Hargeysa (Hubaal) Dhawaan ayaa laamaha amaanka Somaliland waxa ay xabsiga dhigeen mid ka mid ah macalimiinta wax ka dhiga Dugsiyada Nuuradiin ee Magaalada Hargeysa iyada oo sababta lagu xidhay ahayd Magaca Madaxwaynaha Somaliland oo ay iskaga eeg yihiin. ka dib xadhig uu maalin qaatey Macaliinkaasi waxa shalay si rasmi ah loo kulan siiyey labada shakhsi ee isku magaca ah oo kala ah Madaxwayne Axmed Maxamed Siilaanyo iyo Macalin Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo, kulankaasi oo ka dhacay qasriga madaxtooyada Somaliland. Kulanka oo ka dhacay xarunta Madaxtooyada Somaliland ayaa waxa goob joog ka ahaa maamulka dugsiyada Nuuradiin ee Hargeysa iyada oo kulankaasi uu si kal iyo laab ah u gacan qaaday Madaxwayne Siilaanyo kana raali galiyey Qaladka dhacay ee lagu xidhay. macalinka ayaa isna dhankiisa uga sheekeeyey Madaxwaynaha sida uu ku yimi in loo bixiyo Naanaysta Siilaanyo maadaama ay marka hore iskaga mid ahaayeen saddexda Magacyada caadiga ah.
Dhacdada Macalinka loo xidhay ayaa waxa si wayn looga hadal hayay Baraha bulshada iyada oo lagu kala aragti duwanaa qaabka iyo sababta loo xidhay Macalinka maadaama ay dhacdo in dadka qaar ay isku magac noqdaan.
Sikastaba, Talaabada uu madaxwaynaha Somaliland kula kulmay Macalinkan ay isku magaca yihiin ayaa ah mid geesinimo leh maadaama aanu jirin wax qalad ama sumcad dilis ah oo u macalinku ku sameeyey magaca ay iskaga mid yihiin basle isaga ay dhibaato xadhig ah uu kala kulmey.