Shan Askari Oo Ku Dhintay Qarax Ka Dhacay Saldhig Ciidan Oo Muqdisho Ku Yaalla

0
34

qaraxa muqdisho

Muqdisho (Hubaal) Ugu yaraan shan qof ayaa ku dhintay qarax ka dhacay saldhig ciidan oo ku yaalla magaalada Muqdisho. Qaraxa waxaa sidoo kale ku dhaawacantay 15 qof, waxana geystay qof dirayska milatariga soo xidhay, sida uu BBC-da u sheegay qof goob jooge ah. ” Qofka is qarxiyay waxaa lagu joojiyay albaabka xerada halkaasii oo uu isku qarxiyay”, ayuu yidhi Abdiqaadir Faarax oo ku sugnaa gudha xerada marka uu weerarku dhacayay. Faarax oo u warramay wakaaladda wararka ee AFP ayaa sheegay in xerada ay shir ku lahaayeen mas’uuliyiin ka tirsan milatariga.

Qaraxyo dhawr ah ayaa maalmahan ka dhacay magaalada Muqdisho, waxaana masuuliyadooda sheegtay kooxda Al Shabaab. Qaraxan u dambeeyay isla kooxda Shabaab ayaa sheegatay masuuliyaddiisa.

Waxaa sii kordhayay weerarada ay kooxda ka gayesanaysay caasimadda isbuucii la soo dhaafay. Shalay ayay aheyd markii weerar is miidaamin ah uu ka badbaaday Taliyaha cusub ee Ciidamada Soomaaliya , wax yar kaddib markii xilkaasi lagu wareejiyay.

Weerarada Todobaadkan ka dhacay Muqdisho

7 qof ayaa ku dhintay qarax ka dhacay caasimadda Arbacadii.

3 qof ayaa ku dhimatay weerar hoobiya loo adeegsaday Jimcihii.

10 qof ayaa ku dhimatay qarax Axaddii ka dhacay magaalada Muqdisho.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa dhawaan shaaciyay in uu dalku galay xaalad dagal oo ka dhan ah Shabaab.

Kooxda ayaa hanjabaadaasi ku tilmaantay mid uu madaxweynuhu ku raaligelinayo reer galbeedka.

Xigasho: bbc

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here