Shaki Ka Dhashay Safar Madaxda WADDANI Ku Joogaan Djibouti Iyo Shirar Maalgashiga Berbera Lagu Diiddan Yahay Oo Ay Ku Lug Yeesheen

0
66

Cirro Iyo Xirsi Oo Safarro Lagu Xagal-daacinayo Djobouti Ugu Noqnoqanaya Iyo Shirar Maalgashiga Ka Dhan ah Oo Ay Ka Xaadireen

Djibouti Iyo WADDANO Oo Ku Midoobay In La Mijo-xaabiyo Maalgelinta Berbera iyo Dadweynaha Oo Guntaday Dabo-martaynta Reer WADDANI Kaga Muquurteen Qaadhaan-ururinta Socotasafarka cirro

Djibouti:(Hubaal)-Waxa isa soo taraya shakiga laga muujinayo safar qarsoodi ah oo xubnaha ugu sarreeya xisbiga WADDANI ku joogaan dalka Djibouti, iyada oo ay soo baxayaan warar is khilaafsan oo ku saabsan sababta ay xubnahani waqtigan xaasaasiga ah dhuumashada ugu aadeen dalkaas.

Xogo hoose oo uu helayo wargeyska Hubaal, ayaa sheegaya in ujeeddada ay saraakiisha WADDANI ugu baxeen Dibouti, iyada oo xogta ugu weyni sheegayaan in guddoomiye Cirro iyo hoggaamiye Xirsi kulamo qarsoodi ah la qaateen saraakiisha dalkaas ugu sarraysa, isla markaana la isla soo hadal qaaday maalgashiga u dalka Imaaraadku ku samaynayo marsada Berbera oo aanay xukuumadda Djibouti raalli ka ahayn.

Kulanka madaxda xisbiga WADDANI iyo weliba saraakiisha xukuumadda Djibouti dhexmaray oo ahaa mid calaamatul su’aal weyni saarnayd, ayey wararku sheegayaan inuu ahaa mid xukuumadda Djibouti dabada ka riixayso, isla markaana si weyn loogu dhiirrigeliyye saraakiisha WADDANI inay  hor istaagaan maalgashiga Berbera.

Saraakiisha WADDANI, ayaa la sheegay inay dhegta u raarixiyeen sidii ay isu hortaagi lahaayeen maalgashigaas aanay Djibouti ku faraxsanayn, islamarkaana ay awood dhaqaale iyo mid siyaasadeedba la garabgeli doonto tallaabooyinka uu WADDANI ku diidan yahay maalgashiga dalka.

Guddoomiye Cirro iyo weliba Hoggaamiey Xirsi, ayaa iyagu la wariyey inay halkaas kaga ballan qaadeen inay culays ballaadhan saari doonaan hor istaagidda maalgashiga Berbera, isla markaana ay Djibouti la samayn doonaan xidhiidh joogto ah, isla markaana ay warbixinno joogto ah wada yeelan doonaan.

Safarka ay madaxda WADDANI dalka kaga maqan yihiin, ayaa si weyn looga hadal hayaa dalka oo dhan, maadaama oo ay hoggaanka sare ee xisbigu daba-marteeyeen barnaamijka qaadhaan ururinta ballaadhan ee dalka laga wado, taas oo dadka abaaruhu tabaaleeyeen loogu ururinayo qaadhaan dib loogu xoolaynayo.

Hoggaanka sare ee WADDANI, ayaa muddooyinkii ugu dambeeyey ku noqnoqonayey dalka aynu jaarka nahay ee Djibouti, waxana socdaalladooda ka dhashay shakii la xidhiidha socdaallada reer WADDANI ku tegayaan dal si weyn uga soo horjeeda maalgashiga Imaaraadku ku samaynayo Berbera, maadaama oo aanay oggolayn in marsada Berbera la tartanto midda Djobouti oo hore maalgelin loogu sameeyey.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here