Muqdisho: (Hubaal)-Shaki xooggan, ayaa soo kala dhex galay madaxweyneha Soomaaliya Md. Xasan Sheekh Maxamuud iyo mudanayaal Baarlamaanka dalkiisa katirsan oo uu dhawaan si caddaaladda baal marsan kaga soo saaray deegaanno gaar ah, kuwaas oo uu sii qoondaystay inay codkooda siin doonaan maalinta doorashada.
Kala shakigan, ayaa ka dambeeyay markii Xildhibaanadani ay siyaabooy kala duwan ula kulmeen qaar ka mid ah murashixiinta u taagan jegada madaxtinimada ee dalka, kuwaas oo ay si weyn isu hayaan madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.
Dhaqanka xildhibaannadan, ayaa waxay ka cadheysiisay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo xertiisa (Dam-Jadiid), waxaana ay dhaawacday kalsoonidii ay ku qabeen Xildhibaanadaasi.
Xildhibaanadan oo lagu soo doortay Magaalooyinka Garoowe, Cadaado, Jowhar, Kismaayo iyo Baydhabo, ayaa kulamo kala duwan la yeeshay murashixiinta oo qaarkood booqashooyin ku tagey magaalooyinkaasi.
Sidoo kale xubno ka mid ah Xildhibaanadaasi oo soo gaadhay Magaalada Muqdisho, ayaa hoteelada Caasimadda kula kulmay murashixiin kale, iyagoona ka wada hadlay doorashada Madaxweynaha (2016).
Wararka qaarkood, ayaa sheegaya in Xildhibaanadan hore madaxweynuhu u watay lagula ballamay inaanay la kulmin murashixiinta ay is hayaan Madaxweyne Xasan Sheekh oo markale sanadkan u taagan hogaaminta wadanka.
Sharci-yaqaanada, ayaa qaba in Golaha Shacabka ay xaq u leeyihiin inay la kulmaan murashixiinta, si ay uga dhageystaan waxyaabaha ay qaban doonaan, haddii ay jegadaasi ku soo baxaan.
Sidoo kale Xildhibaanadan, ayaa waxaa la tilmaamay inaanay danahoodu ka dhex arkayn murashixiintan, sababo ku aadan, iyagoo aan taageero dambe ka fileynin xerta Madaxweyne Xasan.
Midda xiisaha leh, ayaa waxay tahay, iyadoo qaar ka mid ah Xildhibaanadan la arkay, iyagoo u ololeynaya murashixiinta kale oo ay is hayaan Madaxweyne Xasan.
Dadka fallanqeeya arrimaha Somaliya, ayaa waxay aragtidoodu tahay in si musuq maasuq leh ay Xildhibaanadu kaga weecan karaan Villa Somalia, maadaama ay markii horeba ku yimaadeen gacan bidixayn.
Shakiga ku yimid Villa Somalia, ayaa waxaa ay sii xoojin doontaa tartanka kala dhaxeeya murashixiinta, waxaana dhici karta in doorashada looga adkaado, haddii ay sii socoto duufsiga lagaga hayo xildhibaanadii madaxtooyadu wadatay.
Dhanka kale waxaa suuqa soo galay suurtagalnimada inay isbahaysi noqdaan murashixiinta, uu xifaaltanka kala dhaxeeyo kooxda Dam Jadiid, kuwaas oo afartii sano ee la soo dhaafay ka arrimineyey Villa Somalia.