas kormeeri jiray adeerradii Moulavi Maxamed Jumma, isla tacliinta bilawga ahna adeerkiiba u bilaabay. Labada nin ee sida weyn ugu soo tacbay, gaar ahaan Moulavi Maxamed Anwar waxa uu door muhiim ah ku lahaa wax baristiisa iyo tababaridiisa nololeed. Nasiib wanaag waxa uu tacliintiisa hoose iyo tacliinta dhexeba ka dhammaystay madarasadaas uu ku bilaabay aqoonta diiniga ah ee aasaasiga, markii uu 18 jir ahaana waxa uu u holaday barashada aqoonta sare ee diiniga ah oo isla gobolkaas uun ku dhiganaayey, balse muu dhammaystirin, sababo la xidhiidha afgambi shuucigii Ruushku hor kacayey oo 1978 ka dhacay Afganistan. Tafiirta uu ka soo jeedo Cumar waxa lagu xasuusta in ay aad ugu badnaayeen dadka xorriyada iyo arrimaha diinta u dagaalmay, tusaale ahaan Haji Mirwais Khan Hotak oo waa aasaasaha Afganistan, haddii si kale aan idhaa waxa uu caan ku ahaa magaca Mirwais Nika, wuxuu Afganistan ka xorreeyey boqortooyadii kaligeed taliska ahayd ee Safavid oo 1712 AD dalkaas ka talinaysay, kadibna waxa uu sabab u noqday in qaran madaxbannaan oo islaami ah la bud-dhigo. Maadaama uu ka dhashay qoys dhaqan ahaan iyo diin ahaan dhisan waxa uu noqday nin aragtiyihiisu aad ugu qotomaan diinta islaamka, inta badana aad u dhiiran, kuna dhiirada khatarta iyo inuu ka biyo diido waxyaabaha aragti ahaan uu ka soo horjeedo. Xubno badan oo qoyskooda ka mid ah waxa ay naftooda ku waayeen dagaal ay u galeen diinta islaam ka, tusaale ahaan adeerkii Maxamed Hanafia waxa uu ahaa qofkii ugu horreeyey ee qoyskooda u dhinta weeraro Maraykanku soo qaadeen 7 October 2001kii.
Jidkii Aragtida Jihaadka
Waxa uu Mullah ku jiray horraantii 20aadka, markii uu ka biyo-diiday in Hantiwadaagu amma Shuuciyadu maamusho Afganistan, gaar ahaan afgambigii dhiiggu ku daatay ee (coup d’éta). Waqtigaas waxa uu ahaa waqti aad u adag oo qof arday ah uu dagaal la bilaabo Shuuciyadii aan Ilaahay aaminsanayn (athies) ee arxanka darnay, bartilmaameedsanaysayna culimada, aqoonyahanka, ardayda iyo indheergaradka Islaamka vAfgaanistaan. Asbaabahaas dartood waxa Mullah Maxamed Cumar go’aan uu ku gaadhay inuu tacliinta sare halkaas kaga hadho, kadibna uu ka tego mac-hadka waxbarashada, halkaas ka bilaabo dagaal uu Shuuciyada la galo. Darriiqa dagaalka waxa uu ka bilaabay ururkii Dhaqdhaqaaqa Kacdoonka Islaamiga ah ee caanka ahaa ee la odhan jiray “Xarakat-i-inqilaab-i-Islam (Islamic Revolutionary Movement), kaasoo ka unkaay degaanka Deh-Rawud oo ka tirsanayd Gobolka Uruzgan. Markii uu muddo waqtigiisa ka mid ah degaankan ka dagaalamaayey, waxa uu ixtiraam ku kasbaday dagaalka iyo geesinimada uu kala horjeeday Shuuciyada Hantiwadaaga ah, maadaama uu dagaallo iyo hawlgallo millateri oo uu qaaday ku guulaystay, waxa uu hoggaamiye u noqday kooxo millatri oo ka dagaalama Deh-Rawud, kuwaasoo dhaawacyo aad u darran soo gaadhsiin jiray ciidammada ka soo horjeeday, xataa Mullah mararka qaar dhaawacyo culus baa weerarada ay qaadi jireen ka soo gaadhay. Waxa uu dagaallo badan la galay muddo saddex sannadood ka badan, isaga oo ay weheliyeen dagaalyahanno Afganistaniyiiin ah, Ruushka soo galay dhulkooda iyo waliba kooxo maxali ah oo caawinaayey .
Dagaalyahannada uu ka barbar dagaalami jiray waxa ay u yaqaaneen ‘Mujahid’ waliba waxa ay aad ula dhacsanaayeen isagoo aad u yar kartidiisa, masuuliyadiisa iyo shaqo adaygiisa, gaar ahaan awooddiisu aad bay u xoogganayn, manuu daali jirin. Dagaallada iyo halganka si uu u sii ballaadhiyo waxa uu 1983kii u gudbay degaanka Maiwand oo Kandahar ka mid ah, waxaana la socday dagaalyahannadii ugu geesisana millaterigiisa, halkaasna waxa ay ka sii wadeen halgankay Ruushka kaga soo horjeedeen iyo waliba dagaalyahannadii kale. Waxa ay amarka ka qadanaayeen Mullah Cumar iyo asaxaabtiisu hoggaamiyahoodii caanka ahaa Faizullah Akhunzada oo isagu aasaasay Xarakada Islamiga ah oo waqtigaas ka mid ahay toddobada urur ee islamiga ah ee ugu awoodda badnaa. Markii la arkay hawlkarnimadiisa, xilkasnimadiisa, xeeladiisa millateri iyo geesinimada ku dheehan aawadeed ayaa hoggaamiye looga dhigay garabka jiida hore ee millateriga ka dagaalamaaya oo uu hoggaaminaayey markii dambe Moulavi Maxamed Nabi Maxamed. Laga bilaabo 1983kii ilaa 1991kii waxa uu Mullah Maxamed Cumar fuliyey hawlgallo uu ku guulaystay oo ka dhacay degaannada Maiwand, Zhari, Panjwia iyo Dand oo ka tirsana Gobolka Kandahar oo ahaa xarunta dagaalyahannadan dagaallada ka qaadi jireen. Dagaallada caanka ah ee uu ku qalay darriiqyada Shar-isafa iyoi qalat oo ka mid ah Gobollada Kandahar iyo Zabul, hubka uu aadka u door-bidi jiray ee uu ku dagaallami jiray waxa uu ahaa qoriga noociisu yahay the ‘RPG-7’ oo loo yaqaan (Rocket) amma hoobbiye oo inta badan dagaalyahannada Afganistan ugu yeedhi jireen, aadna khabiir buu ugu ahaa isticmaalka hubkan.
Meelaha caanka ah ee uu ku jebiyey Hantiwadaagii Ruushka waxa ka mid ahaa degaannada Maiwand, Zhari iyo Panjawia oo ka mid ah Gobolka Kandahar, taasina waxay keentay in Ruushku iska laabto dhulkaas, sababtoo ah hub aad u ballaadhan iyo ciidan aad u tiro badan baa kaga baaba’ay Kandahar. Mullah Waxa uu dagaalladaas ku dhaawacmay afar jeer oo dagaalyahannada uu ka tirsana dagaal weji ka weji ah iskaga horyimaaden Ruushka; dagaalladaas mid ka mid ah waa kuwa uu isha ku waayey (ku cawarmay). Markay taariikhdu ahayd 1992 ee ay burburay dawladdii Hantiwadaaga ahayd ee Najeeb hoggaaminaayey, isla markaana dalka oo dhan dagaallo ku baaheen, waxa xal noqotay in hubka la dhigo, kadibna la aasaaso goobo waxbaarasho, gaar ahaan Diinta lagu barto, waxaannu Mullah Maxamed Cumar asaasay xarumo diinta lagu barto oo degaannada Kandahar ah, laf ahaantiisuna waxa uu halkaas ka sii watay aqoontii uu dagaallada dartood u hakiyey. Wixii intaa ka dambeeyey waxa dhacay mashaqooyin aan la filanayn, sababtoo ah Afganistan waxa ay isu beddeshay goob dagaal oogayaal ka dilacaan, gaar ahaan caasimada Kabul, kuwaasoo ka dhashay dagaalkii Ruushka lagula jiray, arrintaasina waxay carqalad gelisay dalka oo dhan iyo dadka ku nool oo dhibaatooyin soo asiibeen.
Aasaasidii Isu-taga Islaamka ee Taaliban (Islamic Emirate)
Awooddii dagaalyahannada uu hoggaaminaayey way liicday, dagaallada ay soo galeen aawadood, waxa siyaasad hoose la ciyaaray hoggaamiyayaal caawinaayey Ruushka Hantiwadaaga ah, taasina waxay keentay in dhulka Afganistan noqdo degaammo kooxiba in ka taliso, sharciguna aannu ka shaqayn, dadka tabaalaysan iyo shicibkana khatar naftoodu gasho, dadka aan awoodda lahayn lagu baabiiyo. Isbaarooyin la dhigto meel kasta, afkaaro iyo hanti la isku dilo, cidina aanay cid u naxariisan, khayraadkana ninkii awood badan munaafacaadsado, taasina waxa noqotay midhii halgankii Ruushka lala galay ka dhashay. Mullah Maxamed Cumar iyo asaxaabtiisu waxa ay ka talinaayeen degaanka Maiwand ee Gobolka Kandahar, waxaanay markhaati ka ahayeen dhibaatooyinkaas ka dhacaya degaannada Afganistan, qof kastana waxa uu hantida uu doonaayo inuu meel u gudbiyo ka gudbin jiray darriiqyo qarsoon oo dhibaatooyin badan ay kala kulmi jireen shacabku. Sidaa darteed, waxa Mullah iyo dagaalyahannadii la soo dagaalamay qasab ku noqotay in ay dib isu abaabulaan quwad ay u arayeen in ay Afganistan u badbaadays, waxa ay shirkoodii ugu horreeyey ku qabsadeen degaanka Zangawat oo ka mid ah magaalada Panjawai ee Gobolka Kandahar, inta badan waa degaan culima’udiinka caan ku ah. Waxa halkaas isugu yimi culimo uu hoggaaminayey Moulavi Said Maxamed oo caan ku ahaa Moulavi ‘Pasania Sahib’ oo ahaa dhexdhexaadiyihii Guud ee dagaalyahannada waqtigii halganka lagula jiray Ruushka, waxa go’aan lagu gaadhay in qab-qablayaasha dagaal ee dilaacay laga takhaluso. Waxa halkaas ka bilaabmay dagaalkii uu la galay kooxihii gudaha ka dilaacay. Iska hor imaadadaas waxa ay bilaabmen amma bilaw noqdeen bilaabmay 15 Muxarim 1415
Hijriya amma 24 amma 25 June 1994kii.
Markiiba waxa ay gacanta ku qabteen Gobolka Kandahar, aakhirkii waxa ay u gudbeen degaanno kale oo Afganistan ah, kadib markii dhammaan degaannada Afganistan gacanta u soo galeen dhaqdhaqaaqii Taaliban, kadib waxa qasab noqotay in kulan kale culimadu qabanqaabiso si loo doorto hoggaan cusub oo Afganistan ka taliya. Shirkaas waxa uu 15 Dul Qacida 1416 Hijriya amma 4 April 1996 ka dhacay Kandahar, waxaana isugu yimi 1,500 culima’udiin. Waxa ay halkaas ku ansixiyeen in Mullah Maxamed Cumar uu noqdo hoggaamiyaha Muuminiinta. Sidoo kale, 27 September 1966 (6 Libra 1375 AH) ayaa Kabul oo ah caasimada Afganistan gacanta u soo gashay Mullah Cumar iyo dagaalyahannadiisa, kadibna waxa ay awood u heleen Taalibaan in ay maamulaan 95% dhulka Afganistan ah oo badhtanka iyo waqooyiga ah. Afganistan waxa lagu soo rogay in shareecada islamka lagu maamulaayo, waxaanay dadkii ku qasbanaadeen in ay hubka wada dhigaan, balse waxa caalamku u arkay in ay khatar ku tahay Taalibaan, maadama ay shareecada dabakhday, iyadoo loogu soo marmarsooday in ay hoy u noqotay argagixiso nabada caalamka khatar ku haysa.
Shakhsiyada hoggaamineed ee Mullah Maxamed Cumar
Dadka la shaqeeyey marka ay tilmamayaan amma sida lagu sheegay warbixinta Taalibaan ka diyaarisay taariikh nololeedkiisa waxa uu Mullah Maxamed Cumar ahaa nin kasbada dadka uu hoggaamiyo, ma uu jeclayn in uu hoggaamiyayaasha la kulmo, inuu qarsoonaado ayuu aad u jeclaa. Hadal ahaan waa nin aad u aamusan oo jecel inuu hadlo marka ay daruuri tahay, aminta uu hadlana kelmadaha uu adeegsada qofka dhegaysta si fiican bay u deeqaan, waana qaar soo jiidasho iyo xikmad leh. Tusaale ahaa, markii ugu horraysay ee Maraykanku iyo xulafadiisu weeraray Afganistan, waxa xulafadu adeegsadeen dacaayado iyo borobagaando laga fidinaayey Taalibaan, halka uu laf ahaantiisu dadkiisa si kalsooni le hula hadli jiray. “Allaha awood leh xaggiisa, Maraykanka iyo qudhaanjo yar toona, farqi ah uma samaynayaan. Maraykanka iyo xulafadiisa waa in ay si taxadir leh u dhegaystaa Khaliifada Islamka, maaha sidii maamulkii hore ee boqrtooyadu madaxda ka ahayeen ee dalka ay uga qaxeen; sida ku dhacday boqor Zahir Shah oo ahaa boqorkii hore ee Afganistan ee magangelyada Rome u doontay. Askartaydu isuma kiin dhiibayaan. Waa inaad xasuusnataan in ay jiraan dagaalyahanno jiida hore ah, haddii caasimada amma magaalooyin kale oo dalka ah gacantiina soo galaan, dawladda islamka ah may burburin, intii aan is dhiibi lahayn, Mujaahidiintayadu waxa ay ku fidayaan dalka, buurahaanay galayaan, maxaad samayn doontaan dabadeed? Shaki kuma jiro, in la idin qabanaayo, kadibna la idin laynaayo sida Ruushka ku dhacday oo kale,” ayaa ka mid ahaa khudbadaha uu jeediyey markii Maraykanka iyo xulafadiisu weerarka ku soo qadeen. Muddo 13 sannadood ku dhaw oo uu dagaal kula jiray Maraykanka iyo Xulafadiisa may arag wejigiisa umanay dhawaan, mar kasta oo ay weerar ku qadan goobaha loogu tilmaamana gacan madhan bay kala soo noqonaayeen.
Waxa uu aad u jecla nolosha rafka ah iyo inuu is-dhuldhigo, degenaantana aad buu u jecelaa, dhiirigelin iyo yididiiladana aad buu ugu dheereeya, xataa waqtiyada adag ee guul darrooyinku soo wajahaan kama muuqdaan wejigiisa waa sida ay ku sifeeyaan asaxaabtiisa ka ag dhawayd. Sidoo kale, waxa shakhsiyadiisa lagu sifeeyey; inta badan dadka ka aqoonta badan ee culimada ah lama murmo, sharafta iyo karaamada dadka la dhaqan wuu dhawra, xagga la dhaqankana ku fiican, aamin ah oo aan siraha iyo waxyaabaha u qarsoon si fudud looga soo saaran, taasina waa sababta u saamaxday inuu Taaliban hoggamiyo. Aalaba waxa uu aad u difaaca Falastiin, gaar ahaan masaajidka Al-Aqsa iyo islaamak kale ee
dhibaataysan, gaar ahaan Yuhuuda iyo reer galbeedka wuxuu ka taagan yahay meel adag sida lagu qoray warbixinta Taalibaan bishii April ka soo saartay taariikhdiisa.
Aragtida Diiniga ah ee uu Aaminsana
Mullah Maxamed Cumar waxa uu ahaa Sunni (Ahl-i-sunna Wal Jamma’a), aadna waxa uu u ayidsana Quranka, Suna Nebiga (N NKHA), iyo ijmaaca culimada. Mad-hab ahaan waxa uu haystay Xanafiga. aMa uu aaminsanayn in Muslimiintu kala qaybsan yihiin, midawga islaamnida iyo in dawlad Muslim an oo Khaliifo laga dambeeyo leh buu ku taagna sida ku xusan taariikh nololeedka Taalibaan ka diyaarisay hoggaamiyahooda. Laakiin, reer galbeedka iyo inta taageersan waxa ay u rumaysan yihiin inuu yahay qof nabadda adduunka khatar ku ah, argagixiso ah, mushkilad iyo carqalad ku ah bani’adaminimada, taas macnaheeduna waxay tahay in shakhsiyadiisa la isku khilaafsana. Shakhsi ahaan maaha qof akawn xisaabeed bangiyada caalamka ku leh, halka Qaramada Midoobay 1999 cunaqabatayn iyo xayiraad ku soo rogeen hoggaamiyayaasha Taalibaan, gaar ahaan hantidooda, isaga wax ka xayiran ma jiro, sababtoo ah akawn iyo hanta laga xayiro toona lama garayn, wejigiisaba cid si fiican u xasuusan karta amma saxaysa ma jirto. Weeraro xulafada reer galbeedku ku qaaday aawadeed waxa u geeriyooday xubno qoyskiisa ka mid ah iyo waliba halkii uu ku noola, taasina waxay keentay in hoggaamiyayaasha Taalibaan hoy looga dhiso waqooyiga galbeed ee Kandahar, gaar ahaan meel u dhaw buuraha ‘Baba Sahib’ oo ah goob ammaan ah oo aan si fudud lagu weerari karin. Markii uu la wareegay Taalibaan maamulkeeda 24 June 1994kii, waxa uu aasaasay ciidan xooggan iyo hay’addo kala duwan, kuwaasoo ka koobna guddiyo kala gedisan oo si adag u adeega, tusaale ahaan; waxa uu magacaabay badhasaabo maamula 34 gobol oo Afganistan ah, guddiyada uu sameeyey waxa ka mid ahaa sida warbixinta taariikh nololeedkiisa ka warramaysa ee Taalibaan warbaahnta ku faafisay lagu qoray;
Guddida Waxbarashada iyo Tababarka
Guddida Arrimaah Siyaasadda
Guddida Dhaqanka
Guddida Dhaqaalaha
Guddida Caafimaadka
Guddida Ilaalinta midnimada
Guddida Arrimaha Maxaabiista
Guddida Ururrada (NGOs)
Waaxda Ilaalinta Dhawacyada Madaniga
Waaxda Mujaahidiinta iyo Dadka Laxaadka la’
Waaxda Ururinta iyo Isku Dubaridka Dakhliyada Gaarka ah.
Is-qarintii Mullah Maxamed Cumar
Hoggaamiyihii Al Qaacida ee Osama Bin Laden waxa uu Afganistan tegay waqtigii Ruushka lala dagalamaayey, halka 1998 ay Taalibaan ka faa’iidaysatay Bin Laden inuu dhaqaale u keeno, muddo yar kadibna la qariyey safaarado Maraykanku ku lahaa bariga Afrika, taasina ay keentay in Maraykanku weeraro Afganistay 1998kii. Kadib, weeraradii 9/11 September, Kandahar waxa ay gacanta u gashay Maraykanka iyo xulafadiisa, taasina waxay keentay in Cumar baxsado, ilaa maanta oo la sheegaayo inuu dhintayna meel uu jaan iyo cidhib dhigay lama oga, dadka qaar waxa ay sheegaan inuu ku nool yahay Bakistan meelo ka mid ah, sababtoo ah Taaliban waxa ay hoggaamiyayaasheedu galeen Bakistan buuraheeda, wixii intaa ka dambeeyeyna Cumar si toos ah looma arag. Al Qaacida laf ahaanteedu waxa ay aad uga dambaysa Mullah Cumar, sababtoo ah 2014 hoggaamiayaha cusub ee shabakadu Ayman Zawarihi waxa uu sheegay inuu wali daacad u yahay Cumar. Inkastoo dhawr jeer la sheegay in hoggaamiyaah Taalibaan dhintay, haddana doodaha taagan ayaa ah:
Haddii Mullah Dhimashadiisu run tahay awoodda Taalibaan miyaanay daciifteen oo hawlgalada ay
Afganitan ka fuliyaan soo afjarmeen.
Haddii uu nool yahayna miyaanay jiritaanka awoodda dawladda Afganistan diciiften.
Hadduu nool yahay maxa hadal looga waayey ee uu dhiirigelin u siin waayey dagaalyahannada
daacada u ah?
Geeridiisa aawadeed maxa hoggaamiye loo dooran waayey Taalibaan majaraha u qabta?
W/Q: Ibraahim Khadar Siciid
ibraahimkhs@hotmail.com