Shaqaale Faarisiyiin Ah Oo Si Xeeladaysan Uga Faro Muruxsaday Budhcad-badeed Ay Ugu Afduub-duubnaayeen Bariga Soomaaliya

0
58

Hargeysa:(Hubaal)Xeebta Ceel Huur oo ka tirsan gobolka Mudug ee Dalka Somalia, waxaa ka dhacay arrin curad ah, kaddib markii shaqaale ajaanib ah oo u afduubnaa budhcad badeed Soomaaliyeed ay baxsadeen iyadoo aan wax dagaal ah ka dhicin halkaasi.budhcad badeed

Shaqaale u dhashay dalka Iiraan tiradooduna gaadheyso 16-qof oo watay doon muddo saddex bil ah afduub ugu jirtay budhcad badeed Soomaali ah ayaa si xeeladeysan uga baxsaday 4-dabley ah oo ilaalo ka hayay.

Mid ka mid ah dadka degaanka oo lagu magacaabo Cabdilaahi Maxamuud ayaa VOA-da u sheegay in shaqaalahaasi ay baxsadeen isla markaana aan la ogeyn meel ay jaan iyo cidhib dhigeen, isagoo sheegay in shaqaalahaasi ay awood u sheegteen budhcad badeedii ilaalineysay.

Goob joogahan ayaa sheegay in doomaha la qabtay ay tiradoodu gaadheyso ilaa laba doon oo midkood shaqaalihii ka shaqeynayay ay baxsadeen, isagoona sheegay in lagu raad joogo si loo soo qabto, isagoona sheegay in doomahan ay si sharci darro ah uga kalluumeysanayeen xeebaha Soomaaliya.

Waa markii ugu horeysay oo si badheedh ah ay u baxsadaan shaqaalaha saaran maraakiibta iyo doomaha ay afduubanayaan budhcad badeeda Soomaaliya, iyagoo hore lacago fara badan uga heli jiray sii deynta gaadiidka ay badda ka soo qafaashaan.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here