Shalay Iyo Jewigii Wanqasha Degmada GUNBURAHA Oo Kulmisay Haldoorka Jileyaasha Siyaasadda Somaliland

0
48

Gunburaha (Hubaal):- Degmada Gunburaha oo ka mid aheyd  degmooyin uu dhawaan madaxweyne Siilanyo uu magacaabay oo ku taala jidka u dhaxeeya magaalooyinka  Hargeysa Iyo Caasimad Gobalka Hawd ee Baligubadle ayaa waxaa shalay  loo qabtey xaflad loogu wanqalaayo degmadaasi  cusub. Munaasibada wanqasha degmadan  waxaa ka soo qeyb Galay madaxda xisbiyada qaranka ee Waddani, UCID, Kulmiye, Wasiiro,  Xildhibaano, Madax dhaqameed, Maayarka Caasimada, gudoomiyaha iyo masuulyiin kale.24-5

Ugu horeyn waxaa madasha ka hadley gudoomiyaha gobalka Hawd oo ay degmadan Cusubi hoos timaado  waxaana uu madaxweyne Siilanyo uga mahadnaq In magaalada Gunburaha u magacaabo Degmo oo uu sheegay in ay u qalanto. Suldaanku Guud ee Beelsha Arab Sul. Cumar Suldaan Maxamed Sul.Faarax oo isaguna madasho hadlo kooban oo soo dhaweyn ah ka yidhi ayaa madaxweyne Siilanyo waxaa uu isna dhankiisa uga mahadnaq  in Gunburaha uu u magacaabo Degmo waxaana uu dhamaan marti sharfta ku soo dhaweeyey xafladan wanqalka Ah  gaar ahaana madax dhaqameedka.  Sidoo kale waxaa iyaguna madasha ka hadley Madax dhaqameedkii xaflada wanqalka ah ka soo qeyb galay waxaana ay dhamaantood sheegeen in beesha degmadan Cusub loo magacaabey ee (ARAB) uu mid waliba meel ood wadaag kala yahay isla markaana ay ku faraxsan yahiin. Dhinaca kale madasha oo aheyd mid aad u balaadhan waxaaa hadlo ka yidhi  Gudoomiye ku xigeenka xisbiga Waddani Axmed Muumin Seed oo isagu hogaaminaayey waftigii xisbiga Waddani ee xaflada ka qeyb galay waxana uu gudoomiyuhu uu halkaasi kaga  dhawaaqey Gaadhi Cusub oo ay ugu talo galeen  degmadan cusub isla markaana ay kaga qeyb qaadanayaan qadhanka loo ururinaayo Degmadan cusub. Maxmed Kaahin Axmed  oo isana hogaminayey waftigii xisbiga Kumiye ee xaflad ka qeyb galay ayaa waxaaa uu isna dhinaciisa ku dhawaaqay lacag dhan $10,000 ( toban kun oo Dollor) oo uu xisbigiisku kaga qeb galaayo qaadhanka degmadan cusub. Faysal Cali Waraabe gudoomiyaha xisbiga UCID ayaa isna waxaaa uu heegay in uu kaga qeyb qaadan doono degmadan Cusub qaadhanka loo uruurinaayo lacag ay qadarkeedu tahay $5000 (shan kun oo dollor).  Gabo gabadii waxaa iyaguna madasha hadlo kooban ka yidhi wasiiro ka tirsan xukuumada madaxweyne Siilayo waxaana ay dhamaantood sheegen in ay ku faraxsan yahiin in magaalada Gunburaha loo magacaabo degmo isla markaana ay aad ugu mahadcelinayaan Madaxweynaha qaranka Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilanyo

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here