“Waxa la ogyahay in siyaasiyiinta caydiga & Cago-baruurada Ah Ee Talada Madaxtooyadu Keligood Gacanta Ugu Jirtaa Uu Go’aankoodu Noqon Karo “CIDNA LOO JOOJIN MAAYO”
Sheekooy Sheeko…..Waa sheeko yaab leh haddana aan lama filaan ahayn. Xeerkii Diiwaangelinta Cod Bixiyayaasha ee wax ka bedelkiisa iyo kaabistiisa uu dhawaan Komishanka Doorashooyinku u gudbyay Madaxwaynuhu wuu ku daayay waayo madaxwaynuhu xeerka uu u gudbiyay Golaha Wakiiladu waa mid cusub oo isku xidhaya Diiwaangelinta Madaniga ah iyo Diiwaangelinta Cod Bixiyayaasha taas oo gebi ahaanba ka hor imanaysa wixii ay hore ugu wada hashiiyeen dhamaan daneeyayaasha labada doorasho ee Wakiilada iyo Madaxtooyada ee kal dambe hadii Alleh yidhaa, hadii ay yihiin Xisbiyo Qaran, Komishanka Doorashooyinka, Xukuumadda iyohadii ay yihiin qaadhaan biyayaasha shisheeyaha ah oo la filayo inay cidi ka timaado todobaadkan.
Waxa la sheegayaa in sheekadan cusubi ay ka dhalatay shir qarsoodi ah oo dhex maray ergo wakiilada ka socotay iyo Madaxwaynaha oo keentay in guddi uu madaxwaynuhu u saaro xeerkii Komishanka Doorashooyinku u soo gudbiyay ee ahaa keliya wax ka bedel iyo kaabis lagu sameeyo xeerkii hore ee Diiwaangelinta Cod Bixiyayaasha. Natiijadii gudida ayaa u muuqata in loo jeedo IN AAN DALKA DOORASHO KA DHICIN iyada oo qorshuhu yahay in labada dooraho ba dib loo wada dhigo marmarsiiyuhuna noqdo xeerarka aan is qaadi karin xiligan oo xeer qudha la iskaga dhigo si ay wuxu ba isu la wada qasmaan. Waxa muhiim ah mawqifka qaadhaan bixiyayaasha oo hadii ay ka baxdo xukuumadu wixii lagu heshiiyay iyaguna xaq u leh in ay la noqdaan kaalmadoodii dhinaca maal gelinta gebi ahaanba arimaha doorashooyinka Somaliland hadii aanay saamaynin dhinacyada kalena. Xisbiyada mucaaridka ah laftoodu talo ayay isugu maqan yihiin.
Si kastaba xaalku ha ahaado eh waxa la ogyahay in siyaasiyiinta caydinka iyo cago baruurada ah ee talada madaxtooyadu ay keligood gacanta ugu wada jirtaa aanay wax badan garanayn go’aankooduna uu noqon karo “CIDNA LOO JOOJIN MAAYO”.
Sheekadu ka waawayn oo waxa ku socotaa weger iyo ka waasacan. Cali Warancade Marxuun Cigaal sheekadii cumladda ayuu ku jebiyay. Riyaale ragii diiwaangelinta diid lahaa ayuu kow ka ahaa. Waxay maanta tan uu wadaa I xasuusisay markii lagu dhexdhexaadiyay xukuumadii UDUB iyo KLMIYE iyo UCID oo mucaarid ahaa heshiiskii lixda qodob ahaa ee diiwaangelnitii la sixi kari waayay ee Waran Cadde isa soo taagay aan diidno. Shir uu Madaxwayne ku xigeenku gudoominayay ayaan ka dhex waydiiyay ” waar hadii ay UCID iyo KULMIYE ogol yihiin inay taa qaladan ku tartamaan, Komishankii Doorashooyinku na ay leeyihiin taas ayaanu ku qabanaynaa, isla markaana Interpeace iyo qaadhan bixiyayaashina leeyihiin ha lagu galo ma inaga oo qudha ayaa diidi karno? Waa maxayse baqaha inoo gaarka ihi inaga?. Walaahi jawaabtiisii ilaa hadda sideedii ayaan u xasuustaa. Waa ninka aad yar uun iska yidhi” KULMIYE ayaa ina boobaya. Jawaabtii aan u celiyay waxay ahayd” waar dhegeyso laba sanadood oo mudo dhaaf ah ayaa meesha joogteen cid intaa in ka badan inaga ogolaanaysaa ma jirto eh hadii idinka oo xukuumadii ah oo cidamadii nabadgelyadu gacanta idiinku jirto hadana KULMIYE idin boobi karayo waxa yeesheen hadda iska wada Dareera anagaa keeni kuwo aanu KULMIYE boobi karin eh.
Waxan u soo qaatay sheekadan waxan arkaa nasiibdarada KULMIYE ku sheega xukuumadda wax ka dhegeysanaysa Cali Warancade oo aan dal iyo dad iyo dan midna u jeedin ee kuursiga ku sii fadhi uun garanaya?
Maantana Cali Warancade waxan odhanayaa waar kala fadhiiso ummadda nacsnimada oo iska wadwado mashruuc hunguriga aanu ognahay cidda qandaraaska aan ku qiyaasi karo 3 ila 4 milyan oo doolar kugu la shuraakada ah. Haddanu idiin deyno oo ka aamusnay mashruuc hunguri giina idinka ogolaan mayno in doorashadii lagu heshiiyay ku baabi’isaanl
Ogow Somaliland in dhiig hore loo daadiyay hadii ay qasab noqtona diyaar loo yahay in ku dambe loo daadiyo. Wada hadal waxa ka hadhay ila beri 4ta galabnimo marka mawqifka qaadhaan bixiyeyaasha cadaanayo, waayo qayb ayay ka ahaayeen wixii lagu hesheeyay
Xukuumadan aynu ognahay sida ay ugu dhiiqato khilaaf yar oo ku siman berked yar iyo derged yar ayaan ka baqayaa in Cali Warancade uu geliyo khilaaf siyaasi ah oo baalaha fidsada min Gebilay ilaa Ceerigaabo oo weliba aanu isagu wax uu ka tari karaa jirin. Cumladii iyo sicir bararkii uu warancade ku jebiyay AHN Cigaal si fiican ayuu uga dheregsan yahay Madaxwayne Slanyo. Waayo aragnimadaydu waxay i bartay nin talo xumi haduu kula jiro na waxba kuma taro wax uu ku yeelo mooyaane, haduu kaa jiro na waxba kuma yeelo wax uu ku taro mooyaane. Madaxwayne Silanyo in uu wasaaradda ugu muhiimsan u dhiibto isaga dan uma ahayn shakhsi ahaan lakiin mucaaridkiisa waa laga yaabaa in kasta oo marka dhinaca danta guud wax laga eegayo aanay sax ahayn waayo ” WAXA UMUSHA U DAN AH AYAA ILMAHANA U DAN AH” oo danteenu waa isku mid ee laba ma kala aha.
Marka ay tahay xeerkan Diiwaangelinta Cod Bixiyayaasha ee wasiirku uu candadawlay ee silcistay waxan odhan karaa Wasiirkii hore ee Rayaale maantana ah Wasiirka Arimaha Gudaha ee Madaxwayne Silanyo wuxuu odaygii geliyay dhudhubtii oodnayd ee Madaxwayne Rayaale inu geliyo ku sigtay. Marka ay tahay isku xidhka madhruuc hunguriga diiwaangelinta madaniga ah iyo doorashada waxa meel ka wada taagan xisbiyada qaranka, Komishanka Doorashooyinka, qaadhaan bixiyayaasha shisheeyaha ah halka xukuumaddana ay talada Cali Warancade keligeed meel takooran joojisay.
Hadaba xiligii Rayaale makii aniga oo wakhtigaa Afhayeenka UDUB ah iyo Cali Warancade oo wasiir ihi ku kala safanay taladii doorashada ee aanu jiq isku noqonay ee isna uu isa soo taagay diiwaangelintii lama sixin ee aan diidno in doorashada lagu galo, aniguna aan isa soo taagay waynu ku qasbanahay in aynu ku galo waayo keligeen ma diidi karno waxay noqotay taydii ee tiisii may noqon goa’aankii kama dambaysta ahaana waxa gaadhay Madaxwayne Rayaale oo yidhi” WAAR WAA LAGU GELAYAA, HADII KULMIYE BOOBO DEE BOOBA IDINKUBA MA GACMAHAA LA IDIN HAYAA”. Bal ka waran hadii tiisa la qaadan lahaa oo mawqifka xukuumadu noqon lahaa ku geli mayno diiwaangelintan ilaa sidii lagu heshiiyay la saxo oo mar kale Guurtidu muddo kordhin samayn lahayd? Madaxwayne Silanyo oo oo musharaxa madaxwaynaha ee KULMIYE ahaa oo marna sigay markii kalena laba sanadood muddo dhaaf tahay muxuu yeeli lahaa? Jawaabtu isaga ayay malaha ku haboonayd. Maanta waa tii teedii, isku soo wada dar talada Cali wadaa waa in doorasho aanay dhicin. Shalayna taas uun bay ahayd lakiin waxa madaxwayne ahaa Daahir Rayaale oo isagu talada lahaa lakiin maanta waxa Madaxwayne ah Axmed Silanyo oo isagu aan ahayn cidda talinaysa. Sidaa daraadeed arinkan doorashada lagu daadifaynayaa iyo talo xumada Warancade, Alleh ha inoo sahlo eh waa FALAADHII CIRKA LOO GANAY NIN WALOW FILO.