W/Q: Eng. Naasir Haybe, Email: abdinasirh@yahoo.com
“Maalgalinta Mashaariicda Horumarinta Somaliland waxa ku baxaya 64 malyan USD (afar iyo lixdan malyan oo USD ah mudo afar sanadood ah oo ka bilaamaysa 2013 intii badnaydna way hirgashay)” hadalkaa waxa yidhi Wasiirka Qorshaynta Somaliland, Dr. Sa’ad Ali Shire bishan 15th, August, 2015, mar uu shir jaraa’id ku qabtay xaafiiskiisa. Shirkaas waxa wasiirka ku waheliyay Wasiiru Dawlaha Wasaarada Maaliyada Md Osman Abdillahi Sahardiid (Cadaani) oo isna shirkaa ka sheegay in mashruucan ay masuul ka tahay company ay leeyihiin qoladii maalgalinta bixisay. Hadaladan ayaa igu dhaliyay inaan qalinka u qaato qoraalkan kooban ee ku saabsan hirglinta mashaaricda danta guud.
Inta badan waxaad Somalland ku arkaysaa ama maqlaysaa mashruuc la hirgaliyay oo aanay cidina iswaydiinayn goorta la bilaabay, cida hirgalisay iyo kharashka ku baxay toona. Masuuliyiintii hirgalisayna ay ku faanayaan waxbaan hirgalinay ee ogaadaay oo I maqlaay. Taasina waxay sahashay in ay dhacaan madmadow badan oo ay dadka qaar mala awaalaan lacaga la musuqmaasuqay, yidhaahdaana hebel iyo hebel ayaa la siiyay qandaraaska si hoos ahaana, qaarna ay xaqiiqda hayaan cid ka dhagaysanaysana aanay jirin waayo waa mashruuc aan cidina hore u ogayn oo meel loogu hagaagaba lahayn iyo wax qoraal ah. Halkan waxan kaga hadli doonaa marxaladaha ay mashaaricdu maraan iyo waajibaadka masuuliyiinta mashaaricdu shicibku ku leeyahay.
Mida koowaad, mashruuc in la hirgaliyo waxuu u baahan yahay aqoon, xirfad, aalaadihii la isticmaali lahaa iyo maalgalintisii. Mashruuc hirgalintiisu waxay caadiyan martaa 5 marxaladood oo asaasi ah, waxayna kala yihiin:
- Fikrada iyo asaaska mashruuuca: inta badan waxay ka timaadaa hay’ada masuulka ka ah meesha baahida mashruucu ka jirto. Haya’dani waxay la kaashataa ama u gudbisaa Wasaarada qorshaynta si loo sameeyo daraasada mashruuca iyo qorshihiisa
- Qeexida Mashruuca iyo Qorshayntiisa
- Hirgalinta mashruuca: Hay’ada ay khusayso ayaa hirgalisa mashruuca iyadoo si toos ah ama si dadban maalgalintiisa ay masuul uga tahay Wasaarada Maaliyadu. Haddii lagu bixinayo qanadaraas, Hay’ada Qandaraasyada ayaa qandaraaska ku soo bandhigaysa warsaxaafadeedka si loogu tartamo.
- Hab-u-socodka, kormeerka iyo dabagalka mashruuca: inta badan dawladuhu waxay leeyihiin xaafiis u gaar ah dabagalka fulinta mashaariicda kaasoo hoos yimaada hay’ad madax banaan ama Wasaarada Maaliyada, kaas oo soo saara warbixino mudaysan, inta badan 3 bilood kasta.
- Gunaanadka mashruuca ama dhamastirkii mashruuca, inta badan waa marka aad maqashid madaxwaynaha ama masuul qaran ayaa xariga ka jaray mashruuc la hirgaliyay.
Marxalad kasta oo ka mid ah marxaladahaas aan kor ku soo sheegnay waxa loo baahan yahay in lagu qeexo daraasada mashruuca ee marxalada labaad. Waa lagama maarmaan in marxaladuhu ay maraan sida ay u kala horeeyaan. Marxalada afaraad waxay bilaabantaa inta ay socoto maraxlad saddexaad ilaa dhamaadka marxalada shanaad. Cidkasta ooy khusayso ama dantoodu tahay mashruucani waa in lagu wargaliyaa shantaa marxaladoo ee asaasiga ah. Dawladuhu waxay ku soo bandhigaan mashaaricda warsaxafadeedka iyagoo cadaynaya marxalad kasta oo u mashrrucu marayo iyo xaaladiisa kharashyada baxay iyo wixii dhiman iyo in uu mashruucu dhamaanayo waqitigii loogu tala galay iyo in kale. Mashruucii aan marin marxaladahaas aan soo shegnay waxuu noqonayaa mid baal marsan sharciyada iyo qawaaniinta dawliga ah.
Mida labaad, Masuuliyiinta mashaaricda danta guud waajib ayay shicibku ugu leeyihiin inay u soo bandhigaan mashruuca bilowgiisa iyo dhamaadkiisa. Xisaabtan iyo qeexida waafi ah oo lagu qanco waxay imaan kartaa marka la helo bandhig aan madmadow ku jirin, waana mid xaq loogu leeyahay dawlada iyo cida ay u xilsaartay fulinta mashaariicda. Mashruuca waa in lagu wargaliyo dhamaan hayadaha iyo dadwaynaha dantooda lagu fulinayo mashruucan, waxa lagama maarmaan ah in dadwynaha loo iftiimiyo marxaladahaas mashruucu marayo ee aan kor ku sheegnay.
Si dawladi u hanato kalsoonida shicibkeeda, madmadowna aanu u galin hirgalinta mashaariicdu, waa lagama maarmaan in dawaldu soo bandhigto mashaariicda. Kormeerka iyo xisaabtan waafi ah lama heli karo hadii aanay jirin ogaanshiyo dadwaynaha iyo cida ay khusayso.
Hayadaha dawladu mid kasta waxay leedahay masuuliyad u gaar, tusaale ahaan, Wasaarada Qorshaynta iyada ayaa laga rabaa inay samayso qorshaha qaranka oo mudaysan sida qorshaha horumarinta dhaqaalaha ee 5ta sano. Hayada qandaraasyadu waa inay soo bandhigtaa qandaraaska mashruuca lagu bixinayo, si cadaalad ahna u bixisaa.
Dunidu waxay ku horumartay waa xisaabtan , kormeer iyo dabagal joogta ah iyadoon cid gaar ahna loogu hibaynayn ka faaidaysiga mashaariicda danta guud. Sidaa darteed dawolada Somaliland iyo hayadaheeda ay khusayso mashaariicda Somaliland Development Fund, waa inay soo bandhigaan qorshihii mashaaricda lagu bilaabay si loo ogaado cida lacagta bixisay, halkay ku baxday, shirkadaha qandaraasyada qaatay, mashruuc kasta inta ku baxday, maxa qabsoomay, maxaa dhamystirmi waayay iyo dabgalada ay haydaha khusysaa sameeyeen iyo wixii ka soo baxay.
Wa Billaahi Tawfiiq,
Qalinkii: Naasir Haybe
abdinasirh@yahoo.com