Hargeysa(Hubaal) Siyaasi Cismaan Xuseen Gurxan (Kalash) oo ka mid ah Xisbiga Mucaaradka ee Waddani ayaa sheegay in Somaliland aanay xabad iyo xoogtoona u baahnayn ee ay u baahan tahay Caqli.
Kalash oo la hadlay shabakadda wararka ee Xaysimo wuxuu yidhi,” haddii xoog laysku muquuniyaa wax tarayo, wuxuu ka shaqayn lahaa falastiinta iyo yuhuuda, maraykankan iyo ciraaq iyo kuwo kale oo la mid ah, markaa waa inaan wax ku qaadanaa”.
Cismaan Kalash ayaa dhanka kale sheegay in Somaliland meeshii maalintii Daahir Rayaale lagala wareegay ay joogtay oo ahayd dad iyo dal midaysan ay ku gaadhay nabadgelyo, wadatashi, isu tanaasul iyo talo ee aanay ku imaan dagaal iyo xabad.
Cismaan Kalash oo wax laga waydiiyay xurgufaha cusub Gobolka Sool iyo Cayn laga soo sheegayo ayaa ku jawaabay; “Xukuumadda Somaliland waxaa looga baahnaa in inta aanay talaabo qaadin ama ciidan dhaqaajin ay marka hore diyaariso siyaasad iyo caqli ciidanka haga, laakiin hadaad meelwalba marka ugu horeysa aad ciidanka ku bilowdid waxaa kugu dhacaysa sidii dawladii siyaad Barre ku dhacday oo waxaad noqonaysaa dagaal u joog. shalay baa Kalshaale aynu ogayn, maantana ma waxaan sugaynaa horufadhi iyo Ceegaag?, waxaa isweydiin mudan maxay ka qabteen ilaa intuu dagaalkii kalshaale joogsaday, ilayn waxay ahayd intaan ciidamo kale Gobolka Cayn loo dirin in marka hore dadka la nabadeeyo, siyaasad laga wadahadlo, wixii la kala tabanayo laysla meel dhigo, walaaltinimadii la soo celiyo, laakiin waa nasiib daro in inta labo sano la soo nasto hadana weerar celis kale la sameeyo oo maanta dhowr boqol oo qof ku dhintaan, ilama aha in dhiiga reer Somaliland gudihiisa mudo kordhin lagu helayo ee waa fashilan cad oo ku dhacay hogaaminta Madaxweynaha, mana aha wax lagu abaalmariyo oo waqtiga loogu dheereeyo.
Shacabka Somaliland waxaa loo baahanyahay inay ka jawaabaan in beelaha darafyada xabad lagu hayo iyo in la abuuro walaaltinimo iyo wax wada lahaansho. Maanta beelaha Darafyadu dhib ma qabaan, cida ceebta iyo sharaf dhaca Somaliland u soo hoysay waa la garanayaa”.
Ugu dambayntii Cismaan Kalash ayaa shacabka Somaliland ugu baaqay inay gartaan meesha xoraynta uga baahan, waxaanuu yidhi, “Madaxtooyadda Somaliland oo si dimuqraadiyad ah loo xoreeyo oo cida ka talinaysa loo bedelo, arintaas oo keliya ayaa maanta Somaliland lagaga samata bixin karaa dhibaatada, musuqmaasuqa iyo burburka la abuuray mudadii xisbiga kulmiye Talada hayay”.
Cismaan Xuseen Gurxan ayaa dhawaan loo celiyay xorriyadiisa kadib markii uu todobaad ku xidhnaa Xarunta C.I.D ee Hargeysa, iyadoo la sheegay in xadhigiisa uu ka dambeeyay masuul dawladda ka tirsani.