“Waar Ka Deg Meesha Nedel Baad Tahaye………”
Hargeysa:(Hubaal)-Fadhigii Maalintii shalay ee Golaha wakiillada, ayaa Buuq iyo rabash ku dhammaaday, kadib markii Guddoomiye Cirro iyo Ku-xigeenkiisaa Koowaad, Baashe Maxamed Faarax dagaal gacan-ka-hadal ah isku qaadeen xilli fadhiga Goluhu furan yahay.
Gacan-ka-hadalka Masuuliyiinta ugu Sarraysa Golaha ayaa ka dhalatay Mooshin ay soo saxeexeen Mudanayaal tiradoodu gaadhaysay 38-Mudane Kaas oo ujeeddadiisu ahayd in Golaha dib loogu soo celiyo warqad uu madaxweynuhu hore golaha ugu soo diray oo uu kaga horyimi tallaabo Hore Goluhu ugu diideen in Haamahaass lagu wareejiyo Cid gaar ah, Balse Guddoomiye Cirro, ayaa Mooshinkaas is hortaagay, isagoo tilmaamay in xeer Hoosaadka golahaasi aanu xilligan oggolayn Wax mooshin ah la xidhiidha Arrimihii Kalfadhigan lagaga soo dooday.
“Sidaad aragtaan mooshinkani waxa uu ku saabsan yahay haamaha shidaalka Berbera. Sida uu qabo qodobka 43 faqradiisa labaad ee Xeer hoosaadka Golaha wakiilladu lama furi karo mooshin haddii arrinta uu ka Hadlayaa ku saabsan tahay arrin goluhu ka dooday isla fadhigaas, sidaas darteed Kalfadhiga dambe ayuu ansax yahay keenista Mooshinkani.” Ayuu yidhi Guddoomiye Cirro isagoo difaacaya in Mooshinkaas cod loo qaado.
Hujuumkii Baashe:
Guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee Golahaas Baashe Maxamed Faarax ayaa Go’aanka Guddoomiyaha si weyn uga Horyimi waxana halkaas ka dhacday Jaafaa jiriq Kooban oo markii dambe isku beddelay Dagaal Toos ah oo ay Labada Masuul isku hujuumeen.
Heegankii Cirro
Guddoomiye Cirro, ayaa dulqaad dheer oo uu ka galay Gardarro isdaba joog ahayd oo kuxigeenkiisa kaga imanaysay markii dambe go’aansaday inuu Gacantiisa kaga ciil baxo Hujuukka ku kaga socdo Ku-xigeenkiisa, waxan uu isku raaciyey feedhadh laba ahaa oo markii dambe keenay inuu Dhulka Galo Guddoomiye Baashe isagoo odhaahdan kooban ugu hanjabay, “Waar meesha ka deg nedel baaad tahaye”.
Hiinraaggii Mudanayaasha Muxaafidka ah:
Mudanayaasha Muxaaridka ah oo shalay si weyn ugu abaabulnaa inay meel mariyaan Soo Jeedinta ka timi dhinaca madaxweynaha ee la xidhiidha in Wareejinta Keydka Haamaha shidaalka Berbera awooddeeda la siiyo xukuumadda, ayaa halkaas ka huleelay iyagoo aan meelmarinin Rabitaankoodii sababay Dagaalka Hoggaanka Golaha Wakiillada, waxana Fadhigii uu ku xidhnay dagaalka Labada Guddoomiye.
Fadhiga Natiijo la’aanta ku dhammaaday, ayaa ahaa mid guuldarro ula muuqday mudanayaasha muxaafidka ah, halka kuwa mucaaridka ahi sheegteen inay libin kala hoydeen, maadaama Guddoomiyahoodu dagaal u galay sidii Haamahaas loo ilaalin lahaa oo aanay ugu dhici lahayn gacmo shirkado gaar ah.